War hoogiinee, kulligiin waad ooyaysaane, yaa kitaabkii xaday?!!!

Published on April 29, 2009 by   ·   10 Comments   ·   print

Wax walbaa waxbay ku xusuusiyaan, taariikhduna waxaa la yiri iyadaa isa soo celisa. Malaha waxa maanta ka dhacaya Soomaaliya waxay u muuqdaan arin cusub oo dadku la yaaban yahay, balse haddii taariikhda ummadaha dib loo raco laga dheehan karo inuu la mid yahay waaqic farabadan oo qolo kastoo shaydaan u calan lulo ay soo martay.

Waxaa la sheegaa in maalin maalmaha ka mid ah iyadoo wadadkii la oran jiray Maalik ibnu Diinaar uu dadka wacdinayo, ay muxaadaradii aad ugu khushuuceen, dabadeedna oohin la isku daray oo fadhigii oo dhaniba uu isla gariiray, balse waxaa dhacday arin lala yaabo oo ah in wadaadkii wacdiga akhrinaayay oo laftigiisu aad u khushuucay una ooyay, in kitaabkii uu dersiga ka akhrinayay uu waayay ooba laga xaday. Intuu sheekhii kor u soo eegay dadkii ayuu ku yiri ” war hoogiinee waad wada ooyaysaane, yaa kitaabkii xaday”.

Arinta Soomaaliyeed waxay maanta gashay marxalad adag, oo u eg taa uu Sh.Diinaar kala kulmay dadkii uu casharka u akhrinayay. Maanta saaxada waxaa isku hardinaya waa wadaado isku manhaj, isku xer iyo isku cashar ahaa, hal meelna ka soo wada biya cabay(Waloow markay kala irdhoobeen, qolo la arkaa caanaheedii biyo ku baraxsatay), mid kastaana uu ka kale eedda dusha ka saarayo.

Qolada Jabuuti ee garabka jabuuti loo bixiyay, waxay meel kasta la taagan yihiin in ay iyagu maslaxada wadaan, wax kastaana sida ay u arkaan ay sax tahay, loona baahan yahay in la dabagalo oo dhankooda la soo raaco. Haddii lagu eedeeyay in ay Ethoipa la heeshiiyeena oo sida ay leeyihiinba maslaxo u arkaan, hadde waxay leeyihiin qolada kale ee naga soo horjeedaaba waxay ag jiifan oo barkintu u taalaa kan nalagu haysto ina habreedkii, iyo wadaado baaha gadaashooda afaray ka soo tuurta oo halkaas ka haga howshooda, ee maxaa anaga farta naloogu fiiqay.

Qolada Casmara lagu sheegayna, waxay leeyihiin nimankani waa khiyaanoolayaal, faramaroorsaday dhammaan heeshiisyadii ay ummaddu gashay islamarkaana gaalo ay Soomaali cadow yihiin (waa Itoobiyee ) ay la jaan qaadeen oo gacansaar la yeesheen.

Alshabaab waxay leeyihiin ,kuwaasi oo dhan qashinka ha lagu daro, Qolo iyagu waaba ridoobeen ( Koleey hadaysan ahayn fikrad ay alshabaab u dhan yihiin waan ka cudrdaaran, balse waa inta aanu ka maqalnay ragga qaarkood ) waana in birta laga asleyaa oo la edibiyaa, lagana qabtaa lugooyada ay ku hayaan ummadda. Qolada kale ee xisbul islaam la leeyahayna meel dheer ma jiraan oo laftigoodu manhajkii way ka leexdeen, wax xoogaa dabac iyo damac siyaasi baa ku jiroo kurisgay nimanka isku afgaran waayeen mooyaane waxba kama foga oo waaba kuwaas iyaguna calan gaaleeed iyo gole isku dhaf ( wadaado iyo cilmaaniyiin) kulaalaaya oo jihaadkii iyo halgankiiba ku soo gaabshay intaas.

