Sheekh Xasan DaahirAweys oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Published on April 23, 2009 by   ·   23 Comments   ·   print

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa abaaro 12 :40 Barqanimo ee Wakhtiga Muqdisho waxa uu soo gaaray magaalada Muqdisho isagoo ka soo tagay dhanka Degmada Afgooye oo uu Saaka ka soo dagay.(Daawo Sawiradda)

 

Wariye ka tirsan Somalimirror oo wehliya Wafdiga Sheekh Xasan Daahir Aweys  soo dhaweynaya ayaa sheegay in Sheekhu uu soo gaadhay Magaalada Muqdisho oo uu ka maqnaa ku dhawaad 3 sano.

 

Wariyuhu waxa uu sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu la kulamay qoyskiisa iyo caruurtiisa oo Dagan Xaafada Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kale waxa uu Wariyuhu sheegay in Mas’uuliyiinta Sar Sre ee Xisbul Islaam ay aad ugu mashquulsan yihiin soo dhaweynta Sheekh Xasan.

 

Sheekh Xasan wali wax war ah ma uusan siin Saxaafada Maxaliga ah ee ka howl gasha Muqdisho iyo Guud ahaanba kuwa gobolada kale ka howl galaba.

 

 

Gaadiidka Gelbinta oo is daba taxan

Gaadiidka Gelbinta oo is daba taxan

Tikniko

Tikniko

Sh Cumar Iman & Ilaaladiisa

Sh Cumar Iman & Ilaaladiisa

Soo gelbinta Wafdiga Sh Xasan Daahir

Soo gelbinta Wafdiga Sh Xasan Daahir

Sh Xasan oo Tellephone ku hadlaya

Sh Xasan oo Tellephone ku hadlaya

Macalin Dahir oo la gacan qaadayo

Macalin Dahir oo la gacan qaadayo

Sh Xasan oo Abihii Macalin Dahir Madaxa ka dhunkanaya

Sh Xasan oo Abihii Macalin Dahir Madaxa ka dhunkanaya

Dr Cumar Inam oo Macalin Dahir Salamaya

Dr Cumar Inam oo Macalin Dahir Salamaya

Sh Xasan Agab la gudoonsoonayo

Sh Xasan Agab la gudoonsoonayo

Dr Cumar oo Saladi Duhur TUjimanaya Dad Sh Xasan Dahir ku jiro

Dr Cumar oo Saladi Duhur TUjimanaya Dad Sh Xasan Dahir ku jiro

Dr Cumar & Sh Xasan oo Shir Jaraa'id oo kooban wada qabtey

Dr Cumar & Sh Xasan oo Shir Jaraa'id oo kooban wada qabtey

Muqalka Shirka Jara'id

Muqalka Shirka Jara'id

Sh C/lahi Cali Xashi oo Macalin Dahir Salamaya

Sh C/lahi Cali Xashi oo Macalin Dahir Salamaya

Sh Xasan oo dad badan ku dhex jira

Sh Xasan oo dad badan ku dhex jira

Dr Xasan Mahdi oo Macalin Dahir Salaamaya

Dr Xasan Mahdi oo Macalin Dahir Salaamaya

Sawirka, oo Sh C/lahi Cali Xashi,Muse Carale & Ismacil Cadow ka muuqdaan

Sawirka, oo Sh C/lahi Cali Xashi,Muse Carale & Ismacil Cadow ka muuqdaan

Gaadidka

Gaadidka

Ka dib Booqashadii

Ka dib Booqashadii



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Readers Comments (23)

  1. Abdikarim says:

    Maanta ayay culimada u taalaaa inaya badbaadin karaan Somalia iyo inkale

    waa tijaabadii ugu cuslayd ee islaamiyiinta somalia soo waajahda

    ma meel bay iska dhigayaan khilaafka xarakiga ah ee 60 sano jirsaday mise way ku dumin doonaan inta ka hadhay somalia

    Illaahow xaqa waafaji oo culimada maryaha ha ka dhigin

  2. A. Dirie says:

    ALxamdulilaaaaaaaaaaaaaaah ilaahayow saad u nabad keentay kii nabad keena ka dhig

  3. Faaruuq says:

    ASC WR WB … INSHA ALLAAH WAXAAN RAJAYANAYAA IN IMAATINKIIISA LA DAREEMI DOONO, (FAAIIDADEEDA).
    LA MID MAAHAN NIN CAADI AH OO AYRABOOR KASOO DEGEY … RAJUL NAKIRA AH …. ALLOW DHANKA SAMAHAAGA U WAD DABAYSHA

