Nadwada ka socota Masjidka Rowda ee Magaalada Boosaaso ayaa gashay Habeenkii 10-aad oo xidhiidh ah waxayna Nadwadani tahay tii Sideedaad ee Masjidka lagu qabto waana mid sanadkiiba mar la qabto , waxaana Darsiga Caawa ku qoraa Sheekh Daahir Aw Cabdi oo ka hadlay Mowduucuu ciwaankiis ahaa “ Adaabta Khilaafka iyo Qawaacida loola dhaqmo dadka is Khilaafsan” (Daawo Sawirada/Dhageysi)
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Sheekh Daahir Aw Cabdi waxa uu ugu horeyn darsiga ka bixiyay sharax guud oo uu ku bidhaamayay Mowduuca, wuxuuna sheekhu ugu horeyn sheegay in dadka Bini Aadamka ah ay yihin kuwo is khilaafa Ilaahayna uu is khilaafkoodaas ugu hadlay Quraan Kariimka ah.
Sheekhu waxa uu sheegay in is khilaafku uu yahay wax jira mararka qaarna uu keeno khilaafkaas in la is laayo ama la isku cuqdadoobo ama dadku ay noqdaan kuwo kala go’a , wuxuuna Sheekhu sheegay in arimahaas ay keenayaan in Bulshadu ay noqoto mid kala xiir xiranta kala xir xirnaatashina ay keento Bur bur la soo darsa Bulshada.
Sheekhu waxa uu intaas kadib u galay khilaafaadkii soo kala dhex galay Dowladihii Islaamka sida Cabasiyiinta, Umawiyiinta, Cuthmaaniyiinta, wuxuuna Sheekh Daahir soo hadal qaaday in khilfaadki iyo loolanadii soo kala dhex galay Madaxdii Muslimiinta ahaa ee hogaanka u ahaa Dowlahaas ay sababteen in uu daato dhiig badan oo Muslim ah waxay khilaafyadaas sii socdaanba ay sababtay in ay meesha ka baxdo Dowladii Islaamiga ahayd.
Sheekhu waxa uu sheegay in Nabiga SCW uu shegay in Ummadiisa u qeybsameyso 73 firqo ama Koox 72 ka mid ahina ay yihiin kuwo lunsan oo Naarta galay halka mida soo hartayna ay tahay Mida saxda ah ee ku taagan Wadada saxda ah , wuxuuna Sheekh Daahir sheegay in waxa keentay in ay Ummaddu u qeybsanto 73 kooxood ee uu Nabigu SCW sheegtay ay tahay is khilaafka.
Sheekhu waxa uu soo hadal qaaday in waxa keenay Dagaalada sokeeya ee dalka ragaadiyay ay ahaayeen dadka oo aan ilaashan Midnimadii iyo wada jirkii arintaasina ay keentay in dadku ay is khilaafaan khilaafkasina uu noqday midka ilaa iyo hadda Bulshada Soomaaliyeed heyta .
Sheekhu waxa uu sheegay in khilaafka soo kala dhex galay bulshada Soomaaliyeed uu keenay in Goboladii dalka iyo dadkiiba ay kala xir xirmaan arintaana ay caqabad muuqata ku tahay midnimadii iyo wada noolaanshihii Bulshada.
