Wasaarada Arimaha Maxaabiista Reer Falastiin oo Sheegtay in la duleeyo Xubnaha Xildhaabada ah ee ku jira xabsiyada Yuhuuda

Published on April 29, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

Wasaarada Arimaha Maxabiista iyo soo deyntooda ee Reer Falastiin ayaa sheegtay in uu Gumeysiga Sahyuuniyadu  uu ilaa iyo hadda qafaashay 41 ka mid ah Xubnaha Golaha Baarlaamaanka Falastiin  iyo Labo Wasiir oo ka mid ah Xukuumadii Hore.

 

Wasaarada oo shalay oo Talaado ahayd soo saartay bayaan Arintaas la xidhiidha Nuqul Bayaankaas kamid ahna uu helay Boga Mujaahidiinta Cisa Diin Al-qasaam ee alqassam ayaa lagu yidhi ” Gumeysigu kama hakan Qalaafshada uu xasbiga ugu qafaalanayo Xubnaha Baarlamaanka, 41 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha Baarlamaanka ayaa Xabsiga ugu jira tiradaasina  waxa ay gaca gaceynaysaa Sadex meelood oo meel tirada Xubnaha Baarlamaanka oo ay tiradoodu tahay 132 marka lagu sii daro 2 Wasiir ee Xukuumadii Tobanaad  kuwaas oo kala ah Wafi oo ahaa Wasiirka Maxaabiista kaas oo uu Gumeysigu soo cusbooneysiiyay  qafaalashadiisa markii shanaad iyo Wasiirkii Waxbarashada Naasiru Diin Al-Shaacir kaas oo la qafaashay bil ka hor ololihii uu gumeysigu ku soo qaaday Maamulka kadib markii ay kufeen wada hadaladii is weydaarsiga ahaa”

 

Wasaarada ayaa sidoo kale tilmaantay in Xubnahaas la duleeyo si xuna loola dhaqno iyadoo gumeysigu uu u malaynaya in hadii uu duleeyo xubahaas ay ka dhigan tahay  in uu duleeyay dhamaan shacabka Reer Falastiin kuwaas  oo kalsoonida siiyay Xubahaas waxayna Wasaaradu xustay in Xildhibaanadaas badankoodu ay ku xidhan yihiin Xabsiga “Majdu” oo ku yaala Galbeedka Dhulka Falastiin.

 

Wasaaradu waxa ay Carabka ku adkeysay in uu Gumeysiga Sahyuuniyadu  uu Xildhbaanada  si joogto ah hadaba meel ugu qaado taas oo ay Xildhbaanadu labo mar ka dhacwoodeen waxayna Wasaaradu xustay in dhaq dhaqaayadaas lagu hayo Xildhiabada ay ka mid ah tahay gabood falada lagu hayo Xildhibaanadaas.

 

Sidoo kale waxa ay Wasaaradu sheegtay in Xildhaabada lagu hayo dhibatooyin kala duwan kuwaas oo ay ka xustay garaac iyo cay ay kala kulmayaan ciidamada Yuhuuda.

 

Wasaaradu waxa au tilmaantay in Xubnahaas dhamaantood ay ka sheganayaan xanuuno ama xanuuno kala duwan  marka la eego intooda badan oo ay da’doodu weyntahay uuna ugu horeeyo Gudoomiyaha Golaha kaas oo ka sheeganya dhowr xanuun kuwaas oo ay ka mid tahay Sokorow Dhig, la’aan iyo Kalyo xanuun , sidoo kale waxaa isna xanuuno ka sheganaya ayay Wasaaradu tidhi Wasiirkii hore Maxaabiista Ingineer Wafsi kaas oo ay hayaan xanuunada kala ah Sokor iyo Dhiiga kar kaas oo ku dhacay intii uu xabsiga ku jiray , waxayna xustay Waasaradu in uu Sanooyin badan ku jiray Xabiyada Gumeysiga Yuhuuda.

 

Bayanka ka soo baxay Wasaarada ayay ugu dambeyntii ugu tahniyadaysay Wasiir ku xigeen hore oo lagu magacaabi jiray Cumar Maxamuud Madar C/risaaq kaas oo lagu soo dayaay xabsiga Yuhuuda oo uu ku jiray mudo 30 Bilood ah l.  

 

Isha warka- Alqassaam.ps   

 

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Af hayeenka Wasaarada Arimaha dibada Itoobiya “ ka bixitaankayaga soomaaliya ma lahan wax ka laabasho ah”
  2. Wasaarada Caafimaadka Sucuudiga oo Xujayda kula talisay in ay dawooyin qaataan kadib waajibaadka Xajka
  3. Xamaas oo Kulanka Carabta ee Doxa ka codsatay in la is garab taago Shacabka Reer Falastiin
  4. Janaqow oo Booqday Xabsiga Dhexe sheegayna inay Caadalada horkeenayaan Maxaabiista ku xiran
  5. Culimada Reer Falastiin oo Maanta ka dhigey Maalin arinta Masjidu Aqsa laga dhiidhiyo.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Af hayeenka Wasaarada Arimaha dibada Itoobiya “ ka bixitaankayaga soomaaliya ma lahan wax ka laabasho ah”
  2. Wasaarada Caafimaadka Sucuudiga oo Xujayda kula talisay in ay dawooyin qaataan kadib waajibaadka Xajka
  3. Xamaas oo Kulanka Carabta ee Doxa ka codsatay in la is garab taago Shacabka Reer Falastiin
  4. Janaqow oo Booqday Xabsiga Dhexe sheegayna inay Caadalada horkeenayaan Maxaabiista ku xiran
  5. Culimada Reer Falastiin oo Maanta ka dhigey Maalin arinta Masjidu Aqsa laga dhiidhiyo.

Latest Headlines