Nadwada ka socota Masjidka Al-Rowda ee Magaalada Boosaaso ayaa caawa gashay Habeenkiidee 5-aad oo xidhiidh ah waxayna Nadwadani tahay 8-aad ee Masjidka lagu qabto waana mid sanadkiiba mar la qabto waxaana darsiga caawa soo jeediyay Dr Shekh Bashiir Axme Saalad wuxuuna ka hadlay Mowduuca ciwaankiisu yahay (Daawo Sawirada /Dhageysi)
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
“Loolanka Madaxtinimada iyo Hantida iyo Saameynta ay ku leedahay Mushkilada Soomaaliya”.
Dr Bashiir Axmed Salaad waxa uu Mowduuca caawa u kala qaatay qeybo kala duwan si ay dadku ula socdaan Darsiga wuxuuna Sheekhu ugu horeyn sharax ka bixiyay Mowduuca , waxa uu ugu horeyn Sheekhu xasay in Ilaahay dadka ku abuurayMadaxtinimo iyo Xoolo Jecelaynimo Quraankisana meelo badan ugua hadlay arintaas.
Sidoo kale waxa uu Sheekhu soo hadal qaaday in dadka Bini Aadamka ahi ay ku jirto in uu wax tabco waxna xukuno arintaasina ay tahay suno uu Ilaahay ku abuuray arintaasina ay tusinayso Aayaad iyo Axaadiisba.
Sheekhu waxa uu intaas kadib u galay in Nabiga SCW uu dadka u bayaamiyay in Insaanka iyo noloshiisa iyo Dacamiisa uuna saxaabiida u sharxay arintaas isagoo dhulka mel ka mid ah ul ku jeexay kadibna dhinacyadeeda xariiqimo kale ka bixyay uuna u sheegay Saxaabada in Jeexdimaha uu khadka hore ka garab jeexay ay yihiin Cimriga Bini aadamka iyo waxa uu higsanayo isagoo arintaas ku gudaha jirana uu geeriyoodo.
Sheekhu waxa uu xusay in Dinta Islaamku ay dadka Bartay waxa ay u nool yihiin iyo Ujeedada loo abuuray arintaasina ay keentay in Bini aadamku uu wacyi ka qaato waxa loo abuuray iyo ujeeadada loo abuurayba.
Sheekhu waxa uu sheegay in Maamulku yahay mas’uuliyad, Hogaamin, Xil kasnimo , Amaano balse aysan ahayn in dadka hogaanka loo yahay la dhoco la dhibo la adoonsado , wuxuuna sheekhu xusay in Diinta Islaamku ay muujisay Maamulka iyo mas’uuliyadiisa , Diinta Islaamkuna ay digtay in Mas’uuliyadaas lagu takri falo.
Sheekhu waxa uu sidoo kale ka hadlay in aan labo waxyaabood aysan habooneyn in Madax loo noqdo kuwaas oo kala ah Xoolaha Agoonta iyo labo qof micnaha Labo shakhsi oo kaliya.
Sheekhu waxa uu intaas kadib u galay taariikhda Ibnu Mascuud kadib markii laga qaaday Mas’uuliyadii Magaalada Kuufa la waydiiyay Sideed u aragtaa xilka lagaa qaaday Ibnu Mascuudna uu sheegay in uu dhib ku qabay mas’uuliyada dadka ka saarayd iyo in ay dadku eed ka sheegtaan una kala cadaalad fali waayo.
Sheekhu waxa uu ku dheeraaday Taariikhda Saxaabada iyo xilka sidii ay u qaban jireen ayna ugu cadaalad sameyn jireen, balse wakhtiyadii dambe ay soo baxeen in dadku ay ku takri falaan Mas’uuliyada ay hayaan qof walbana uu fiiriyo xilka uu hayo dhaqaalaha ka soo galaya balse uusan eegayn mas’uuliyada uu hayo , wuxuuna sheekhu sidoo kale is bar bar dhig ku sameyay halka ay saxaabadu ka joogeen maamulka iyo halka hadda laga joogo.
Sheekhu waxa uu sheegay in Nabiga SCW uu Ummadda uga digay Madaxtimiada iyo dhibka ay leeday una sheegay Saxaabadiisa in wixii halaagay Umadiihii hore ay ahaayeen Dirham iyo Diinaar ayna labaad yihiin kuwa halaagaya Ummadda Nabiguna SCW uu sheegay in waxa Ummadiisa halgaaya ay ka mid tahay Maalka.
Sheekhu waxa uu xusay in Dadka Soomaalida ahi ay dinta Islaamka ah ay ka qaateen salaada iyo Cibaadada oo kaliya balse aysan wax ka baran dhaqanka islaamku leeyahay ,wuxuuna Sheekhu iftiimiyay in dadka Soomaalida ah ay yaqaanaan waxa ay leeyihiin qabiil ahaan iyo shakhis ahaan balse aysan aqoon waxa ay Diintu ku leedahay arintaasina ay tahay mid ka mid ah Mushkilaadka heysta Soomaalida wuxuuna sheekhu xasay in dhibaatadaas ay tahay mid wali taagan.
Sheekhu waxa uu sheegay in dadka soomaalida ah aysan xil iska saarin Arimaha Caamka ah ee ka dhaxeeya Ummadda aysana aqoon in ay tahay mid ay iyagu leeyihiin ayna dhahaan maxaa iga galay ma anaa iska leh , sheekhu waxa uu xusay in dadka Soomaalida ahi ay aamusan yihiin in waxa ay xaqa u leeyihin ay tahay in ay dhawaaq iyo dagaal ku helaan balse aysan u abuureyn in ay si nabad iyo xasilooni ay ku jirto ay wax u qaataan.