Sheekhu waxa uu sheegay in khilaafku uu lee yahay sababo uu ku dhoco waxa u horeeya ee keenana uu yahay gafka , wuxuuna sheekhu carabaabay in gafkaas hadii aan la sixin uu keno khilaaf weyn.
Sheekhu waxa uu intaas kadib u galay Culimada Salafka iyo sidii ay uga hadleen khilaafka wuxuuna Sheekh Daahir sheegay in Culimadii Salafku ka digtay khilaafka ayna cadeeyeen waxa keeni kara , sida la isaga ilaalin karo , iyo waxyaabaha ka dhalan kara intaba, waxa uu Sheekhu xusay Culimada Salafku Ummadda wax badan u cadeeyeen ayna sidoo kale ka guulesyteen khilaafaad badan oo wakhtigaas heytay Umadda Muslimka ah.
Sheekhu waxa uu intaa kadib sheegay in uu Nabigu SCW Saxaabadiisa u sheegay in la laasimo Jamaacada lagana fogaado wixii khilaaf keeni kara Saxaabada Ilaahaay ha ka raali noqdee ay qaateen talooyinkii Nabiga SCW oo ah mida keentay in ay Saxaabadu wax walba isku huraan wanaagana isla jeclaadaan.
Sheekhu waxa uu intaas kadib u soo laabtay khilaafka Soomaaliya iyo waxaa uu salka ku hayo wuxuuna Sheekh Daahir sheegay in khilaafkaas gundhigiisu uu yahay Qabiilka , waxaanu Sheekhu sheegay in qabiilku uu yahay midka sababay in ay Soomaalidu is layso.
Waxa uu sidoo kale Sheekh-ku xusay in dadka Soomaalida ah laga helayo dad jecel khilaafna doonana mar walba in ay noqdaan kuwo khilaafsan dadka kale wuxuuna sheekhu arintaas ku tilmaamay Nasiib daro.
Sheekhu waxa uu si kooban ugu hadlay khilaafka qeybihiisa wuxuuna u qeybiyay labo qeybdoon wuxuuna sheegay in ilaa sadex qeybood laga dhigo , wuxuuna Khilaafyadaas ka tilmaamay in khilaafka koowaad uu yahay Diinta oo la isku qabto uuna yahay midka ugu weyn ee saldhiga u aha qeybaha kale ee khilaafka.
Sheekhu waxa uu si kooban ugu hadlay Qaabka loola dhaqmo khilaafka wuxuuna ka tilmaamay in ay ka mid tahay Ikhlaas ama Daacadnimo , kan labaadna uu yahay Cadaalad falid , wuxuuna Sheekhu sheegay in arimahaas taas ay keenayaan in xal deg deg ah loo heli khilaafka.
Sheekh Daahir Aw Cabdi waxa uu mowduuca si faah faahsan ugu soo bandhigay khilaafka waxa keena waxa ka dhashay xalkiisa iyo sida looga hor tagi karo wuxuuna sheekhu arimahaas ku cadeeyay Ayaad Quraan ah iyo Axaadiisda ka sugnaatay Nabiga SCW
halkan kala soco muxadarooyinkii hore.