Odayasha beesha Hawiye, qayladhaantii baa ka dhamaatay, mar waxay leeyihiin dhibkoo dhan dowladaa wada, hadana maalmo kadib waxaad arkaysaa iyagoo dusha ka saaran ciidamada Amisom. Saa waabase subaxa xiga oo ay usha la dul saaran yihiin Alshabaab.

Maalinka kalena xisbul islaam baa malagood galay oo lagu haystaa in ay qaska wadaan. isku soo duuboo waxay u arkaan in wadaadani ay yihiin carqalad soo korortay oo ku dul dagaalamaya maatadoodii iyo hantidoodii, mar haddii Amaxaaro baxdayna ay ahayd in howsha la hakiyo.

Shacab weynihii oohiintii baa ka dhamaatay, sii qax iyo sii noqo ayaa nafta goysay, waxayna intooda badani u arkaan inaan sidaan lagu jiro xal ahayn, balse waxaa misna kaa yabinaya in qolooyinkaa wadaada ee ishayaa nin kastoo ka mid ah oo meel fagaare u soo baxa, in ay u sacaba tumayaan oo adaa xaqa wada leeyihiin. Marka waxaan kala fahmi waayay: ma nafbaa u gaysay oo haddanay soo bixin sacabkana tumin shaqaa laga qaban ? Mise waa ummad imtixaan haystoo aanaba kala garanayn waxa saxda ah iyo waxa khaldan? Mise waxaa ku dhabowday maahmaahdii ahayd ”Geel duqdiisii durdurisay, aarankiisii maxaad mooddaa ? oo marba haddii raggii la fiirsnayay ay ka wareertay , hadde shacab miskiinoow xaggee xaaladisii joogtaa!!

Culimadeena sharafta iyo qadarinta mudanina dhexdey xirteen ( Waloow aan isleeyahay way soo dib dhaceen ), waxay in badan ku dhawaaqeen in colaadda la joojiyo, arinta hadda socotaana aanay jihaad iyo dagaal xaq ah midna ahayn, carqaladdana laga daayo shacabka masaakiinta ah ee gaajada, diifta, macaluusha , iyo xabaduba dilootay.

Qaarbaa wadaadii hadda bilaabay in ay dan bideen in qalinka lagu weeraro kuwa khaldan, oo la bayaaniyo khaladaadkooda, balse waxaa isweydiin mudan, howl aanu markii hore anagu bilownay, oo hogaankeedii naga fakaday, miyaan hadda qaylo dhaan aan tashi kale iyo arin noo muuqatay in uun xalku ku jiro ku qaban karnaa ?

Su’aashuse waxay tahay culimadu ma intaas ayay kaga dantay ? Ma fara ku gabad baa oo ninkii juuq yiraa Ak 47 baa lagu aamusin ? Ma xikmado kaleey xeerinayaan oo waxaan la gaarin waqtigii ay ninka khaldan farta ku fiiqi lahayeen, dabadeedna laga safan lahaa ? Mase iyaga laftigooda ayaanba isku aragti ka ahyn xaalka haatan taagan iyo kooxaha ishaya, oo inkastoo gudi musalaxo la wada yahay, haddana ragga qaar baa ushoodu meel uga go’an tahay? koleey waa su’aalo madaxa daalinaya oo looga fadhiyo culimada howshaas u taagan. Waayo ummaddu way wareertay, way daashay, cidlaciirsi la’ ayay tahay. Waana taas nin walibaa ka kale eedda dusha ka saarayo, oo uu leeyahay reerka isagaa gabay.

Marka soow xaaladeenu noqon mayso sidaa ina Diinaar yiri “ waar waad wada ooyaysaane yaa kitaabkii xaday”. Hadda nin kastaaba ka kaluu aayad madaxa kaga garaacayaa, isagaa khaldan buu leeyahay, waa la wataa yuu oranayaa, ee “ wadaadoow waqay hooyadiin idin waydaaye, waad wada caratamaysaane, kiinee fartu ku godan tahay ?!!!!!!

W/Qoray:- Cabdirazak Sugulle Muxamed(Abuu C/raxmaan ).

