Nadwada ka socota Masjidka Al-rowda ee Magaalada Boosaaso ayaa caawa Gashay Habeenkii todobaad oo xidhiidh ah waxayna Nadwadani tahay tii sidideedaad ee Masjidka lagu qabto waana mid sanadkiiba mar la qabto,Darsiga Caawa waxaa soo jeediyay Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim “Abu Xassaan’ ( Daawo Sawirada/Dhageysi )
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
wuxuuuna Sheekhu ka hadlay Mowduuca uu ciwaankiisu yahay Jaalidaha Soomaalida ee Qurbaha dhibaatooyinka haysta iyo xalkooda”
Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim waxa uu ugu horeyn sheegay in ay dadka Soomaalida ahi 1977 ay bilabeen in ay aadaan wadamada Reer Galbeedka ama Dibadaha hadaba sidii loo yaqaano sheekhu waxa uu sidoo kale xusay in dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay bilowgii 1991 uu keenay in dadka Soomaaliya ay Dibahadaha ugu ordaan si qof qof ah iyo si koox koox ah.
Sheekhu waxa uu sheegay in ugu horeyn dagaaalkii sokeeye markii uu qarxay ay dadka Soomaalida u qaxeen wadamada Dariska ah kadibna ay uga sii talbaabeen Wadamada Reer Galbeedka.
Sheekh Xasan waxa uu sheegay in Mowduuciisu uu xooga saarayo Jaaliyaha Soomaalida ah ee dhaqan Wadamada Reer Galbeedka dhibaatooyinka haysta iyo xalkooda wuxuuna Sheekhu xusay in Arinta Jaaliyaadku ay Caqab ku tahay Dhaqanka iyo Diinta Soomaalida ayna suura gal tahay Mustaqbalka in ay wax u dhinto waxa ay Soomaalidu gaarka la ahayd ee ahaa in 100% Muslim tahay.
Ugu horayn waxa uu Jaaliyaadkasa ka bilaabay Maraykanka waxaaanu sheegay in tirada Soomaalida ah ee Maraykanka ku dhaqan ay gaadhayaan ilaa sadex boqol oo Kun oo qof oo Soomaali ah waxa uu sidoo kale Sheegay in Jaaliyada Soomaalida ah ee Ku dhaqan Canada ay tahay 37 kun Shan boqol, halka uu Dalka Swden ku sheegay tirada Soomaalida ee ku dhaqan ay tahay 20 kun sida ay Dowlada Sweden sheegtay balse Dr Saadaq Eenow uu u sheegay in dadka ku dhaqan Sweden ay u dhaxeeyaan 20 kun ilaa 30 Kun oo qof , halka uu Denmark ku sheegay 11 kun ilaa 17 kun , sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday in intaas ay tahay inta uu si ahaan soo helay ayna jiraan tirooyin kale oo uusan wali helin.
Sheekhu waxa uu sheegay in Jaaliyadaha Soomaalida ah ee Qurbaha ku nool ay u badan yihiin wadamada Scandinavian-ka, Maraykanka ,Ingriiska Holland , Ireland , Germany, Australia , Newzeland , Wadamada Carabta iyo kuwo kale.
