Nadwada Masjidka Rowda ee Magaalada Boosaaso oo gashay Habeenkeedii Afaraad caawana looga hadlay “ qabyaalada iyo Xumaanteeda iyo saamenta ay ku ledahay Mushkiladda Soomaaliya”

Published on April 18, 2009 by   ·   5 Comments   ·   print

al waNadwada ka socoto Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso oo ah tii sideeedaad ee lagu qabto Masjidka sanadkiiba mar ayaa caawa gashay habeenkiidii afaraaad oo xidhiidha waxaana caawa darsiga caawa baxayay jeedinayay Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo ka hadlayay mowduuc uu ciwaankiisa ahaa “ qabyaalada iyo Xumaanteeda iyo saamenta ay ku ledahay Mushkilaa Soomaaliya”. (Daawo Sawirada/Dhageysi)

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Sheekh Maxamed Macalin Axmed waxa uu ugu horeyn Sharaxaad ka bixiyay Qabyaalada iyo waxa ay tahay diin ahaa iyo xumaanteeda iyo dhibaatooyinka ay ku leedahay Bulshada iyo raadadka ay uga tagto dadka.

Sheekha waxa uu si kooban u sharxay Hal ku dhiga ay leedahay qabyaalada wuxuna ku sheegay in ay tahay in dadka la gardaraysto gardarana la iskugu hiiliyo  wuxuuna tusaale u soo qaatay “ gar iyo gardaraba walalkaa waa garab istaagaa” sidoo kale waxa uu sheekhu si guud u bidhaamiyay in qabyaaladu ay tahay mid ka mid jahliga heyta Bulshada ayna ka mid tahay waxyaabaha ragaadiya hormarka Bulshada , waxa uu sidoo kale Halku dhigyada qaybaalada ka tilmaayay in ay ka mid tahay ku faanida qabiil iyo wax ka sheegida kuwo kale.

Sheekh waxa uu si guud u dul maray qaybaalada iyo siyaabihii ay ku soo bilabatay wuxuuuna Sheekhu soo hadal qaaday in ay dadkii hore ee carabta ahaa  ay ahaayeen dadkii bilaabay Qaybyaalada ayna sababtay in ay dhexdooda ka bilowdaan dagaalo aad loogu madhay soona jiitamayay ilaa Nabi Muxamad SCW laga soo saaray.

Sheekhu waxa uu intaas kadib u galay sida ay Diinta Islaamku uga hadashay Qaybaalada iyo xumaanteeda, nabigana SCW uu si adag uga hadlay qabyaalada iyo xumaanteeda Ilaahayna uu uga hadlay Quraankiisa Munasalka ah uuna cadeyay waxa ay dadku  ku kala fadli badan yihiin ay tahay casbidiisa.

Sidoo kale waxa uu Sheekhu soo hadal qaaday in Khudbadii ugu dambeysay ee uu Nabiga SCW uu u jeediyay Umada Muslimka ah uu uga digay Qaybaalada iyo xumaanteeda uuna u cadeeyay in qofna uusan qof ka fadli badneyn madow iyo cadaan  kii doonaba ha ahaadee waxa ay ku kala fadli badan yihiina ay tahay cabsiga Ilaahay.

Sheekha waxa uu sheegay in dagaalada Sokooye ee Soomaaliya halakeeyay ay salka ku yahaan qaybaalada iyo Reer hebelnimo waxay dagaalada ka dhashay qayaaladu ay soo socdaanba ay kentay in dad walaalo ah ay ama qaraabo ay isku dilaan qaab qabyaalad wuxuuna taas ku tilaamay in ay tahay Nasiib daro la soo daristay Bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwanba loona baahan yahay in laga waantoobo.

Sheekhu waxa uu sheegay in Soomaalidu ay ku tilmaanto dadka aan ku faanin qabiilkooda sidoo kalena aaan wax ka sheegin  qabaa’ilka kale uu yahay qof liita taasina ay keentay in dad badan iyagoo caydaas ka cararaya ay ku kacaan falal xun xun oo ay ugu weyn tahay daadinta dhiig xaaraan ah kadibna uu dhoho yaa wax iga qadi kara, waxa uu sheekhu xusay in in dadka laga waaniyo dadka u horsedaya qaybaalada.

Sheekhu waxa u Sheegay in qaybaalada waxyaabaha lagula dagalamo ay ka mid tahay Cadaalada iyo dhaqanka wanaagsan  labadaas qodobna ay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee looga hor tagi karo

Sheekhu waxa uu shegay in Islamku uu si adag ula dagaalamay qaybaalada uuna la dagaalankeeda ku saleeyay afar qodob oo ay ka mid tahay in diinta Islaamka lagu dhaqamo taasina ay saldhig u noqoneyso in dadku ay ka digtoonaada in ay qabyaalada dhankeda u weecaadn

Sheekhu waxa uu sidoo kale sheegay in qaybaalada Soomaalida haysataa sida wax looga qaban karo ay tahay in dadka wax garadka ah u istaagaan in ay ka hor tagaan Qabyaalada , waxgaradka iyo dadka Bulshad Madaxda u ahna looga baahan yahay in ay bulshada uga digaan Qaybaalada iyo iskugu faanida Qabiilka ayna u muujiyaan in ay yihiin dad walaalo ah oo wada dhashay wadaagana Dhaqan, Diin , Af iyo jinsiba sidaas darteedka qofna uusan qof kale wax dheereyn.