Sheekh Daahir Aw Cabdi oo isku diyaarinaya Jeedinta Darsiga

Sheekh Daahir AW Cabdi oo Darsiga Sharxaya

Sheekh Daahir Aw Cabdi oo Darsiga Sharxaya

Fadhiga Culimada ee Caawa

Bidix Sheekh Maxamed Macalin - Midig Sheekh C/qaadir Nuur Faarax

Bidix Dr Saadaq Eenow - Midig Shekh Abuu Xassaan

Related posts:
shiikha ilaahay khayr ha siiyee waxuu odhan jirey bal joogey barigii xamar uu tafsiirka ka akhriyi jirey halhayskaas aadbaan u jeclaan jirey laakiin hada marna muu odhan bal joogey maxaa iska badaley waxaan kaloo jeclaan lahaa in la ogaado waxa kaliya ee somalidu ka hadlaan in ay tahay khilaafka iyo siyaaasada waxa dhacdooyinka loogu dabkhi waayay, tusaale ahaan halka wax marayaan lagama fahmayo dawrada laakiin waan aragney niman aan aqoon u leenahay ama loo ictraafsan yahay culimo iyo kuwo kaleba inay dadka soo hor fadhiisteen kuwaas oo hada iyana ah malaha culimo wallaahu aclam .maxaase looga aamusey oo qoraalada loogala bakhayley mise dadku xaga mushkuilda iyo siyaasada mooyee cilmiga way ka dhargeen?
waxan aad ugu farax sanahay nadawad iyo khayrka ka socda magalada bosaso gar ahan masjid rowda oo can ku ah khayrka iyo kulmintda dadka wanaga jecel isgoo ah meel dadku intaba waxay ka fa iidaystan ay markasta kala socdan
halkan waxan hamlayo gaara uga ditaya DR Saadiq Enow oo ah nin uu dakeenu aad ugu bahan yahay nin kas oo aqoon madi iyo mid diined kulan saday hayday noqon lahad tariikh cilmi diineed iyo cilmi cafiamd iyo kan malatriga oo nin aad u aftahan ah magalada qaahira iyo dal swedan oo uu labadaba dagan yahay aad loga jecel yahay fadhigiisa iyo melwalba oo uu hadal afkiisa ka soobaxa laga maqli karo
waxan amaanta inta tira la eg ugu waxan ogahay DR ka waxa uu uma u tari karo iyo aqoontisa wanagsan walahay wa nin dadka iyo dalkuba u bahan yahay mantna tagitankiisa wadan iyo inuu jamacada wadanka macalin ka yahay wa wax aad loogu farxo
waxan halkan isga uga mahad celinaya shiikheen ilaa ha nobarakeeyee shiikh daahir awcabdi oo ah nin aan isga anigu manta halkan waxa uu yahay anan ka timaami karin oo umada dhan ay taqan dal iyo diban boosasana jooga mud 20 sano ku dhow aad ban bahda boga ugu mahad celinaya scww
Yaa Allah haka dhigin musiibadeena diinteena,,
Wax qabadaka diinta iyo dacwada iyo waajibaadkii Alaah oo dhan waxaa lagu soo koobay nadwoyin iyo mutamaro masaajidada lagaga buuqo, hoostoodana waxaa lagu cunayaa lafihii toowxidka, ducaadii dhabta aheeyd aya la xir xirayaa oo gaalo loo dhoofinayaa, gaalad aya sideey rabto uga adeegato, ayana doorashada dimiquraadiga kufriga ah ayay dhex dhexadiyaan,
culimo namadoodu waa garka iyo dharka, inta kale waa odayal qabiil iyo ganacsato..,,suufiyadiii waxay ula dagaalami jireen baad modaa inay suuqa ka qabsadaan oo ay ayaga ka ganacsadaan diinta ,. Allahul mustacaan,,,,
Alah umada culumo barakeeysan oo xaqa sheegta kuna dhaqanta haugu badalo kuwaan ,.,.
Xaaji
Masha Allah tacliiqaada.
Ma qori karo tacliq waayo Somalimirror ayaa cimil gal ugu jirta………….
Bal fiiriya hadalkan iyo cilmiga sheekha
“waxaa uu salka ku hayo wuxuuna Sheekh Daahir sheegay in khilaafkaas gundhigiisu uu yahay Qabiilka , waxaanu Sheekhu sheegay in qabiilku uu yahay midka sababay in ay Soomaalidu is layso?.
Cajiib.
diin muu yidhaahdo inta uu furuuc ka hadlaayo…….. mashaayikhda qaarkooda marka ay saaxada jihaaadka ka baxeen ama doc wareemeen ayay hadana dhuminayaan mafaahiimnta qaarkood,
Ilaahow xaqa nagu wada toosi
maa shaa alaahu aad iyo aad ayaan ujeclahay sheekh daahir aw cabdi ilahaay subxaanahu wataacaala haka abaal mariyo amin waxaan aad u xasuustaa waagii uu masaajidka ceel hindi uu noogu akhrini jiray tafsiirka quraanka kariimka ah iyo kutubo kale iyo waliba siiradii nabiga c,s,w
salamau alaikum w w
ilaahay ayaa mahad leh, inoo daayay culimadeena gaar ahaana xiligan ay fitnadu badan tahay,
intaa kadib sawiradani maaha kuwii nadwada sagaalaad ee waa sawiradii tii ka horaysay marka Somalimiror maxay ula jeedaa oo aad usoo bandhigi waydeen sawiradii darayga ahaa????????????