Nadwada ka socota Masjidka Al-rowda ee Magaalada Boosaaso ayaa gashay Habeenkii sagaalaad oo xidhiidh ah waxayna Nadwandani tahay sii Sideedaad ee Masjidka lagu qabto waana mid Sanadkiiba mar la qabto , Darsiga caawa waxaa soo jeedinayay Dr Axmed Xaaji C/raxmaan wuxuuna hadlayay Mocduuc uu Ciwaankiisu ahaa “ISlaamiyiinta Soomaaliya maxay Amaan leeyihiin amase Eed” (Daawo Sawirada/ Dhageysi )
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Dr Axmed Xaaji C/raxmaan waxa uu ugu horeyn Mowduuca ku bilaabay in Islaamku uu Soomaaliya so galay wakhti hore balse aan la hayn taariikh sugan oo xaqiijiyanaysa wakhtiga uu islaamku Soomaaliya soo galay , Dr-ku waxa uu Sheegay in loo badiyo in uu Islaamku u soo galay Xiligii C/Malika Bin Marwaan, waxa uuu Sheekhu sheegay in Culimo badan oo Muslimiin ah kuna xeel dheer Xaga taariikhda ay Soomaaliya yimaadeen waxyaabo badana ay ka qoreen booqashoyin kala duwanaa oo ay ku tageen Magaalooyinka ay ka midka ahaayeen Saylac iyo Muqdisho waxaanu Dr Axmed Xusay in Magaalooyinka Muqdisho,Saylac iyo Baar dhere ay ku yaaleen Maraakiz laga barto Cilmiga Sharciga ah wakhtigaas.
Dr-ku waxa uu sheegay in Xarakaadkii ka jiray Soomaaliya sida Axmed Guray, Sayd Maxamed Cabulle Xasan iyo Kuwo kale ay gacan ku lahaayeen in uu Islaamku ku faafo Soomaaliya.
Dr Axmed waxa uu Sheegay in uu Mowduuciisa si gaar ah ugu hadli Doonto Saxwada Soomaaliya ka bilaabatay sanadkii 1960 iyo wixii ka dambeeyay , waxa uu Dr Axmed Xaaji Xusay in wakhtigaa Soomaalidu ay aad isula yaabaneyd Saxwdwada dadkana ay ahaayeen kuwo is dacaadayeena.
Dr Axmed waxa uu Sheegay in Markii Xoriyada la qaatay uu Sheekh Maxamed Saadaq uu Dowlada ka codsay in Dalka lagu dhaqo Shareecada Islaamka, waxaanu Dr Axmed xusay in Sheekha looga sheegay in xiligaa si aad ah loola yaabay laguna yidhi Sheekhow ma dalka ma Minhaaj ayaa lagu dhaqi arimaas wakhtigan suura gal ma ahan.
Dr Axmed waxa uu Sheegay in Saxwada Soomaaliya ay wax badan ka qabtay Quraafaad badan ayna ku guulaystay in ay caqta mariso dhamaan caqiidooyinkii qalocsanaa ee haystay Bulashada Soomaaliyeed , waxa uu Dr Axmed soo hadal qaaday in Saxwadu ay si aad ah ula dagaalantay Mukhaadaraadka qeybhiisa kala duwan ayna ka guulaysatay, wuxuuna Dr-ku guulihii ay Saxwada Soomaaliya ay soo hoysay ka tilmaamay in ay ka mid tahay Faafka Xijaabka iyo Caqiiqda wuxuuna Dr Axmed Sheegay in Meelkasta oo Soomaaliya ka mid ah Miyi iyo Magaalaba lagu arkayo Dumar xijaaban yar iyo Weynba
Dr Axmed waxa uu Sheegay in Xiligii ay bur buraysay Dowladii Dhexe ee Soomaaliya 1991 ay Saxwada Soomaaliya si xowli ah ku socotay ayna Sii balaadhatay , Wuxuuna Dr Axmed Sheegay in waxqadka Saxwadu uu si weyn u muuqda u bilowday wakhtigii dagaalada Sokeeye.
Dr Axmed waxa uu intaas kadib u galay Khaladaadkii ay gashay Saxwada Soomaaliya, wuxuuna Dr Axmed xusay in Diinta Islaamku ay ku dhisan tahay in la isa soco dadkuna ay yihiin kuwo wax saxa waxna khalda aysna ahayn Macsuumiin sida Ambiyada Nabad Galyo korkooda ha ahaatee.
Dr Axmed waxa uu soo hadal qaaday in dadka khaladkooda in loo sheegaa ay Muhiim tahay si uu ugu xisaabtamo inuusan mar labaad ku dhicin , wuxuuna Dr-ku xusay in Khaladaadka ka dhacay Saxwada Soomaaliya ay qarwaaqsatay ayna qirsan tahay in waxyaabo laga haboonaa oo ay sameysay balse markaa ama wakhtigaas loo heytay in uu saxan yahay , waxa uu Dr-ku soo hadal qaday in Culimadii Salafku ay Naqdisay khalaadka xaga diinta ah , waxa uu Dr –Axmed sheegay in qof walba uu ceeb leeyahay dadkanu ay yihiin kuwo leh dhaqamo kala duwan.
