Nadwada ka socota Masjidka Al-rowda ee Magaaalada Boosaaso ayaa caawa Gashay habeenkii Lixaad oo xidhiidh ah waxayna Nadwadani tahay tii Sideedaad ee Masjidka lagu qabto waana mid sanadkiiba mar la qabto , waxaana Caawa Darsiga ku qoraa Sheekh C/naasir Xaaji Axmed wuxuuna Caawa ka hadlayay Mowduuca uu ciwankiisa yahay(Dhageysi)
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
“Duulaan Maskaxeedka iyo galbeedaynta Dhaqanka iyo Saameynta ay leedahay Mushkilada Soomaaliya”
Sheeekh C/naasir Xaaji Axmed waxa uu ugu horeyn Sheekhu sharax guud ka biyay Mowduuca caawa wuxuuna Sheekhu Mowduuca u kala qaaday Labo qeybood oo kala ah:- Duulaan Maskaxeedka iyo Galbeeaynta Dhaqanka ama dhalan roga dhaqanka hadii si kale loo dhigo
Sheekhu waxa uu Qeexid qoto dheer ku sameeyay Duulaan Maskaxeedka iyo sida uu ku soo bilowday wuxuuna qeexidiisa ku sheegay in uu yahay in Maskaxda dadka laga dhaadhiciyo waxyaabo ka baxsan dhaqankeeda iyo caadooyinkeeda arintaasina laga leeyahay arimo siyaasadeed oo qoto dheer , intaa kadib waxa uu Sheekhu u laabtay qeexida Erayga labaad oo ahaa Galbeedaynta dhaqanka wuxuna Sheekhu sheegay in arintaasi micnaheedu tahay marka si kooban loo sheego badalidda dhaqanka Dad ama Dowlad iyo ku faafinta dhaqanka kale ee la doonayo in ay ku milmaan.
Sheekhu waxa uu Sheegay in arimaha Galbeedaysiinta dhaqanka iyo Duulaan Maskaxeedku ay soo bilaabatay xiliyadii uu gumeysigu ku soo duulay Wadamada Islaamka , wuxuuna Sheekhu sheegay in dagaalka lagu soo qaado Wadamada Islaamka ay lug ku leeyihiin dadka u dhashay Wadamadaas oo marka hore laga soo dhaadhacsiiyay in dhaqanka fikirka Reer Galbeedku uu yahay mid wanaagsan lehna hormar iyo xoriyad halka dhaqankoodana luugu sheego in uu yahay mid dib dhacsan aanan la jaan qaadi karin Dunidda.
Sheekhu waxa uu bayaamiyay in Duulaan Maskaxeedka lagu soo qaaday Umadda Muslimka ah iyo Dhalan roga xaga dhaqanka ah uu gumeysigu uga tagay dad arintaas ka sii shaqeeya kadib markii uu isagu ka baxay Wamadamadii uu gumeysanayay si ay u soo wadaan ajandihiisa , Wuxuuna Sheekhu sheegay in dadkaas la dhoho Mustashriqiin.
Sheekhu waxa uu sheegay in Gumeysigii reer Yurub uu ugu horeyn xooga Saaray dhalan rogida xaga dhaqanka iyo diinta labo wadan oo kala ahaa Turkiya iyo Masar wuxuuna Sheekhu xusay in Gumeysigii uu ugu horeyn xooga saaray Dalka Turkiga oo markaa ahayd khilaafadii Muslimiinta arintaasina uu gumeysigu u adeegsaday Kamaal Atatork ninkaasina uu ku dhaqaayay in uu wax walba oo Islaamka salka ku hayaba uu baabi’iyo , Sheekhu waxa uu xusay in arinta u ku dhaqaaqay Atatork ay Dalka Tukiga uga tagtay arin saameyn ku yeelata Diintooda Dhaqankooda iyo noloshoodaba.
Sheekhu waxa uu intaas kadib u galay in uu gumeysigu kala dagaalamay dadka Muslimka ah xaga Waxbarashada iyo dhaqanka arintaasina ay u keentay in wax badan oo ajandayaashiisa ka mid ah ay ugu fulaan si fudud , wuxuuna arintaas ka xusay faafinta Luuqada English-ka sidoo kalena dacaayado xun xun laga faafiyo Luuqada Carabiga taasina ay keentay in dadkii xiliyadii gumeysiga Madaxda ahaa in ay Dadka ku khasbeen qaadashada Luuqada English-ka.