  4. Hubsiino says:

    Waa runta Abdikarin
    Waa suaal hor taalla islaamiyinta inay sida shacabka u sheegeen in islaamka xal yahay, culimaduna dhaxalkii anbiyada tahay ayaa looga fadhiyaa inay xal iyo caqli dhibka looga gudbo la yimadaan oo aan dhiig ku daadaan, haddiise ay sidii kursidoon iyo qabqable u dhaqmaan shacabkana aan loo nixin ee isagoo diifaysan la isku kor dilo waxay noqonayaan kuwa fashilmay shacabkuna uu uga quusto sidi qabqablayaasha.
    Sheekh Xasan Daahir waxaa laga rajaynayaa inuusan sidii Sh Xasan Turabi hinaas iyo qaadanwaa caqab la noqon oo khayr kasta oo saaxiibkiisii hore hogaaminayo ka hor imaan sida Turabi loogu kari la’ yahay wax xata shuuciyeintii sudan ogolaadeen oo ah inaan dawladda Bashir cadawgeeda garab loogu noqon maslaxadda gud eedalkana la eego.
    Allow na mooti masayrka, tartanka gurracan iyo isuquuri waagu waa dhib badan yahay waaana tii USC ku kala qabdatay cali mahdi iyo caydiide.

  5. A.Muse says:

    Asalamu Alaykum.

    Xasan Daahir waa nin mudo ku dadaalayay inay soomaaliya mar ka dhalato dawlad diinta islaamka wax ku maamusha.. maantana waxaynu markhaanti ka nahay in dawlada shiikh shariif ay an sixisay inay shareecada wax ku maamulayso.. koleey haday wax u qarsoon yihiin Ilaah ayaa og… laakiin inagu saasaynu daadhirka ku aragnaa… marka sidaas daraadeed Sheik Hasan waxaaa laga dhowrayaa isagoo wax badan tixgalinaaya inuu dusha u rito hawl dhex dhexaadin ah oo uu ka galo sidii xal loogu heli lahaa culimada iyo mujaahidiinta maalin kasta u dhimanaya nin necbaysiga iyo is gaalaysiinta..

    wabilaahi tawfiiq

  6. cali says:

    waxaala yaable hadalka c/kariim islaamiyiin waa erayada ay isticmaalaan kuwa neceb muslimiinta ee iska daaaya wlaalayaal tan kale waxaan aad u soo dhaweyneyna imaatinka sh xasan dahir ee muqdisho oo muddo laga sugayey waxaana rajeynaynaa inu ka shaqeyn doono isdii nabad loo raadinlahaa insha’allaaah

    wabillaah towfiiq

  7. Tafatire says:

    Abdikarim maasha allaah ducadaadu waa mid
    qalbiga kasoo go’day alle ha aqbalo
    waxaa kaa muuqata inaad ummadd muslimka ah nabad la jeceshahay,
    hadaba inta nabada jecel waxaan xasuusin lahaa
    Allaah hadalkiisii ahaa (alaahay ka baqa oo islaaxiya dhexdiina , allaah iyo rasuulkiisana adeeca , hadaad tihiin mu’miniin) suratu anfal ku ku sheegay,

    waxaan leenahy sh xasan iyo raga lamid ka ahba dhiiga muslimiintu wax sahlan ma aha e ku dadaala sidaad u kala baajin lahaydeen caqligiinana, fitanta taagan yayna idinka qaadin,
    is xaqba nabigu s.c.w aad buu u amaana qofka markuu cadhoodo isqabta .
    wa billaahi towfiiq

  8. Ali Hassan Ibraahim says:

    Dhamaan waxaan Salamayaa Aqristayaasha waxaana ku salamayaa Salaantii Islaamka taaso ah ASC.intaas kagadaal waa iga su,aal Sh Xasan Daahir Imaasha hiisa Somaliya see loo arkaa ? maxay ka badali kartaa nabad iyo Colaad?

  9. mohamed says:

    waan idiin salaamay , waxaan rijeynayaa in shiikh xassan daahir aways inuu wax ka badali doono , arimaha murugada ah ka dhex aloosan mujaahidiinta somaliyeed oo cadawga isku adeegsanaayo , waxa la doonayo waa in la isku dilo ka dibna mujaahidiinta la wada dilo , soo inta aysan taa dhicin inuu wax ka qaban doono ayaa rijeynayaa , ilaah ha ka yeelo cariga somaliya nabad , ilaahna ha naga aqbalo aamiin

  10. burcaawi miyir says:

    inshalaaahu waxaan rajaynayaa in uu nabada ka shaqeeyo hawiyana heshiiyo waayo cida kale ee sooracadaa way iska yartahay markaa waxa filayaa in ay rajayn doonaan sikstaba ha ahaatee