Sheekhu waxa uu intaas kadib u galay in dadka Soomaalida ay Qurbaha ku tagay siyaabo kala duwan oo ay ka mid ahayd Qaxootinimo iyo qaabab kale sida waxa loo yaqaano iyo Isxambaarka , Sheekhu waxa uu xusay in ay jiraan dad soomaali ah oo Wadamadaas ku tagay Jinsiyado kale oo ay sheegteen sida Itoobiya Eritrea Sudan iyo kale, Sheekhu waxa uu Sheegay in sidoo kale ay ka mid ahayd waxyaabaha dadkaas ku dhaliyay qurbaha aadaan ay ka mid ahayd Xayaysiimaha ay sameynayaan Warbaahinta Wadamada Reer Galbeedka.
Sheekhu waxa uu xusay in dadka Soomaalida ahi waxa ay Qurbaha u aadayaan ay ka mid tahay in ay helaan Nolol ka fiican tii ay dalkood ku haysteen iyo sidoo kale in ay helaan lacag badan ayna si deg deg ah ku sameeyaan dhaqaale.
Sheekhu waxa uu xusay in Wadamada Reer Galbeedku dadka ay qaadnaayaan ee ay Wadamadooda geynayaan ay ka leeyihiin sababo ay ka mid tahay sidii ay ugu kabi laahaayeen tirada dadkooda oo hoos u dhac aad ah ay la soo darsitay wuxuuna Sheekhu xusay in Dowlada Sweden ay ka dhawaajisay in dadka Dalkeeda soo galay ee ay Jinsiyada siisay in ay 1 % ay ka kabeen hoos u dhacii xaga dadka sidoo kalena ay sare u qaaday wax soo saarka xaga Warshadaha iyo qeybaha kale ee nolosha Sweden.
Sheekhu waxa uu intaas kadib u galay in Diinta Islaamku ay Diiday kana hor tagtay in wadamada Gaalada loo hijroodo ayna Diintu ku baaqday in laga soo hijroodo wadamada Gaalada , Sheekhu waxa arintaas ku bayaamiyay Aayaad Quraan ah iyo Axaadiis Nabiga SCW ka sugnaatay oo ka digaysa in Wadamada Gaalada loo hijroodo , wuxuuna Sheekhu sheegay in Culimada Salafka ay sheegeen in Qofka Muslimka ah aysan u suura gal ahayn in uu ku noolaado meel Diintiisa iyo Dhaqankiisa wax looga sheegayo, waxa uu sheekhu intaas ku daray in sababta arintaas loo xarimayaa ay tahay dhibka ka dhalanaya oo ka badan waxa ka soo gaadhaya ee nacfi ah.
Sheekhu waxa uu intaas kadib u gudbay ka hadlida Mushkiladaha Heysta Dadka Soomaalida ah ee Qurbaha ku dhaqan wuxuuna Sheekhu xusay in Dadka Soomaalida ah ay Mushkilad wayn ka qabsatay xaga dhaqanka wadamada ay tageen fahamkiisa , waxa uu sidoo kale xusay in Soomaalida ay dhibaato kale kala kulantay xaga Deegaanka “Cimilada” arintaasina ay si muuqata iyo si dadbanba u saameysay, wuxuuna xusay in dhibaatoyinkaas ay xanuuno kala duwan dadkaas ku keeneen.
Sidoo kale waxa uu Mushkiladahaas ka xusay dhibaato kala soo daristay Xaga cibaadada “Salaada” wuxuuna Sheekhu sheegay in arintan ay Dhibaato muuqata ku noqotay dadka Soomaalida ee Qurbaha ku nool, waxa uu sidoo kale sheegay in dadka Qurbaha ku nool loogu hayo muuqta iyo mid qarsoonba loo Kiristaamaynayo , wuxuuna Sheekhu xusay in Wamadaas ay si muuqada u gaalaysiinayaan dhalaanka ayna waxyaabo khalal ku keenaya Diintooda ugu dhigaan Iskuulaadka arintaasina ayna mushkilad ka dhex abuurtay Waalidiinta iyo Caruunta.