Sheekhu waxa uu sidoo kale xusay in dadka Soomaalida ahi ay Miyi iyo Magaalaba ku fashilmeen in ay ka shaqeeyaan danta guud , wadamada caalamkuna ay leeyihin dhaqan iyo kala dambeyn, qofka soomaaliga ahna uusan dhaqan ahaan aqoon in uu kalsooni wax ku heli karo uuna isku dayo in wax walba uu qaso si loo ogaado in uu yahay qof balo ka dhacday ah.
Sheekhu waxa uu tusaale u soo qaatay dhaqanka adag ee Soomaalida wuxuuna xusay in sanad dhaweyn markii ay ka soo laabanayeen Xajka ay dadka Soomaalida ah ay isku buurteen afaafka hore ee Diyaarad ay u soo raacayeen Soomaaliya arintaasna ay keentay in ciidamka ilaalada ahi ay u qaateen in uu dhib dhacay dadkiina ay ku soo ordeen markii ay u yimadeena loo sheegay in waxa lagu kala ordayaa ay tahay Kuraasta Diyaarada iyadoo qof walba uu heyto Lambarka kursiga uu ku qoran yahay , wuxuuna sheegay in dadka Soomaalida ah ay yihiin dad aan wax sugan xasilooni iyo kaadsiino midna aan aqoon taasina ay caqabad ku tahay dhaqanka dadka Soomaalida ah.
Sheekhu waxa uu intaas kadib xusay in dadka Soomaalida ah sidii ay iskugu heysteen Maamulka iyo hantida ay Maamulkoodii u gacan galiyeen cadowgooda taasina ay keentay in cadowgu uu ku dhaqaaqo fulinta ajanadayaashiisa gaar ka ah kuwaas oo ay ka mid tahay in uu dadka maskaxooda laga dhaqo cadaawada kala dhaxeyga Codowgoooda sokeeye taas oo uu ka xusay Itoobiya kadib markii ay dalka soo gashay in Xubno ka tirsan DKMG ah ay ku dhawaqaan in Itoobiya ay yiihiin dad xaasiibo ah ama walaalo ah taasina ay tahay ujeedo uu cadowgu umada soomaaliyeed ku ilowsiinayo cadaawada kala dhexaysa sidoo kale ay u jeedooyinkaas ka mid tahay in uu Umadda Soomaaliyeed Maskaxdooda ka tiro Dhulka uu ka heyto ee uu xooga ku heysto.
Sheekhu waxa uu intaas kadib u galay in loolankaas wixii uu socdaba uu ugu dambeyntii keenay in dadku ay is aamini waayaan lana waayo wax danta guud ka shaqeynaya oo la aamino dadkuna ay noqdeen kuwo u indha taaga Mamulka beelahooda taasina ay meesha ka saartay Qadiyadii guud ee dalka Qof walbana uu noqday mid eega danta Reerkiisa iyo midiisa gaar ah.
Sheekhu waxa uu loolanadaas ka tilmaamay in ay ka mid tahay midka ay wadan dadka Wadaadada ah arintooduna ay tahay sidii ay Madaxnimada ku gadhi lahaayeen wuxuuna sheekhu xasay in arintaas ay keentay tuhumo badan oo la soo darsa dadka Wadaadada ah loogana shikiyo in diinta ay faafinayaan iyo wanaaga ay sheeganayaan ay uga gol leeyihiin sidii ay Madaxtinimada ku gaadhi lahaayeen.
Shekhu waxa uu xusay in dhibaatada ka jirta Gobolada Koonfureed ee Dalka ay tahay mid salka ku haysa idii Madaxtinimada loo gaadhi lahaa ujeedada dagaalaasna ay yihiin kuwo la xidhiidha arintaas.
Sheekhu waxa uu xusay in dadka Caamada ah ay ilaa iyo hadda aad ula yaaban yihiin waxa ka dambeeya maalin walba qeybsanka iyo kala hadalka soo dhex galaya dadka Wadaadada ah wuxuna sheekhu tusale u soo gaatay “ Culimo is qabsatay Cadaabtey ku heshiyaan” micnaha tusaalahas ayuu sheekhu ku fasiray in ay tahay in is qabsadkidu uusan xal lahayn wax la isku hayana aysan cadayn.
Sheekhu waxa uu Nasiib daro ku tilmamay qeybsanka iyo ujeedo la’aanta heysta Dadka wadaadada ah wuxuuna sheekhu xusay in Bulshadu ay dadka wadaadada ahi ay ku tuhmayaan Diiin iyo Dhaqanba tuhunkasina uu keenay in dadku mar walba ay dadka wadaadada ah ku daba feylaan , dadkii wadaadada ahaana ay noqdeen dad qoshe la’aan ah maalinba maalinta ka dambeysana ay sii waayayaan kalsoonida shacabka , wuxuuna dadka Wadaadada ah ugu baaqay in aysan lumin kasloonida shacabka ay ka heytaan dadkana u noqdan hogaan wanaagsan.
Darsiga Dr Sheekh Bashiir waxaa xoogaa tacliiq ah ku lifaaqay Dr Saadaq Eenow wuxuuna Dr-ku xusay in dadkii Soomaalida hogaanka u ahaa ay wax ku bilaabaan anaga ayna ugu dambeyntii wax ku dhameeyeen anaga wuxuuna Dr Saadaq ka dhawaajiyay in jabhadihii dalka ka dilaacay ay salka ku hayaan qabiil taasina ay ku soo af jarantay aniga oo markii hore ku bilaabatay Anaga.
Waxaa sidoo kale Darisaga Sheekh Bashiir Tacliiq Labaad ku lifaaqay Dr Axmed Xaaji C/raxmaan wuxuuna Drku xusay sharaxaad kobana ka bixiyay loolanka Xaga siyaadada oo uu ku tilmamay in uu yahay mid laga haboon yahay qof walba oo siyaasi sheegnayana si uu Madaxtinimada u gaadho uu u sameynsayo waxyaabo Dalka , Diinta iyo Dadkaba dhibaya sidoo kalena uu ku faano in uu xidhiidh dhow iyo mid fogba la leeyahay Wadamada Reer Galbeedka.

