Maamulkii Hore ee DKMG u qaabisanaa Gobolka Gedo isla markaana haatan ku sugun Degmada Doolow ayaa Qaab shuruudeysan u soo dhaweeyey Hadalkii Shalay ka soo yeeray Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Gedo haatan ka arimiya ee laxiriiray in wada hadal lagu dhameeyo Khilaafka Gobolka Gedo.
Maxamed Cabdi Kaliil oo horey DKMG ah ugu Qaabilsanaa Gobolka Gedo oo u waramayey Idaacada Shabelle ayaa sheegay in ay horey u soo gudbiyeen in Wadahadal lagu dhameeyo Arinta Gobolka Gedo waxa uuna intaa ku daray in ay ku baaqeen in lagu Shaqeyndoono isla markaana leysugu yimaado Maamulkoodii DKMG ahaa sida uu hadalka u dhigay Kaliil.
Kaliil oo arinkaa ka hadleyey ayaa yiri:”Anaga horta horaan ugu baaqnay Dadka Gobolka Degan in waxa ka jira Gobolka Wadahadal lagu dhameeyo, wadahadal aan shuruud ku Xireyn oo Nidaamkii jiray iyo Nabadgelyadaba looga shaqeynayo in leysugu yimaado ayaanu ku baaqnay haatan hadii ay aqbaleena anagu waa soo dhaweyneynaayoo anagu dhankayaga nabad uun baan ku baaqanay.”
Sidoo kale mar Kaliil wax laga weydiiyey qaabka ay u wada hadlayaan iyaga iyo Maamulka Islaamiga ah ee halkaasi ka arimiya waxa uu sheegay in ay tahay marka hore in laga wada hadlo waxa dheeriga ah ee ku soo kordhay Gobolka waxa uuna ku adkeystay in uu Jiro Maamulkiisii isla Markaana ay hoostagaan DKMG ah ee uu Sh.Shariif Hogaamiyo waxa uuna yiri:”waxuu noqon karaa in horta laga wada hadlo waxa dheeriga ah ee Gobolka ku soo kordhay waxa uu Gobolkaanu lahaa Maamul uu Shacbigu Doortay baa ka dhisnaa isagii baana jira Nidaam iyo Sistam Dowli ah oo uu Maamulkaasi kuxiranyahayna wuu jiraayoo Soomaaliyoo Dhan buu ka jiraa, wixii Dhaariga ahaa ee ku soo kordhay ayaa larabaa in laga wadahadlo Xalna loo helo , halkii Xabad lagu Xalin lahaan Wadahadal lagu xaliyo’.
Sidoo kale kaliil ayaa Sheeay in Dadka u dhashay Gobolka ee uu sheegay inay dhib wadaana ay ku soo biiraan Maamulkiisa kuwa kalane ay isaga huleelaan Gobolka Mar uu kahadlayeyna waxa uu yiri:”wixii Gobolkaan u dhashayna oo dhib wadayna hade waa in ay Dadkoda ku soo biiraan oo ay kamid noqdaan wixii Meelo kale kayimidna Meelihii ay kakala yimaadeen ay ku noqdaan”.
Sidoo kale kaliil ayaa Sheegay in aysan jiran wax layiraahdo Maamul Islamaahi ah oo Gedo kajira oo leysku raacsan yahay Balse ay tahay oo kaliye in Maamulka DKMG ah ee uu Hormuudka ka yahay lagu soo daba feylo isla markaan lagu heshiiyo , kalilii oo arinkaa ka hadlaya ayaa yiri;”Waxaweeye Shabaab iyo Nidaam hada jiraa oo Gobolkaani ka jira oo Umadu ay isku raacsan tahay majiree, Maamulkii ay Umadu Dooratay baa Shaqeynaya isagaana larabaa in lagu wada heshiiyo oo leysugu yimaado”.
Hadalka ka soo yeeray Maamulkii hore ugu Qaabilsanaajiray DKMG ah ayaa imanaya Xili Maalintii Shay ay Shegeen Maamulka Islaamiga ah ee haatan Gacanta ku haya Gobolka Gedo in ay Diyaar u yihiin in arinta Gobolka Gedo lagu Dhameeyo Wadahadal.

Related posts:
Hashu idaa geela cunasa cabaadaysana waa layaab hala isooraco nabadbaan diyaar u ahay kaladaa hadii lawada hadlo waxaa sobixin inaad cida diin alle ama magac islam wada raacdo hadii kale walee gabre iyo
Caqligii Janjeedhaa marbuu jar iska xooraaye
Gaalkaad soo jihaysee arlada wada jibaaxaayey
Aan jixijixaynee najaray adiga oo jooga
Gedo iyo jubboo idil markuu geeswalba u jidhay
Janankii amxaaraad markuu jiibab nagulaayey
Jiritaanka Soomaalibuu jaaxid ku ahaaye
hayeeshee jabiyo waxa ku dhacay looma joogaane
Ragbaa jooga dunidee lagale jilibdhig duulaane
Xornimadaan ku jiro adeer jiilal baw maqane
Ragbaa jihaadoo Allaah janno ka iibsadaye
Jaajuus kaliilow ha sugin gedo inaad joogto
Waadigii jeclaa xabashidee jaal hakuu noqoto
Alayaa cisak M.deeq runtii ayay tixdaadu tibaaxday, hadaan gabay aqaana waa kugu darsan lahaay(ayidid).
Culima U Diinka, ganacsatada iyo Odayaasha Dhaqanka Marexaan ayaa laga rabaa iney dadka ka saaran jahliga iyo inay maamul u dhisaan dadkooda oo Sharicada Islaamka ay isku raacaan.
Gedo waxay u baahan tahay Maamul ka madax banaan Ethiopia,Alshaab, DKMG iyo Xisbi Siyaasi ah.
ilaah ayaa mahdaleh maanta haday nabad donayaan ninmankii samali oo dhan galeyay ha’ahaden culimo ama dowlad ama aqonyahano ama ninkii dhahow waxan ayaa qaldan, oo na banaystay dhigii shacabka,
warkaan waxa kakenay markii lalajihaday oo ilaah latala sartay warka aay leyihiina dhabkama ahan ee xanuunka ayaa garay ilaah ayaana mahada kuleh.
hada miyeey rabaan inlalahadlo nimankii diiday warkii culimada, odayaasha, waxgaradka, iyo dhamaan somalda oo dhan, hadaynina iskana celiya kuna janataga ilaa aad iska xuraysan cadowga al.shabaab oo dalka kusodulay insha alaah wadna kagulaysanaysan
To: M. Deeq
Alle ha ku barakeeyo if iyo Aakhiraba