Sheekhu waxa uu sidooo kale soo hadal qaaday in uu gumeysigu uu uga tagay Wadamada Muslimka ah qaarkood dad Fuliyada ajandihiisii dadkana kala dagaalama xaga dhaqanka iyo Diinta wuxuuna Sheekhu xusay in Madaxda Wadamada Muslimka ah ay Wsaaradaha Waxbarashada iyo kuwo kaleba ay u dhiibeen dad matalaya Reer galbeedka si ay uga shaqeeyaan badalida dhaqanka iyo faafinta fikirka Rer Galbeednimada.
Sheekhu waxa uu intaas kadib ku dheeraaday ka sheekeynta Nin Yuhuudi ahaa laguna Magacaabi jiray Androwysk kaas oo si dheer u bartay Luuqada Soomaaliga iyo Suugeenteedaba wuxuuna Sheekhu xusay in Ninkaas Yuhuudiga ahi uu qoray Buugaag badan oo uu uga hadlaya Soomaalida Luqadeeda sidoo kalena uu ka faafiyay waxyaabo wax baxsan dhaqankooda , waxa uu Sheekhu xusay in ninkaas waxyaabaha uu ka faafiyay Soomaalida ay ahaayeen dhaqamo ay leedahay Yuhuudda isagoo tilmaanaya in uu jiro xidhiidh ka dhaxeeya Soomaalida iyo dadka Yuhuuda ah si arintaas ay u noqoto mid si fudud u saameysa dadka Soomaalida ah.
Sheekhu waxa u Sheegay in Duulaan Maskaxeeda lagu soo qaaday dadka Muslimka ah ay garab socotay in dadka la gaalaysiiyo taasina ay keentay in dad badan oo muslim ahaa sidaa lagu Gaalaysiiyo kadiba laga hor keeno dadka Muslimka ah ee isku wadanku ahaayeen iyaguu markaa lagu soo habay dhaqankii Reer Galbeednimada iyo caadooyinkii gaalada arintasina ay keentay in dadkaas ay ku doodan in ay dalka wax ka leeyihiin lana siiyo xuquuq ka duwan tan ay lee yihiin dadka Muslimka ah.
Sheekhu waxa uu u leexday ka hadlida duulaamada xaga dhaqanka iyo diinta ah ee lagu soo qaaday Dadka Soomaalida ah wuxuuna Sheekhu Xusay in gumeysigu si uu ajandihiisa u fushado uu Dastuurka Soomaaliya ugu tagay qodob ah xoriyada Diinta , waxa uu Sheekhu xusay in dadka Soomaalida ah lagu waday kiristaameyn wuxuuna Sheekhu sheegay in Dalka Soomaaliya laga dhisay Kaniisado kala duwan sababta Kaniisadahaasina ay ahayd sidii loo heli lahaa dad Somaali ah oo kala heysta Mad-hab kala duwan oo Kistitan ah si looga hor geeyo dadka Muslimka ah ayna Reer Galbeedka ugu fududeeyaan faafinta ajandihiisa.
Sheekhu waxa uu bidhaamiyay in Wadamada Reer Galbeedka ahi ay mudooyinkii dambe u leexdeen xaga gar gaarka dadka iyo Hey’aadka arintaasina ay tahay mida uu hadda ku shaqeystaan iyagoo dadka isaga dhigaya in ay Cawinayaan balse u jeedadiisu tahay in uu dadka ku faafiyo fikirkiisa uuna ku sii dhex wado gaalaysiin.
Sheekhu waxa uu sheegay in Dadka Muslimka ah ay mudooyinkii dambe wacyi buuxa ka qaateen fikradaha Reer galbeedka ee la xidhiidha xaga maskaxda iyo dhaqankaba arintaasna ay Wadamada Reer Galbeedka ah ay ku hungoobeen fulinta qoryaashooda.
Sheekhu waxa u sheegay in Wadamada Reer Galbeedku markii ay ku falishlmeen in ay Ummadda Muslimka ah ay ku faafiyaan fikirkooda ayna dhalan rogi wayaaneen ay u leexdeen in ay xooga saaraan xaga Dumarka ayna ku doodaan in Dumarku ay yihiin kuwo xaqiran , wuxuuna Sheekhu xusay in Waxa ugu weyn ee ay wadamada Reer Galbeedku hadda Ummadda Muslimka ah ku wareeriyeen ay tahay in ay Dumarka Xaqirayaan taasina ay ku dadka Muslimka ah ku keentay Buuq aan wax xal ah lahayn , Dumarkiina la aaminsiiyay in ay yihiin kuwo xaqiran.