Aragtida Qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku xasiixan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Kitaabkii Saahid Qamaan… Agabar Asluubaysan
  2. Abu-Mansuur “dhammaan Hay`adaha waxaanu leenahay, waad fasaxantihiin”

Readers Comments (10)

  1. Rooble says:

    Qofka hadii uu damco rag inuu wax kala dhaho waxaa la gudboon inuu qolo walbe xaqeeda ka inkirin arintana ku saleeyo diiniyan.

    qoraaga wadaadaa wax u dhaxeeyaan markuu leeyahay allaah baan kugu dhaarshay dastuur gaalo soo qoratay oo qodobo gaalnimo weyn ah ay ku jiraan oo culimadu isla cadeysay nin inta kitaab gacanta saaray ku dhaartay inuu daacad u yahay baa wadaad u taqaan?

    Ma niman dhul iyo bad islaameed gaalo ku wareejiyay ama ugu yaraan wax un uga tanaasulay ayaa kuu wadaado ah?

    Ma niman Ciidamo gaalo ah raba kuna kalsoon isla markaana ka bari’ ah kuwo muslim ah ayaa kuu wadaado ah?

    Ma ninka ugu weyn ee saxaafada kaleh maraykanka ayaa howsha nala wado isla markaana daacad u ah in soomaaliya dawlad isku filan yeelato ayaa wadaad ah isagoo beeniyay aayada quraanka ah baa wadaad u taqaanaa.

    ALLAAH HAKUU DAMBI DHAAFO QORAAYOOW

  2. Maskiin Alle says:

    Asc.qoraaga kheyr allaha siiyo runtiina wuxuu ka.hadley dhibka na.haysta haddaan soomaali nahay.gaar ahaan wadaadada.waxaana arkaa inuu sifiican u tilmaamey qolo walba waxa ay qolada kele ka.aaminsantay.waana jeclaan lahaa iney qoraalada lagu tilmaamayo laguna toosinayo qaataan.mida kale walaal Roole wuxuu ka.mid yahay qolooyinka la.la talinayo sida qoraalkiisa ka.muuqatana wuxuu ka.midyahay qolooyinka dadka gaaleysiiya.haddaba inaan isgaaleysiino iyo inaan camiil gaal isku sheegno iyo inuu qof kastaa isagu iscajabiyo iskana dhigo inuu cilmi iyo caqli iyo ummadda masiirkeedo dhanba uu isagu hayo inta ka.soo harteyna ay heeco iyo soo hoydayaal aan halna la.weeydiin sax maahan

  3. Maskiin Alle says:

    waan ka.cudurdaaranayaa hadii walaalkey Roole uusan ka.mid ahayn qolooyinka aan ku sheegey ee dadka gaaleysiiya hana i cafiyo

  4. adoon alle says:

    asw

    war howshu isgaalaysiin kaliya ma joogto ! iyadoo cidna la gaalaysiin baa misna raga qaarkood wax lagu darsan karin waxna lagu aamini karin ,horta su’aal ragaan ishaya shalay isku dad soo ma ahayn maanta maxaa kala diray?? warku waa cad yahay rag baa wax iska badalay isbadalokuu rabo ha ahaado mid manhaj ama mid wasaa’il waakaa shariif leh ragaas waan isla soo halganay ! bal ilaah baan idinku dhaarshaye yaa lala halgamay ma xabashi ?? oo hada shariif leeyahay bog cusub baa noo bilowday oo daris wanaag & is kaashi ah !!!!!!! mise maraykan & gaalada la safan ?? oo hada shariif leeyahay un & mareekan baa door wayn ka ciyaaray shirkii jabuti ? mise waxaa lala halgamay c/laahi yuusuf oo meesha laga saaray !!!!!!! war dadoow wax gartay