  11. beerlula says:

    waxaa xusid mudan walaalayaal in Taaariikhda hassan daahir dib loo wareysto dadka ay isla soo qariibeen waqtigii uu yaraa ilaa maanta hadii aan dib u jaleeco in yar oo la iiga sheekeyay waxaan arkay nin ay iskuul ay wada dhiganayeen wxuu igu yiri waliba habeenkaa aan wareysanaaayo waa markii shariifka la doortay la lahaa waxuu igu yiri hassan haduu yahay hasankii aan aqaanay ma raaci doono sabab waxuu ugu dhigay waxuu yiri waqtigii iskuulka maamulaha intuu u tago ayuu oaranaayay wax quraac ah oo aan aadeyno ma jirto markaa ayuu waxuu ku wareegi jiray ayuu maxaadaro jeedin jiray taasi waxay ahayd waqtigii iskuulka hadana waxaan kulanay ayuu yiri isaga oo laba xidigla sida loo joogay ayaa waxaa loo yimid isaga oo dadkii salaada ka bixinaayo askartii qoryihiina tiiriyay intaa ayaan ka soo qaatay taariikhdiisa marka walaalayaal ma idinla tahay xassan oo intaa soo maray la wada ogaana in Max,ed Siyaad Bare u xiray in maanta cidla uu ugu dhaqaaqi doono kitaabka ilaahay waxaan leeyahay isaga ayaa mudan in la yirahdo xafidahu laahu ee waxaan leeyahay A/raxiin Ciise cadow iyo janaqow iyo miskiinka sh A/qaadir hadii ay daacad ka tahay ha xusaana sheekha ilaahayna ha jazeeyo aduuna iyo aakhiro ilaahayna ha xafido insha alaahu ilaahayna ha nooga dhigo kii muqaawamada ka dhexbixiyo tash wiisha

  12. a shakur says:

    alaah ayaa mahadleh nabad ku soo ceshay
    waxaana filayaa in uu yahay hogaanka leh khibrada oogu balaaran
    waxaana waajib ku ah in uu aad u fool jignaado si oo uuna hilmaamin waxyaabaha soomaray kuna xisaab tamaa xalada jirta

  13. ahmed gaalkacyo says:

    asc waxaan salaamayaa mujaahidka sheekha hugaamiyaha somaliyeed waxaana ku faraxsanahay imaatinka sheekha dalka ee sh/xassan daahir haddaan nahay dhalinyarta reer puntland iyo dhalin yarada somaliyeed waxaana ilaah uga baryayaa in uu ilaahay sheekha taageero guulaystana waxaana u sheegi lahaa dhamaan shacabka soomaliyeed inay raacaan kitaabka ilaahay waxaana kitaabka ilahay ahayn.
    midkalaan sheegayaa dadka neceb mujaahidiinta oo dacaayada la fadhiya koofateriyooyinka inay yihiin cadowga ilaah ee lala dagaalamo.
    waxaana u mahad celin webkaan .

  14. Abu-musab says:

    A.c.w.w.Sh.xasan waa mucaarsanyahay mamulka gaalaraaca ah waase su aale mamucaarad diimeed buu noqon doonaa mise mucaarad somaliyed oo aqoonsada gaalaracyada? Sh.xasan wuxu soojihaaday mudo dheer maantase wuu imtixaananyahay waxaanse leyahay sheekhanagiyow hanoqon ninki boqolka somay bakhtigase ku afuray ,da’baatahay diinta udhimo , hogaami hadba kuwa gaalada uguneceb iyaguna ay ugunecebyihin halkaas waxkasokeyo hadad kuqanacdo waad hoogtaye ogow aduun iyo aakhiro, culimada lakhaldayna yey kukhaldin ,allena kacabso

  15. somali says:

    illah shiikha nabad ku keenay ayaa mahad leh ee illaahow nabadda tus sheekha aamiin

  16. wax garad says:

    MAASHAA ALLAAAH ALXAMDULILAAH ALAAHU AKBAR WAA FARXAD WAA MAALIN QARIN WAXAA SOOLAABTAY(AABIHII HAWSHA…MUJAAHIKII WAYNAA…..HOGAANKII ARINKA……..NIN MASUULA IYO WAAYA ARAG SOO MARAY TIJAABOOYIN FARA BADAN). ALOOW WWAFAJI OO U FUDUDEE MIDAYNTA UMADA………AMIIIN ALAHAYOOOW WAA AABIHII ARINKEEE………………

  17. Ina Adeer says:

    Sawirka Xasan Daahir Aweys aabihiis waxaa ka muuqda inuu leeyahay.