Waxa uu Sheekhu uu ku dheeraaday in Mushlida heysta Dadka Muslimka ah wakhtiyadan dambe ay tahay Dumarka iyo Xuquuqdiisa, wuxuuna Sheekhu sheegay in waxa ay wadamada Reer Galbeedku Mudooyinka ay xooga saareen Booqashada Wamadamada Muslimiinta ah marka ay booqashooyinka dhameystaana ay dhahaan Dumarka Muslimka ah ma haylaan ama ma heystaan wixii ay xuquuqda u lahaayeen.
Sheekha ayaa Darsiga ku soo gaba gabeeyay Qodobo dhow ahaa oo la xidhiidhay sida la isaga ilaalin karo ama looga hortagi karo Dulaan Maskaxeedka iyo Gabeedaynta Dhaqanka wuxuuna Sheekhu dadka ku bararujiyay in ay mar walba Culimada iyo Ahlul cilmiga waydiiyaan wixii la xidhiidha Arimaha Diinta.
Darsiga Sheekh C/naasir Xaaji Maxamed waxaa Tacliiq yar ku lifaaqay Shekh C/qaadir Nuur Faarax wuxuuna Sheekhu ugu horeyn xusay in Mowducua uu Sheekh C/naasir ka hadlay uu yahay Mowduuc aad u muhiim ah arimaha uu Sheekh C/naasir ka hadlay, wuxuuna sheekh C/qaadir dadka ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan dhagarta ay gaaladu u maleegayso ayna diintooda si quman ugu dhamaan kana digtoonaad shikiga laga galinayo diintooda.
halkan ka dhagayso Duruusta Nadwada

Related posts:
shuyuukhdaan ma aha iney nadwo iyo waxaas isku mashquuliyan hada waxaa ka daran dagaalka ka dhexsocda wadaadada marka kaas iney u istagaan ayey eheyd sideey ku bajin lahayeen ee ma aha nadwo iyo wax la mid ah hada in laga hadlo maxaa yeelay howlaha sey ukala culisyihiin ayaa lokala hormariyaa marka culimda intaa tiro le’eg in howshooda kusoo kobaan nadwo halmasjid ka socota ma aha ee wadaadadan midyiaha isku sofesanaya hakala badbadiyeen taas ha u istageen oo waqtiga u badan haku bixiyeen hadii kalena ha dhaheen anaga waxa konfurta ka socda shaqo kuma lihin oo nama quseyaan war cad ayaa laga sugaya wadaadada.
jazakalaahu khayran yaa sheekh. takallamta mawduucussaacah.
SH C/NAASIR &DHAMAAN MUSLIMKA OODHAN WAAN SALAAMAYA SALAANTA ISLAAMKA TAAS OO AH SALAAM KADIB WAXAN AAD UG HANBALLYAYNAYAA BAHDA WEBSATKAAN SALAAM QAALI AH NADWADAANA HADAAN KADHIIBTO FIKARKAYAGA AAD &AAD AYAY UWANAAGSANTAHAY WAXANA RAJAYNAYAA IN ILAAHAY INAGU ANFACO
a/s salaan ka bacdi walaal somalimirror waxaan ka codsanayaa in webkiina ku kaydisaan nadwada fadlan dadku badankii ma haysto wax nadwada u kaydiya tusaale ahaan aniga waxbaan bartaa marwalba jaanis ma helayo fadlan somalimirror nadwada kayd ka dhiga nadwadani waxay kuwii hore kaga duwan tahay xaalad xaasaasi ah ayaa lagu jiraa ilaahayna somali ha xoreeyo alaahu akbar mujaahidiintana waxaan leeyahay wada dagaalka inta ay gaalo laga wiiqayo
Sheikh Cabdinasir xaji axmed, xafidahullaah waa shiekh caalim ah oo muxtarim ah Allahna aqoon siiyeey. Muwduuca uu ka hadlay waa mid aad iyo aad u muhiim ah gaar ahaan qofka doonaayo inuu fahmo shaxda international imperialism’ka.