Waxa uu sidoo kale Sheekhu sheegay in Dadka Soomaalida ah ee Qurbaha ku dhaqan ay dhibaato kale ka haysato xaga Cunada taasina ay ku keentay in dad badan oo Soomaali ah ay cunaan hilib Khaansiir iyagoo looga dhigay Hilib Xoolaad wuxuuna sheekhu xusay in Cuntada Reer Galbeedka lagu cuno inteeda badan lagu soo daro Khansiir la farsameyey arintaasina ay ka mid tahay qawaaniinta taasina ay ka mid tahay Mushkilad kale oo haysata Jaaliyada Soomaalida ah ee ku dhaqan Qurbaha
Sheekhu waxa uu Sheegay in Ragga Soomaalida ah ee ku dhaqan Denmark 40 % ay yihiin kuwo Qaadka Cuna taasina ay muujinayso in ay yihiin dad aan shaqeysan waxna baran darsina la noqda Mukhaadaraaska qeybahisa kala duwan, waxa uu sidoo kale Sheekhu soo hadal qaaday in dhalinyarada qurbaha ku nool badankood ah noqdeen Gaangiistaro.
Sheekhu waxa uu Mushkiladaha haysta Jaaliyada Soomaalida ah ee Qurbaha ku dhaqan ka tilmamaay in ay ka mid tahay Bur bur xaga Qoyska ah wuxuuna Sheekhu xusay in arintaas keentay in ay Qoysas badan kala tagaan Ilmihii ay dhaleena ay u gacan galaan hey’aadka Kaniisaha , wuxuuna Sheekh Xasan bidhaamiyay in kala taga Qoyayskaas ay keenaan Hey’aadka ka shaqeeya Arimaha Bulshada kuwaas oo Hooyooyinka u sheega in ay iska furaan Ragooda si ay u helaan nolol ka baxsan tan ay hadda ku nool yihin.
Ugu dambeyn waxa uu sheekhu u galay Xalka Mushkiladaha haysta Jaaliyada Soomaaliyeed eek u dhaqan Qurbaha wuxuuna ka tilmaamay in ay ka mid tahay in Bulshada laga wacyi galiyo xaga Diinta arintaasna loo ololeeyo lanaba bidhaamiyo waxa ay diintu ka qabto , in la maal galiyo Filimo lagu soo bandhigayo wajiga xun ee dhabta ah ee Reer Galbeedka, in warbaahinta laga hadlo waliba si joogta ah lana bidhaamiyo dhibaatooyinka ka heyta Jaaliyada, in Dhalinyarada qurbaha Joogta lagu qanciyo Diintooda loogana digo dhaqamada xun xun ee wadamada ay ku nool yihiin si ay uga digtoonaadaan, Xaalada amaan ee Soomaaliya oo wax laga qabto si dadkaas ay dib ugu soo laabtaan, xalka Aas aasiga ah ayuu shekhu ku sheegay in ay tahay in laga soo daad gureeyo wadamaas ama ay soo guuraan, in dadku ay qalbilooda ka goyaan wadamada gaalada.
Mowduuca Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim “Abu Xassaan” ayaa ka mid ahaa Mowduucyada sida gaar ah u khuseeyay Arimaha Bulshada wuxuuna Mowduucu u muuqdaa mid si gaar ah u khuseeyay Jaaliyadaha Soomaaliyeed eek u dhaqan Qurbaha wuxuuna sheikh Xasan si qoto dheer u soo bandhigay Nolosha dhabta ah ee ay ku nool yihiin dadka Soomaalida ah ee Qurbaha ku nool , Dhibaatooyinka haysta iyo waxa Xalka u ah Jaaliyada ku dhaqan Wadamada Reer Galbeedka.

Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim "Abu Xassaan " oo isku diyaarinaya Jeedinta Darsiga

Sheekh Xasan Max'ed Ibraahiim "Abu Xassan" oo Darsiga Sharxaya

Sheekh Xasan Max'ed Ibraahiim "Abu Xassaan " oo Darsiga Sharxaya

Dr Bashiir Axmed Salaad oo ka Jawaabaya Su'aalaha Fatawada

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ka jawaabaya Su'aalaha Fatawada

Bidix Dr AXmed Xaaji C/raxmaan - Midig Dr Saadaq Eenow

Bidix Sheekh C/qaadir Nuur Faarax - Midig Dr Bashiir Axmed Salaad
Related posts:
Sheekh Abu Xassaan Masha’lah Mowduuc loo baahnaa ayaad ka hadashay Nadwadan waan arkaa adiga iyo Sxbkaa Axmed C/samed in la idiin kala dhiibay Labo Mowduuc oo aad u Muhiim ahaa si aad dadka wax ugu bayaamisaan Dr Axmed Xaaji C raxmaan Mowduuciisa ayaan runtii sugi la’ahay
Somalimirror wixii ay akhristayaasha idin cananataaba runtii cod ayaad Boga soo galiseen waxaana u fahmay in markii hore ay cilid xaga farsamada idinka haysatay
Hambalyo Hambalyo Hambalyo Somalimirror waligaa jir Kheyrakana ka shaqee Best To Best
abuu xasan afkaaga caano lugu qabay. waxaa aad ku dartaa mushkilada soomaalida haysatay : ayeeyo 60sano kor u dhaaftay oo wali bikro ah, iyo awoowe 70jirsadey ee aan garanayn goor waqtigu dhaafay ee geerida un kusoo baraarugey.
somalimirror waa aad ku mahadsantihiin kheyr ka shaqayskiina
a/a dhammaan,
nadwo miyaa loo joogaa meel kasta dhiig muslim ayaa daaadanaya. waxaana daadinaya muslim kale.
Culimadu waa inay afka 2badiis yeeraan oo dadkaan dugaagoobay oo midba diin sheeganayo la kala qabtaa. inta sheekadu aysan isku badalin “dagaalkii gabqablayaasha diinta”
Assalamo c ww, Culumo Allah anigoo ka mid ah dadka qurbaha joogo waligeey kuma riyoon inaan wadan keyga meel ka baxsan inaan ku noolaado laakiin daruufta ayaa nagu qasabtay,wadamadii islamka oo aan si fiican noolugu soo dhaweey oo aan macaamalo xumi kala kulan nay oo markaan reer galbeed aadnay oo si fiican noola soo dhaweeyay inkastoo aan ogsoon nahay ineey dano gaar ah naga leeyihiin waana la soconaa laakiin halkeen aadnaa xal keena dalkii dagaalka ka hor aan waxbarasho ugu soo tagay ilaa hadana meel wadan ii ah ma aqaan xal keena.
Waxay Isugu Jiran Culimadu Kuwo Wax Cadaynaya Iyo Kuwo Waxa Qariraya Xasbuna LLaahu Ilaahaw Anaan Caddalada Katagin Wax Yaabaha Layaabkale Oo Nimankaan Lawaydiiyay Waxaa Kamida Cidamada Amison Maxay Ugoogaan Say Waxay Dheheen Manaqaan Dhibna Kuma hayaan Ummada Adeerayaalaw Ciidamada Amison Maalintii Tababarku Uxirmay Qudbadii Loo Jeediyay Waxaa Kamid Ahayd Waxaad Ladagaalamaysaan Islaamiyiinta somaliya Qabsaday Waxay Kaloo samayn Jireen Markii Ciidamada Itobiya Dagaalku Ku Adkaado Waxaa Kaqayb Qaadan Jiray Taangiyada Amisoon Iyo Ciidamdoodaba Waxaa Kaloo Lagu Xasuustaa Bastoolad Marka Lagu Rido Ianay Dadka Xasuuqaan Waad Ogtihiin Basaskii dadkii Shacabka Ahaa Waxay Kusameeyeen Iyo Waxyaabahay Bakaaraha Ay Ka Gaysteen Marka Ninka Markii Lawaydiiyo dhahaya dhibmaleh Ama Manaqaan Waxay Ujoogaan Ogaw Dadka Soomaaliyeed Waa Kaashisheeyaane
mashaa alaah somalimirror alaha kaa baal mariyo wanaaga aad faafinayso adiga iyo culimada ilahay karaameeyayy ee jooga boso ilaah baa mahadaas iskalaleh halaga faa iidaysto
soomaaliyeey wataa runtu cadaatay culimo la’aantood inaan lasocankarin lagana maarmikarin…laraaco cilmiga jahligana halala dagaalamo…….aloow culimada noodaa…amiin
scwrt.
ILLAAHAY ajir ha kaasiiyo..abuu xasaan..si wanaagsan ayaad u tilmanateen..arinta dhinacyadeeda kal duwan..
waxaan idinka codsanaynaa nimanka reer moqdisho bal in aad ku celcelisaan waxan ay samaynayaan in ay bari katahay diinta islaamku..oo ay arintu tahay wax moqdisho ku kooban..hadaynu nahay somali..waxaan u jeeda dadka islaamka ah..ee layska banaysanayo dilkooda..!!!usheega ninkii xukun doon ah ..in aanu ka dhiganin diinta wasiilo uu ku gaadho..xukun..!!/
AMAAN WAXAA ISKALEH ALAAH NABAD GALAYANA HALYEELO NABI UXAMAD CSW ITAAS KADIB WAXAA KALOO AMAAN LEH BAHDA WEBSETKAN INTAAS KADIB WAXAAN KALOO KADHIIBAN LAHAA FIKRADAYDA AH INLOO TAHNIYADEEYO CULIMADA &MUJAAHIDIINTA WADANKA KAXOREEYAY IN AYAGANA LASIIYO MUDNAANTOODA THANKS