    *Hal mid baan kaa codsanayaa, inaad ka shaqeyso sidii aad Mujaahidiinta dhiigooda u kala badbaadin lahayd, inaadan dagaal dambe iclaamin, inaadan Kursi doon noqon, inaadan dadka dantooda ka hor mariso dantaaada qaaska ah.

    Allow Mujaahidiinta safkooda midey, allow intii shar wada ka qabo dadka soomaaliyeed.

    Dagaal dambe dan uma ahan Umada Soomaaliyeed.

  18. wacane says:

    bismilaah

    ilaahay baa mahad iska leh nabad gelyo iyo naxariisi ha ahaato rasuulkii ilaahay iyo ehelkiisaba ….

    sheekh xasan sida uu aabihii u jecel yahay oo dhamaan xubnaha la socdaana ay u jecel yihiin macalin dahir qof kasta oo soomaaliyeed wuxuu jecel yahay ubadkiisa iyo waalidkiisa hadaba miyaanay damqasho ku jirin nimanka xisbul islaam shacbiga soomaaliyeed geeri xad dhaafa baa gaadhay qof soomaaliyeed oo aanay cidi ka dhimani sida aan qabo wuu yar yahay amase ma jiro sidaas daraadeed waxaan ka codsanayaa xasan daahir aways hadii aabahaa aad sidaa madaxa uga dhunkanayso oo nolol aad kusoo gaadhay waxaa jira jira ubad badan oo soomaaliyeed oo agoomo ah waalidna aan haysan waxaa jira hooyo wiilkeedii ku weyday kana dhintay oo u baahan nolol iyo daryeel …….

    maanta waxayny taaganahay haynu badbaadino shacbiga soomaaliyeed inta ka hadhay… xasanow waalidkaagu kama qiimo badna soomalida inteeda kale ee ilaahay ka cabsada oo shacbiga dhiig baxay inta ka hadhay hala badbaadiyo …..

    BAL AAN EEGNO MARKAAD AABAHAA MADAXA`KA DHUNKATAY INAAD NIN AABIHII MADAXA`XABAD UGA DHUFATO ……

    **********************************************

  19. ugaas says:

    waxaa layaab iyo fajiciso igu noqotay markaan akhriyay dadka halkaan comments ka sameeyay siday u fakarayaan iyo waxa ay aaminsan yihiin , runtii uur ku taalo iyo xanuun ayay igu abuurta, waxaa aragtideenu ku wareegaysaa shakhsiyada xassan daahir inay amaan iyo buunbuunin isugu daraan, inta meel iska dhigaan somalia oo dhan oo jar ka siidhacaysa! xaaladu markay timaado qof iyo qaran qofka ayaa latuurayaa, waxaan arkaynaa waxa ay maanta sh x daahir iyo saaxiibadi”dr iiman, dr mahdi, sh c c xaashi, caraale ” ay naftooda iyo shaydaan u qurxiyeen waxaan gaarna heer shabaabkii ay islaamiyiinta somalia ku faanayeen oo 40 sano lagusoo tiir iyo tacab beelay inta laba saf loo istaajiyo xabad laysigu dhiibo kuwii shala dhufayska iskula jiray maanta is gawraca kugu hogaamiyo oo jariimadaas xassan daahir hogaanka u hayo , waan ogaha kuwa meeshaan wax kuqay badan koodu waxay ka duulayaan aragti qabiil laakiin waxaad ogaataan meesha ay wax u wadaan kuwa aad buun buuninaysaan waa halkii aan ku dhamaan lahayn islaamiyiinta somaliyana ay dhabarka kaga jabilayaayeen,
    haduu maalin xassan daahir go’aamo sharafleh qaadan jiray maanta wuxuu sharafmooda in laysku dhameeyo shabaabkii dacwada ku bar baaray oo ahaa rajada kaliya ee maanta laysku halaynayay,
    bilaahi calaykum JARIIMA ka xun miyaan aragna waligeen 80 qof oo u badan shabaabu dacwah in hal maalin laysku laayo 300 oo kalana ladhaawo , oo markaa lagu faano
    waxa baladwayne kataagan ayay dhinac ka yihiin kuwa aad buunbuuninaysaan , haday maalin amaan lahaayeen maanta waa hogaamiya kooxeedyo doonaya inay si muquuniyaan , dhiiga shabaabka ahlu tawxiidka ahna ku faanaan oo daadanaana

    waxaan leeyaha allaah ha u noqdeen odayaashaash anaguna yaanaa ku taageerin dariiqa khalkan ee ay dadka ku hogaaminayaan

