Hay’ad Islaami ah oo Warbixin ka soo Gudbisey Xaalada Masjidu Aqsa

Published on April 29, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

Sh Ra'id SalaxSh Raa’id Saalax oo madax ka ah Xarakada Islaamiga ah ee dhulka reer falalstiin ka jirta ee u dhaq dhaqaaqda Qadiyada dhulka barakeysan ee Qudus ayaa shaley oo Talaado aheyd waxa uu qeylo dhaan xoogan ka muujidey dhibaato Yuhuudu ku hayaan Masjidka & deegaanada kale ee ku xeeran.

 

Sheekhu waxa uu sheegay inay Yuhuudu Boqolaal dhismayaal ay ku cibaadeystaan ka dhiseen hareeraha iyo dhulka Hoose ee Masjidka, sidoo kale ay jiraan dhismayaal kale oo Muwaadiniinta Yuhuuda ee la deegaameeyay loo dhisey iyo kuwo kale oo dhisidooda ay damacsan yihiin.

 

Sheekhu waxa uu intaa ku darey inuu arkey Liiska 50 dhisme basle ay jiraan boqolaal dhisme oo Yuhuudu ka taagtey kuwaas oo khatar ku ah Dhismayaalka Masjidka.

 

Shir jaraa’id oo Hay’adu soo abaabushey ayuu Sheekhu digniintan ka sheegay kaas oo lagu qabtey Magaalada Qudus ee ku jirta gacanta Gumeysiga Yuhuuuda.

 

Shirka jaraa’id ayeyna Hay’adu ku soo bandhigtey Filim Xaqiiqo ah oo ay ku soo bandhigtey Muuqaalo ka tarjumaya Kiiniisadaha Yuhuudu ka taageen hareeraha Masjidka.

 

Filimka hay’adu soo bandhigtey ayaa lagu arkayey Masjidka oo afarta dhinacba looga wareejiyay Boqolaal Kaniisadood iyo kumanaan Guryo Yuhuuda la deegaameeyay loo dhisey.

 

Waxa kale oo Hay’adu filimka ku soo bandhigtey tacadiyo ka dhanka Muwaadiniinta Reer Falastiin ee degan dhulka ku xeeran Masjidka iyo Bandhigyo & Xaflado Wadooyinka Magaalada Qudus  Yuhuudu ku qabsadeen.

 

Sheekh Saalax ayaa Shirka Jaraa’id ka sheegay in arimahaas oo dhan qeyb ka yihiin Xaqdiga & Xumaanta Yuhuudu u hayaan Shacabka Reer Falastiin & dhulka Barakeysan ee Qudus. waxa keliya ee u harey Yuhuuda ayuu sheegay Sheekhu inay tahey in gudaha Masjidka xoog ku galaan.

 

Dhulka hoose ee Masjidka ayuu Sheekhu sheegay inay Yuhuudu ka dhiseen Kaniisado, & Godod Xukuumada & Ururo kale oo Yuhuudu leeyihiin ka qodeen, sidoo kale Kaniisad weyn oo ay ka dhiseen Saaxafada Buraq iyo Boqolaal Kaniisadood oo horey dhanka koonfureed ee Masjidka looga taagey.

 

Waxa kale oo uu sheegay inay jiraan Xarumo Ciidamada Amaanka ee Yuhuudu ka dhisteen Deegaanada ku xeeran Masjidka. 

 

Shirka Jaraa’id ayuu Sheekhu ku soo gebo gebeeyay baaqyo kale duwan oo Madaxda Falantiin u jeediyay iyo sidoo kale Umada Carabta & Muslimiinta oo dhan oo ku aadan in arinta Masjidka garab istaagaan.

 

 Xigasho:- http://www.alaqsa-online.com/news.php?id=1176.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Culimada Reer Falastiin oo Maanta ka dhigey Maalin arinta Masjidu Aqsa laga dhiidhiyo.
  2. Qeylo dhaan Masjidu Aqsa lagu difaacayo oo Shucuubta Muslimiinta loo jeedinayo.
  3. Kumanaan Falastiiniyiin ah oo isku gadaamey Hareeraha Masjid Al-Aqsa si ay u Difaacaan.
  4. Maamul Islaami ah oo loo dhisey Magaalada Baydhabo.
  5. Warbixin:- Xaalada Dhaqaale ee Magaalada Kismaayo.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Culimada Reer Falastiin oo Maanta ka dhigey Maalin arinta Masjidu Aqsa laga dhiidhiyo.
  2. Qeylo dhaan Masjidu Aqsa lagu difaacayo oo Shucuubta Muslimiinta loo jeedinayo.
  3. Kumanaan Falastiiniyiin ah oo isku gadaamey Hareeraha Masjid Al-Aqsa si ay u Difaacaan.
  4. Maamul Islaami ah oo loo dhisey Magaalada Baydhabo.
  5. Warbixin:- Xaalada Dhaqaale ee Magaalada Kismaayo.

Latest Headlines