  5. adoon alle says:

    s.c
    Horta qoraagu siwacan ayuu u lafa guray oo uu u qaadaa dhigay xaalada murugsan ee somaliya uuna ku mahadsanyey oo wuxuu ka yaabay umadan jaahwareersan een qof lagu hagaago oo ku bixinaya aan lahayn .
    Hadab waxaa la yidhi “Hadal iyo hilbaba kala qalan”
    arintu waa sidaa lakin kolayu markaad umad kala garsoodayso waxaa lasaaraa miizaan mug weyn oo ku qotoma cilmiga diiniga ah iyo caqliga,
    qofka waxaa la qiyaasaa marka koobaad mabdaiisa iyo halka uu ku biyo shubto
    waxaa la qoyaasaa daacadnimo halkay ka taagantay
    waxaa la iswaydiiyaa qofkani ma madax doonbaa ma maal doonbaa mise waa mabda’ku dirir?
    Haduu maal doonyey waxba kuuma soo wada.
    haduu madax doonyey waligaa waxba kuu qaban maayo waayo dantiisa ayuu eegan oo maallina uu kugu tufi maallina uu kusoo dhawayn oo uu ku suubaasalaaxi.

    Lakin haddu yahay mabda’kudirir waxaa loo kuudh-galaa mabda’iisa hadduu ku shareecada ka talaabsado waa Allah ayaa laga magan galaa waayo isgaaba ka daran labadii horeba(maaldoon iyo maamuldoon).
    balse haduu mabda’ani ka dhimbiil qaato diinta toosan ee Islaamka walaw ay qaladaad dhici karaan waayo allah ayuun baa dhamaystiran
    markaa kan ugu dambeeya ayaa u eeg in la badhi-taaro oo hoo iyo hiilba lala garab ista

    Hadaba markaad dib u jaleecdo kooxaha maanta dalkii isku horfadhiya ee ku loolamaya
    waxaad arkaysaa inay yihiin laba qaybood:
    1- maal iyo madaxtinimo doon
    2- mabda’ ku dirir
    qof wal oo caqli iyo garaad qabaana uu garan karaa cida ah qaybta koobaad iyo ciddan ah qaybta labaad .
    wassalamu calaykum

  6. Mun-Dirie says:

    ASCW

    Wallaalayaal horta anagu cagliga yaana iska qaadin.

    Ragaan leh anagu waxaan lajihadeenaa Shariifka iyo wixii lajira. horta waddo qaldan oo cad ayay kusocdaan Shariifku shalay waad isfahateen oo isku afkaar ayaad eheedeen iyo isku mabda nimankaan kaloo gaalada ah ee wadanka kusugan waxaa horay usaxiixay niman Baarlamaankii hore ahaa ee lagatay sidaas daraadeed ayay wadanka usoogalee waxaana si sharuud la’aani kujirtu kubaxayaan markaad adinku hishiisaan laakiin hadaad tiraahdid Waad ridoowdaa waa lagula jihaadayaa horta ninku isagu caqliga mala’a oo wuu iska kaa difaacayaa.

    marka ninkaan kaloo rooble ah wuxuu sheegaayo horta wax un waa kajiraan laakiin waa arin hadii lawada fadhiisto ladhameenkaro laakiin.

    raga maanta magaala caasimada kudagaalamaaya waa rag soo wada dhadhamiyay jihaadkii xabshida mana haboona in mid ayaga kamid ah xoog lagu maquuniyo.

    Hadii ay taasi dhacdo oo muqaawimada midka kamid ah lamaquuniya shacabka soomaaliyeed ha’ogaadaan in cawaaqib xumo xun inay meeshaas ka imaaneeso lagamana yaabo in mugdisho ay marnaba dagto hada waxa awooda leh waa al-shabaaba.

    Barina niman hor leh ayaa soo baxaaya arintaanina ma’ahan mid xabad lagu soo afjari karo waxay ubaahantahay in lawada fadhiisto.

