Spain & Faransiiska oo soo jeediyay in la qabto shir ku saabsan Somalia

Published on April 29, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

Madaxweynaha Spain khoseh Luis luwes thapatero ayaa shalay Shaaca ka qaaday in Spain iyo Faransiiskuba ay soo jeediyeen in la qabto Shir Caalami ah oo ku saabsan Soomaaliya xili ay sii socdaan Falalka Burcad Badeednimada.

Thapatero ayaa ka sheegay gabo gabadii shir ay ku wada yeesheen Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy Caasimada Spain ee Madriid “Waxaan isku raacnay inaan soo jeedino in la qabto Shir caalami ah oo ku saabsan Somalia”.

khoseh Luis luwes thapatero ayaa intaa ku daray xili uu ka hadlayay Shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo Sarkozy in shirka “lagu falaqeynayo qaabtii si Balaaran looga hor tagi lahaa Falalka Burcad badeeda ee soo wajahay Wadamo iyo Dowlado kale, ma aha Heer Amni ama Caskari balse waxay kale oo ay u noqonaysaa Heer siyaasadeed, Amni iyo Mid Madani Mustaqbalka Wadamadaasi” .

lama sheegin illaa iyo hadda Goorta uu furmayo shirkan, Mudada iyo Goobta uu ka furmayo wuxuuna qeyb ka noqonayaa Ololaha Xoogan ee ay Dowladaha Reer galbeedku ku doonayaan inay ku soo galaan Biyaha Soomaaliya iyada oo lagu mar-marsiinyoonayo Burcad badeed ay dadka qaar aaminsanyihiin inay iyagu si dadban u abuureen.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Spain oo sheegtay in Ciidamo u Dirayso Xeebaha Somalia
  2. Spain oo sheegtay in ay Baacsanayso Burcad Badeeda
  3. 9 Burcad Badeed ah oo ay Spain Gacanta ku dhigtay
  4. Shir looga hadlayo Burcad Badeeda oo Furmaya
  5. C/laahi Yuusuf oo shir Jaraa’id ku qabtey Vila Somalia

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Spain oo sheegtay in Ciidamo u Dirayso Xeebaha Somalia
  2. Spain oo sheegtay in ay Baacsanayso Burcad Badeeda
  3. 9 Burcad Badeed ah oo ay Spain Gacanta ku dhigtay
  4. Shir looga hadlayo Burcad Badeeda oo Furmaya
  5. C/laahi Yuusuf oo shir Jaraa’id ku qabtey Vila Somalia

Latest Headlines