Waxa uu intaas kadib Dr Axmed Sheegay in Saxwada Soomaaliya dagaalo laga haboonaa gashay ayna dhibaato ku noqdeen ,wuxuuna Dr-ku xusay in dagaaladaasina ay ahaayeen kuwo laga habonaa, Dr-ku dhawaajiyay in dagaalaas sababta loo galay ay khalad ahayd waxa ka dhashayna uu ahaa wax ceeb aan hadhin ku noqday Saxwada Soomaaliya khalad kasta oo dhacaana Saxwadu ay lug ku yeelato iyadoo dhacdooyinkaas hore lagu xidhiidhinayo.
Dr-ku waxa uu sheegay in Saxwada hadda jirtaa ay tahay mid aad uga badalan tii soo soctay ayna keentay in la is ixtiraami waayo dadkuna ay diidaan ama is hortaagaan in la bidhaamiyo Taariikhda Saxwada Soomaaliya dhibabkii ay soo martay iyo guulihii ay gaadhayba.
Dr Axmed waxa uu Sidoo kale faah faahiyay in wax badan ay is badaleen Saxwada Somaaliya sanadihii la soo dhaafay ayna soo baxeen dad waxba kama jiraan ku tilaamaya Culimadii Saxwada dhibka ay rafaadka u soo martay kuna tilmaamaya in ay yihiin Qaacidiin ama kuwo diidan Jihaadka , wuxuuna Dr Axmed xusay in waxa ay dhibaatado ka jirtaa ay in dad aan cilmi badan u lahayn Culuumta jihaadka ay Culimada ku cambaareeyaan in ay yihiin kuwo cilmi gaaban hadalkoodana ay ku tilmaamaan mid aan waxba ka jirin ama lagu hor istaagayo Jihaadka , waxa uu Dr-ku sheegay in arintaas aysan Diinta ka mid ahayn Diintuna ay amartay in Culimada iyo Ahlul Cilmiga laga dambeeyo nala maqlo hadalkooda .
Dr Axmed waxa uu ugu dambeyntii Darsiga u leexday hadal kooban oo uu uga hadlayay dilalka mudooyinkii dambe soo badanayay ilaa haddana socda dadka dilkaas geysnayana aan la ogayn iyo ujeedada ay la leeyihiinba, waxa uu Dr-ku sheegay in Qofku uusan Muslimnimada ka baxay ilaa iyo inta uu ka daadinayo Dhiig qof muslim ah.
Dr-ku waxa uu Sheegay in rumuus muuqata oo Saxwada ka mid ah ay ku jiraan DKMG ah ee hadda dhisan wuxuuna Dr –ku xusay in Saxwada ay hor yaalaan arimo aad u adag oo ah in ay dalka Nabad ka xasiliso iyo in ay ku fashilanto, wuxuuna sidoo kale Dr-ku sheegay in Arinta ku dhaqanka Shareecadu ay ku timid dadaal dheer oo ay Saxwada u soo gashay loona baahan yahay in laga faa’iidayso dadaalkaas laguna faano.
Dr Axmed Xaaji C/raxmaan waxa uu Mowduuca si faah fahasan ugu soo bandhigay Sida ay ku soo bilaabatay Saxwada Soomaaliya , wax qabadkii ay sameysay intii ay soo bilaabatay ,guulihii ay arintaas ka soo hoysay , waxa uu intaas kadib Dr-ku si dheer uga hadlay khaladaadkii ay Saxwadu gashay kuwaas oo uu ka tilmaamay Dagaalo lagu haboonaa oo ay gashay, waxa uu ugu dambeyntii uu Dr-ku Mowduuca ku soo af jaray in ay waxbadan mudooyinkan dambe iskabadaleen saxwada ayna keentay in Culimada Saxwada wax laga sheego arintaasina ay tahay mid laga habon yahay.
Darsiga Dr Axmed Xaaji C/raxmaan Tacliiq yar ku lifaaqay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax wuxuuna sheekhu sheegay in Mowcuuda uu ka hadlay Dr Axmed uu yahay mowduuc aad u muhiim ah kana mid ah mowduucyada aad ka u muhiimka ah ee Nadwada looga halday.
Sheekh C/qaadir waxa uu Sheegay in Nadwadan ay nadwooyinkii hore ee Masjidka lagu qabtay ay waxyaabo badan ugu duwan tahay wuxuuna Sheekhu sheegay in waxyaabaha keenay in ay Nadwadan ka duwanaato Nadwooyinkii hore ay tahay Mocduuca looga hadlayo oo ah mid si toos ah uga tarjumaya xaalada dhabta ah ee Soomaaliya wakhti xaadirkan ka jirta.
Sidoo kale waxaa Taciil labaad darsiga ku sii lifaaqay Dr Bashiir Axmed Salaad wuxuuna ugu horayn xusay in markii Saxwada la soo bilaabayay dhibaato badan laga soo maray dadkuna ay ahaayeen kuwo ku faraxnsan waxa ay qabanayaan aysana ka lahayn wax aduunyo ku doon ah balse ay ka lahaayeen sidii ay ilaahay agtii ajar ugu heli lahaayeen , wuxuuna Dr Bashiir soo hadal qaaday in mudooyinkii dambe ay soo baxeen dad arimaha Dacwada ka doona aduunyo wax walba oo ay qaban lahaayeena ku xujeynaya lacag, Dr Bashiir waxa uu arintaas ku tilmamay Nasiib daro u soo hoyatay bulshada Soomaaliyed gaar ah Ahlu Saxwaha.
Muxadarooyinki hore halkan kala soco

Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo isku diyaarinaya jeedinta Darsiga

Dr Axmed Xaaji oo Darsiga Sharxaya

fadhiga Culimada ee Caawa

Bidix - Dr Bashiir Axmed Salaad - Midig Sheekh Maxamed Macalin

Bixid Sheekh Axmed C/samed Midig Dr Sadaq Eebow

Bidix- Dr Saadaq Eenow - Dhex Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Midig- Sheekh Abu Xasaan

Related posts:
sheekhaaw horta masha,allaah
laakin dawlad maku dhaqmaysa diinta gafuro waynta ilaalinayaan taas bal horta halla hubsado ayaan dhihi lahaa !?
walee halkaas rag waa isugu yimid ilaahoow khayrka nawaafaji laakiin waxaan jeclaan lahaa in ay si fiican u muujiyaan in dawlada iyo muqaawumada in si fiican ay u kala dhex galaan oo kii qaldan dadka u sheegaan laba libaax xero kumawada xishiisee oo ay mid ridiyaan
Mashaa allaah
Culimada khayr allaah ha siiyo wey dadaaleen
waa saas alle ha ka aqbalo kuwa aad culumada ixtiraamayna ha waafajiyo xaqa hadii kalena alle umadiisa ha ka qabto oo meeshii kuwii ka horeyyey ay mareen ha mariyo waxaan ula jeedaa qabqablayaashii iyaga ka horeeyey hada waxa uu imtixaanka ugu wayn horyaal sheekh cumar iman waa nin sheekh ah oo aan si wayn u imtiraamyno lakiin nin nacayb yuusan ku qaadin in danah umada somamliyeed oodhan uu sidii qabqablayaashii laad ugu dhifto sheekh si fiican uga fiirso
Bismilaahi,sheekhu wax badan buu ka hadlay wixii uu asiibay alle haka ajar siiyo wixii uu gafayna allaah ha ooga toobad keeno taasoo ay ka mid tahay inuu yiraaho dagaaladii ay saxwadu lagashay gaalada iyo gaala raacyada inuu yiraahdo ma habooneyn taasi waa xaq uu qarinayo xaq la qariyaana goodi adag ayaa ku soo arooray,hadeed caalimkii jihaadka ka fariista cudur daar la,aan hadii la yiraahdo qaacid ayaad tahay lama caayin ee waxa uu yahay ayaa la sheegay allah ayaana ku tilmaamay( uqcuduu macal qaacidiin)
culimada marka hore yaa doortay marka xigana dhex dhex aad miyaa mase ma ahan waa su,aalo u baahan jawaabo tan kale gaalda AMISON maxay u yaqaanaan ma kuwa wadanka qabsaday mase kuwo kale
TO CULUMADA:
CULUMOOY MAXAA RABTIIN?!
DAHAB IYO DUUNYO MAA RABTIIN?!
DAARO IYO ……. MAA RABTIIN?!
HEE MAXAA RABTIIN HEE?