  20. wacane says:

    WALAALAYAAL mugdiga soomaaliya maanta ku jirto oo bad iyo bariba la qaybsaday waad wada arkaysaan soomaalidana waxay noqdeen dad sharkoodii sokeeye iyo shisheeyeba wada gaadhay oo cidi ka magan gali weyday .. …

    hadaba hadii la doonaayo in wax laga qabto dowladnimo gacanta ayay inoogu jirtaaye aan wada hadal iyo nabad wax ku qaadano arintuna GAR CADAAWO OO JILIB CARO AH AYAY MARAYSAA ee halla kala badbaadiyo mujaahidiinta GAR DIIDNA WAA ALLE DIID cidina daawayso fawdada iyo dhiig muslimka ee xaq-darada ku daadanaya waa waajib iyo masuuliyad ayaa kasaaran dowlad bulshada soomaaliyeed in la sugu amnigooda qaranimada iyo turaabka soomaaliyeed in la badbaadsho waa waajib diiniya ……………..

    sh xasan daahir awaysna waa la arki doonaa wuxuu u yimi hadii aad nabada qaadanayso iyo hadii aad dagaalka iyo colaada qaadanayso dadkan sabirkii waa ka dhamaatay nin maalin walba dhiig xaq-daro ku qabanaya arkaya inuu isdifaaco intaas dhiiga la daadin gar buu u leeyahay shareecaduna wey banaysay inaad naftaada iyo ehelkaaga difaacdo ……

    hadaba sh xasan daahir wali soo daahiray maaha cilmina kama aqoon badna culimada kale ee soomaalyeed ee taageertay dawlada ………

  21. NABADRAADIS says:

    ASSALAAMU CL WR WB..

    Salaanta muslinka isku salaamo kadib waxaan ilaah uga mahad celinaayaa ee naga kor qaaday cadawga aan leenahay ee ugu weyn ee itoobiyaanka waa in aan haddii aan sooamli nahay taas qalbiga ka bixin ,waana ilaah mahadii ragii sheekh xasan daahir uu ka mid yahay dadkii usoo halgamay ineey baxaan cadwagaas laakiin imaanshaha uu kusoo laabtay wadanka waxaa kamuhuumsin oo soomali oo dhan u fadhisaa dawlad xalaal ah oo aan laga sugeeyn cid kale ee laga sugayo dadka culimadda ah ee usoo halgamay arintaan aan maanta haysano ee ah nabada iyo neecawda qaboow markaan leeyahay culimadda macnaheedu waxaan ka wadaa culimo=somali ee kama wado dad ajnabi ah oo aan soomali aheyn muslim iyo gaalo midkeey rabto ha noqotee,haddii culimadda soomaliyeed tani farahooda ka baxdo waxeey u galeysaa buuga taariiqda caalamka islaamka marka walaalayaaloow yaanan isku garab wadin qabiil iyo diin hana ukala eexanina sheekh shariif,sheekh xassan daahir sheekh abuu mansuur,sheekh xasan turki iyo culimadda kale ee aan xusin, ee waxaa anagoo dhan dan noogu jirtaa inaan nabad helno ilaahna aan talo saarano,waxaan soomali uga baryayaa rabi ineey ku waaraan nabad iyo barwaaqo aamiin…. rabi ha iga cafiyo haddi aan qof dhib ugeystay qoraalkeyga…WABILLAAHI TAWFIIQ

  22. RUNTA says:

    asc mid nabad ka taliya ilahay ha ino soo diro,aamin.lakin oday gadh cas iyo ku shariif isu sheeg ah oo galo so dhaweyta midkona nabad inomahayo ilahay aya nabada ino haya.

    via Paltalk daily news

  23. C/RAXMAN SH. XASSAN says:

    AC WR WB UMADDAQ SOOMAALIYEED AABBEHEEY IYO CULUMADDA ISLAAMKA ALLAH XAQQA WAAFAJIYO KOLLEEY DAD BADDAN AYA HADDA BLAME GAREEYNAAYO CULUMADDA OO AANAN EEGEENEEN WANAAGOODA OO XUMAANTOODA MEEL KASTA LATAAGAN.
    INSHALLAH DUCADDA AYAANU WADDDEYNA ALLAH MIDDEEYO QULUUBTA MUSLIMIINTA
    WAAYO INTA EEY IYAGGA ISKHILAAFSANYIHIIN LAGAMA YAABO IN EEY GUULEESTAAN!




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

Latest Headlines