Dr Bashiir oo Darisiga Jeedinaya

DR Bashiir Axmed Salaad oo Sharxaya Darisaga

Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo ka Jawaabaya Su'aalaha Fatawada ah

Dr Axmed Xaaji oo ka Jawaabaya Su'aalah Fataawaha

Fadhiga Culimada ee Caawa

Bixid Sheekh Abuu Xassaan -Midig Dr Bashiir Axmed Salaad

Bidix Dr Saadaq Eenow- Midig Shekh Axmed C/samed Cabdulle

Bidix Gudomiyaha Golaha Qaban qaabada Nadwada Dabiix midig Dr Saadaq Eenow

Bidix Sheekh Maxamed Macalin Axmed - Midig Dr Axmed Xaaji C/raxmaan

Dadka uu Masjidka Ka buuxsamay oo barxada Masjidka ka dhageysanaya Nadwada

Dadka uu Masjidka Ka buuxsamay oo Nadwada ka fiirsanaya Shaashado loo dhigay barxad Masjidka

Dr Saadaq Eenow oo ka Muuqda Shaashad Barxada Masjidka loo dhigay dadka uu Masjidka ka Buuxsamay

Bixid Dr Bashiir Axmed Salad -Midig Xidhiidhiyaha Nadwada Sheekh Faarax Maxamed Cajab