KANAA SAAN AHAAN JIRAY IYO KANAA SAAS AHAAN JIRAY MEESHA LOOMA JOOGEE, WADANKII ADINKAA GACANTIINA UU KU JIRAAYE MEEL SAX AH MA ISKU WADA RAACDEEN OO UMADDA SI SAX AH MA U HOGAAMISEEN?
MISE SIDA REER TOLKIIN MAALINB QABIILKIINA HOOSTISA FARIISTA OO KALMO SOO TUURTUURA, OO WAXBA HA ISKU RAACINA, OO DHALINYARADA IDIN HOOSTIMAADANA HUB KA HA ISKU LAYSO, UMADANA HAKU DHEX DHMAAADAAN.
OO MUJAAHIDIINTII AFGANISTAAN SIDAY ISKU DILEEN OO KALE KUWANA ISKUGU LAAYA , ADINKANA KIINII BAASBOOR HEYSTO MEESHUU KA YIMID TAGA.
OO CULUMANA WAA NAHAY QABIIL HEBELNA WAANKA DHASHAY OO BEESHEYDA AYAAN KU TALO AHAY LA IDINKAMA YEELIN. SIDAASNA CULIMO XAALKEEDA MA AHAN.
DHAAR WAXAAN KU MARAAYAA HADAADAN WAR CAD KEENIN IN ADINKANA SIDII HOGAAMIYE KOOXEEDKII IYO KA DARAN DABADA LA IDINKA GALI DOOONO , SOOMAALIYANA, AY RAACEYSO WADADADII AY TURKIGA RAACEEN.. OO ATATURKI CUSUB USOO BIXI DOONO.
SABABTOO AH KUWIINA AAN MOODNAY IN ILLAAHEY KA CABSANAAYAAN OO KITAABKISA IYO SUNADII NABIGA (scw)KUDHAQMAYAAN, HADDII AAN DA DISHAAN OO WALINA NOO DISHAAN SI KA DARAN OOKA ARXAN XUN HOGAAMIYE KOOXEDKII OO DHIIGEENA KU XALAALEYSATAAN DIIN IYO XADIIS (LAJIIFIYAANA BANAAN AH) OO MIDWALBO OO IDINKA MID AH AXADIS IYO QURAAN AFKA LABADIISA FURTO, OO GURYIHII MADFAC NOOGU KEENTAA OO MASAAJIDII BASTOOLAD IYO DHASHIIKE NOOGU KEENTAA WALAAHI THUMA WALAAHI. INAAN KULIGEEN AADEYNO TALADII ATTATURK. DIINTEENA ISKU XUKENKEED MEEL LA DHIGI DOONO ILLAA LAGA HELO WADAADO ILLAAHEY IYO NABIGISA SI FIICAN UGU TARJUNTA OO QABYAALADANA NADIIF KA AH. HADDII KALE OO ADINKA SIDAAN K USOCOTAAN WAA HOOG IYO BA’ WALIGEED LASOO MARIN IN AAD NOO HORSEEDEYSAAN OO XITAA GUMEYSIGII CADAA NABADIN.
WAAN OGAHAY KUWO BADAN OO SOOMALI AH AYAA WARKEYGA LA YAABI DOONO O U MALEYN DOONO IN IIMAANKEYGA DACIIF YAHAY, IIMAANKEYGA DACIIF MA AHN LAAKIN RUNTA IYO WAAQICIGA JIRO AYAAN KA HADLAAYAA. WAXAANA KU SAXSANAHAY HADDII LA WAAYO WADADO DAACAD AH OO QABYAALAD AQOON OO DINTA ILLAAHEY SI XAQ AH DADKA UUGU KALA XUKMIYO LA WAAYO, MAXAA DIIDADYO IN DIINTA ISKU XUKENKEDA MEEL LA DHIGO ILLAA DAD EHEL U AH LAGA HELO. OO NIN WALBO SIDII UU HOREY UGU DHAQMI JIRAY UGU DHAQMO?
WABILAAHI TOWFIIQ
WARLEEMA WAD-WADI KARNEE!
maansha alaah drku wuxuu so jeediyay mawduuc yaableh laakiin yaa ku dhaqmaya