  7. miskiin says:

    Asalamu calaykum dhamaantiin
    Waxaan arkaa in dhamaan dhinacyada isku haya soomaaliya in qolo waliba khaladka qayb leedahay oo uusan jirin dhinac isagu wada saxan, ama wada khaldan.
    Sidaas daraadeed qof kastoo arintaa gala ay dhib ku tahay inuu si dhibyar qolo eeda usaaro ama uu u amaano.
    SABABTUNA WAXAY TAHAY:
    Dhinac koowaad damac aduunbaa haya nimankii cadawga ahaa ayay u arkaan saaxiib, waxa dadka danta u ah waxay ka kor marinayaan dano dad kale.
    dhinaca. labaad kale waxay u arkaan inaan wadankani lahayn wax garad iyo culimo aan iyaga ahayn, sidaas daraadeed qof kay rabaan waxay oran gaal baad tahay culimada Soomaliyeedna may aqoonsana.
    Dhinaca sadexaad qoladii koowaad kama foga damacduunyo waa hayaa talada ugu danbaysa waxay kaqaataan asmara.
    GABOGABO:
    Waxaan leeyahay culimada soomaaliyeed ayaa saxan waxay isku raacaan baana xaq ah, ninkii rabaa inuu aduun iyo aakhiro liibaanow dhinacyada kaloo dhan katag oo culimada daba gal, dadaan culimo lahayn waa dad dhumay.
    20-30 culimo ah waxaan xaq ahayn iskuma raacayaa.

  8. sulaymaan mussa says:

    bismilaah,walayaal gabi ahaantinba wax jira ayad ka hadasheen runtina mucjiso ayaa wadankeni ku habsatay allaaah ha naga saaro waxaa marka is waydiin mudan muxuu xalku yahay/ waxaan xalka u arkaa in ay culimada masaalixdu farta ugu fiiqaan shacabka xanaaqsan qolada khaldan kadibna aan naf iyo maalba gelino,si aan ugu hiilino qolada saxan sida allaah na amray,wasalamu alaykum.

  9. zekeriye ibnu khaas says:

    swwb, salaanta islaamka ka bacdi walaalayaal cidii khladani wa cadahay,labada qolo shalay isku saf ayay ka soo jeeden, maantana way iska soo horjeedan, markaa maxaa taas sababay, waxaan aamisanay inuu sababay sheikh shariif oo waxaad ogtihiin iyadoo raaskan booni lagu duqaynayo mujaahidiinta ayaa isaga looga yeehay kayntii, cida u yeedhay wa maraykan, sidii loo waday waxa loo soo magacaabay, madaxwayne. ujeedadu waxay ahayd keliya in la helo cid laga dhexsamaysto mujaahidiinta, qofkiina isaguu noqday, ujeedadii laga doonayayna wa fuliyay, bal u fiirso walaal kayow ayaadahan quraanka ah, ilaahay wuxu yidhi(ka raali noqonmaayan yuhuud iyo nasaaro ilaa aad raacdo waxay raali ka yihiin) markaa waxan leeyay shariifka waxa laysku afgartaymabda ay wateen, oo ah in dadkan laga leexiyo inay kitaabka ale isku xukumaan, oo aan waxba lagu khaldin, gaalana waad ogtihiin oo taas ma ogola. marka walaalayaal ilaahay waxaad inoo baridaan inuu xaqa u hiiliyo korna u qaado. amiiiiiiiiiiiiiiiiiin

  10. daahir xuseen says:

    marka hore waxaan salaan u dirayaaa dhamaan dadka muslimiinta ah meel kasta oo ay jogaan gaar ahaan dadkeeyga oo ah somali wlh run ahaantii haddi aan ka hadlo ra,yigeeyga waxaan dhihi lahaa weey qaldan yihiin dhamaan dadka isku haya xilka somaliya kamana fikirin qiimaha uu dalku leeyahay run ahaantii nin waliba waxuu ka fikirayaa wa dan tiisa mooyaane cid shacab u daneeyneeysaa kuma jirto dhamaan tood shabaabaan shacab u daneeyneeyn shariifaa isna ka daran xisbul islaam warkoo daaaaaaa ilaah waxaan ka baryayaaaaaa inuu muslimiinta ka qabta wixii dhib ku wadao dhamaan muslimiinta meel kasteey joogaan




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Kitaabkii Saahid Qamaan… Agabar Asluubaysan
  2. Abu-Mansuur “dhammaan Hay`adaha waxaanu leenahay, waad fasaxantihiin”

Latest Headlines