Dr Bashiir Axmed Salad oo isku diyaarinaya jeedinta Darsiga

Related posts:
Thanks for the detailed analysis but what is needed is: maxaa xal ah??? waa suaasha u baahan in laga jawaabo.
Deeq Yusuf
London UK.
maansha Allah waxaa aamin sab=nahay in soomaaliya lgu badbadin koro nadwooyinkaan oo kale. wadaadana ay run usheegaan sheegaan in qof walbaa qaldami karo lakiin ay muhuumida tahay sidii qaladka loo sixi lahaa.
A/S salaan ka diba waxaan halkan ka salaamay qolada websedka somalimirro iyo bahada websedka khayr ala idinsiiyo waxaan nagu wacanaan lahyed in aad noo so gudbisaan nadwada iyadoo la daawankro internka hadii aad kari kartaan si aanu ula socon khayr alah haydin siiyo ayaan odhan lahaa anigu
ka.burco
Al xamdu lilaah. walaal waa mahad Ilaah waana wax Ilaah loogu shukriyo, cilmigaas aanu habeenkasta aan nuugeyno, waxaana leehaya Ilaahey Culimada hakasiiyo ajar iyo xasanaad aan lasoo koobi karin, miisaanka kana Ilaah ha ugu daro Aakhiro.
Anagana Ilaah hanaga dhigo ku wii ku camalfala, weeleyana.
Somalimirror-na Ilaah haka dhigo mid u adeego Bulshadiisa Muslimka ah iyo Somaliyeed. diintana u adeega.
Waxaa Layari Labaatan Jir mudug Jooga Alle Uma Xil Qarin Waa La Og Yahay Nadwadaan Lasheegay Iyo Waxa Looga Jeedo Waxa Ugu Muhiimsan In Dadka Laga Dhaadhiciyo In Lataageero Nimankii Wadanka Amxaaraada Kusoo Hogaamiyay Iyo Kuwii Mujaahidiinta Khayaameeyay Dadka Qabtayna Wayba Cadaysteen Qaarkood Marka Laga Reebo Culimo uu Kamid Yahay Shiikh Axmed C/samad Allaha Khayr Ku Abaal Mariyee IYo Culimo Kale Lakiin Kuwa Iyagoo Aduunyada Fiirsaya Iyo Armaa Inta Dagaal Dhaco Oo Gaalo Sooduusho barwaaqada Laydinka Kala Tuuraa Waxaan Ognahay Ugu Hadlayaw Hadaad Jihaadkii Kafariisateen Kii Hore Aydnaan Kaqaybgalin Kansoosocdana Kutala Jirin Islaamka Ha tashwiishinina Mujaadiintii Idinka Idin Difaacayna Ha Afla Gaadaynina
maasha alaah waynu ubaahanay nadwooyin caynkan oo kale ah oo mashaakilka ina haysta lagu xaliyo
manshaa allah runta waa taas dagaalku waa mansab aad ku heshid iyo maal aad ka heshid waana tan aan weligeey rumesnaa inay waxa xataa wadaada du isku heestaan iney tahay,allah
ha idiin xafido ayaan leeyahay culumada u istaagtay wacyi gelinta umada iyo inta soo abaabusha nadwoyinka xaqa looga hadalayo somalina allah ha u noqoto ama waa dhamaadkii tariiq dooda kamana ficna umadahii hore u qooqay ee allah ciribtooda tirtiray,kowa inta meelahaan soo gale ee is qabqasada waa la mid,. wabilaahi toowfiiq..
WALAALLAYAAL ALAHA IDINKU TOOSIYO JIDKA TOOSAN KUNA DADAALA IN AYDAAN FATWO UUN QABANE WALALALIHIIN ALSHAABAAB AAD HESHIISAAN OO MEEL ALE IYO SOOMALI RAALI KA TAHAY AAD ISKUGU TIMAADAAN
HADII DHIIG KA DHEXDAATO MUJAAHIDIINTA DHEXDOODA MASUULIYADA WIXII HALKAA KA DHACA QAYB AYAAD KA QAADAN DOONTAAN WAANA LA IDINKU XASUUSAN DOONAA QAASATAN CULUMADINAAN AYAA KA MID AH DADKA MASUULIYADA WAX KA QAADI DOONA HADYNAAN KABAHA U GASHAN BAAJIONTA DHIIGA MUJAAHIDIINTA
1—Dr Bashiir Axmed Salad
2—Dr Axmed Xaaji C/raxmaan
3—Sheekh Abuu Xassaan
4—Shekh Axmed C/samed Cabdulle
5—Dr Saadaq Eenow
iyo Uamal iyo Maxed shiiq cismaan dhamaan culumadii tagtay xamar oo xalinta qilaafaadka u aaday ayaa masuuliyada qaybtooda dhiigaas daatay yeelanaya hadii mujaahidiintu dagaalanto
SomaliMirror daacadnimo idinka fog.
Ra’yiga dadka boggiinna aqrista, midkaad jeceshihiin oo hawadiinna waafaqsan baad soo gudbisaan. Midkaan fekerkiina waafaqsanayn-na waad joojisaan.
Sidaas ayaad ku caan-baxdeen. Caddaaladna maaha. Kollay hadalkan sooma gudbin doontaan, haddaad soo gudbisaan iyo haddii kale-na kalama jecli, oo anigu qof ahaan waan idinka qancay… Waydinkaas.
waa sax allow dadaalka culumadda gacansiiiiiiii in kastoo ay soo daaheen