Nadwo Balaadhan oo Saaka ka dhacdey Hoolka Mana Guest House‏

Published on April 29, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

BooramaMaanta galinkii hore ayaa waxa lagu qabtey Nadwo balaadhan Hoolka Mana Guest House. Nadwadan waxaa soo qabanqaabiyey Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista ee Gobolka Awdal. Nadwadan oo ay ugu tala galeen Ardeyda dhigata Jaamacada Eelo University ayaa waxa ka soo qeyb galey Ardey,Ganacsato iyo Madaxda Jaamacada ayaa waxa ay u dhacdey sidan:

Ugu horeyn waxa furfurey Madaxa Jaamacada Eelo Dr Max’ud Cige oo isagu kalimaad kooban ka soo jeediyey oo uu ugu mahadnaqayey Gudida iyo Culimada ka soo qeyb gashey.

Markii xigey waxaa hadalka qaatey
Gudoomiyaha Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista oo isagu tibaaxey in ay Nadwadani ka mid tahay wacyi galin balaaran oo ay gudidu beryahanba ka wadeen goobaha Waxvbarashada soonaa mareen badi Dugsiyada iyo waliba Jaamacada Camuud.

Intaa ka dib waxa si toosa u bilaabantey Nadwadii oo Cinwaankeedu ahaa Makaarimu Al-akhlaaq.waxaa soo jeediyey Sheekh ka mida Culimada Magaalada oo lagu Magacaabo Sh.Xasan Kheyr Dirir,waxa uu Sheekhu dhalinyarada ku dhiiri geliyey Akhlaaqada wanaagsan iyo iney ku dadaalaan Waxbarashada Diin iyo Maadiba.

Ka dib markii Nadwadi Sheekhu gabagabeeyey waxaa isna kalimadiisii ku beegneyd meesha ka yidhi madaxa Shirkada Dahabshiil ee Gobolka Awdal Ismacil Riiraash oo ka mid Ganacsatada sida gaarka ula shaqeysa gudida wanaag farista iyo xumaan reebista,mahad naq dabadeed waxa uu ku booriyey Ardeyda iney ka faa’iideystaan waanada islamarkaan waxa uu Jaamacada u tibaaxey in ay mar walba garab joogaan .

Waxaa isna meesha ka meqneyn codka ardeyda oo uu ku hadley Gudoomiyaha Ardeyda Max’ud Sh Ibrahim oo isna mahadnaq u soo jeediyey gudida kana codsadey ineyna noqon markii u denbeysay ee ay Nadwo u qabtaan.ugu danbeyn waxaa Nadwada soo xidhey mid ka mida Madaxda Jaamacad, Cisman Xaamud.

Gudida wanaag farista iyo xumaan reebista oo laga aasaasey Gobolkan Mudo hada laga joogo Shan Sano kuwani waa barnaamijyada ugu horumarsan ee ilaa hada ay ku dhaqaaqeen.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dagaal ka dhacay xalay illaa saaka Degmada Ceel-Dheer
  2. Diyaarad nooca Basaaska ah oo ku soo dhacdey Baydhabo.
  3. Qaraxyo iyo Tacshiirad ka Dhacdey Suuqa Towfiiq
  4. Caruur ku dhimatey Guri ay ku jireen oo haan Biyood ku dul dhacdey.
  5. Duqeyntii ugu xooganeynd Xilli habeen ah oo ka dhacdey Muqdisho

Readers Comments (1)

  1. axmed yasiin says:

    maansha alaah waa wax lagu illah waxan ka baryanaa inuu ku anfaco cida ka faa’iidaysanasa
    culimadana alaha ka abaal mariyo iyo ganacsatadaaba somalimirrorna waad mahadsantihiin




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaal ka dhacay xalay illaa saaka Degmada Ceel-Dheer
  2. Diyaarad nooca Basaaska ah oo ku soo dhacdey Baydhabo.
  3. Qaraxyo iyo Tacshiirad ka Dhacdey Suuqa Towfiiq
  4. Caruur ku dhimatey Guri ay ku jireen oo haan Biyood ku dul dhacdey.
  5. Duqeyntii ugu xooganeynd Xilli habeen ah oo ka dhacdey Muqdisho

Latest Headlines