Sheekhu waxa uu intaas kadib u gudbay waxyaabaha xalka u ah qaybaalada wuxuuna ka tilmaamay in ay tahay Casbida Ilaahay iyo Diinta Islaamka mida ugu haboon ee xalka u ah Qabyaalada.

Sheekha waxa uu sidoo kale ka hadlay in waxyabaha keenay in ay burburaan shirarkii dib u heshiisiinta ee loo qaybtay Soomaalida ay ka mid ahayd qaybaalada micnaha taasina ay ahayd in qabiil kasta hadi uu ka waayo wax u cuntami waaya qabiilkiisa uu dagaal kala hor yimaado arintaas , wuxuna sheekhu xusay in loo baahnaa in mar walba xaga wanaaga laga eego.

Sheekha ayaa ugu dambeyntii ku baaqay in loo baahan yahay in dadka laga qabto dadka khariban ee u horseeday colaadaha Sokeeye ee salka ku yahay Qabyaalada ayna muhiim tahay in dadka noocaas oo kale ah laga takooro Bulshada loona cadeeyo xumaantooda iyo dhaqankooda xun.

Intaas kadib waxaa Mowcduuca caawa hadal yar oo tacqiil ah raaciyay Dr Sheekh Bashiir Axmed Salaad wuxuuna sheekhu sii faah faahiyay qaybaalada iyo asalkeeda waxa uu salka ku hayo.

Sheekh bashiir waxa uu s tusaale u soo qaatay in uu  sheegay nin ay saaxiibo yihiin oo tagay Dalka Turkiga uu ku soo arkay Odayaal da’ ah oo ku faanaya Islaamka  markii ay Madaxda ka ahaayeen iyo meelihii ay islaamka gaadhsiiyeen , waxa uu sheekhu intaas kadib u soo laabtay Soomaalida wuxuuna ku tilmaamay in waxa ay ka sheekeystaan ay tahay oo kaliya dagaaladii ay ku qaadeen qabaa’ilka kale ee Soomaaliyeed iyo Xoolihii la kala dhici jiray wuxuuna is barbar dhig ku sameeyay labadaas arimood halka ay kala joogaan Taariikh ahaan iyo dhaqan ahaanba.

Intaas kadib waxaa hadal kooban oo Mowduuca la xidhiidha ku sii tacliiqyay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax wuxuuna xusay in caawa meel looga soo hadhay Qaybaalada iyo Xumaanteeda dadkana looga baahan yahay in ay dhaqan galiyaan waxa caawa loo sheegay arintaasina ay wax ka tarayso xumaanta Qabyaalada ayna tahay wacyi muhuum ah loona baahan yahay in mar walba la xasuusnaado lana dhaqan galiyo

Sheekhu waxa uu sheegay in si ahaan uu aaminsan yahay in waxa dumiyay Dowladii Soomaliya iyo Qaranimiidaba ay tahay Qabyaalada , qaybaaladaasna si xun loo isticmaalay.

Sheekhu waxa uu xusay in dadka Madaxda noqonayaa looga baahan yahay in ay noqdaad dad mab’da leh wuxuuna nasiib daro ku tilmaamay in dadkii  Dalka madaxda ka soo noqday ay ahaayeen kuwo xamaabarsanaa fikaro ka baxsan diinta Islaamka taasina ay keentay in mar walba wixii ay wadeen ay xumaadaan ayna sidoo kale ahaayeen dad ay wadmo shisheeye soo taba bareen.

Sheekh Maxamed Macalin oo isku diyaarinaya Jeedinta Darsiga

Bidix Sheekh Abu Xasaan  - Midig Dr Bashiir Axmed Salaad

Bidix Sheekh Abu Xasaan - Midig Dr Bashiir Axmed Salaad

Dr Bashiir Axmed Salaad

Dr Bashiir Axmed Salaad

Fadhiga Culimada ee Nadwada

Fadhiga Culimada ee Nadwada

Sheekh Maxamed oo Darsiga Jeedinaya

Sheekh Maxamed oo Darsiga Jeedinaya

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ka jawaabaya Su'aalaha

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ka jawaabaya Su'aalaha

Dr Bashiir Axmed Salaad oo ka jawaabaya Su'aalaha

Dr Bashiir Axmed Salaad oo ka jawaabaya Su'aalaha



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Khudbada Masjidka Al-rowda ee Magaalada Boosaaso oo maanta looga hadlay Xasuuqa arxan darada ah ee ay Yuhuudu ku heyso Qazza
  2. Nawadii 8-aad oo Caawa si tooos ah uga bilaabatay masjidka Rowda ee Magaalada Boosaaso
  3. Dr Saadaq Eenow oo Nadwada Masjidka Rowda uga hadlay ahmiyada ay Soomaaliya leedahay deegaan ahaan iyo hanti ahaan
  4. Dowro Sharci ah oo loo magac daray la dagaalanka galaysiinta”التكفير” oo Galabta laga bilaabay Masjidka Al-Rowda ee M. Boosaaso
  5. Sheekh Axmed C/samed C/lle oo caawa Nadwada Masjirka Rowda ee M Boosaaso uga hadlay ” fara galinta shisheeye ee arimaha Soomaliya taariikh ahaan iyo Saameyn ahaan”

Readers Comments (5)

  1. Dahir says:

    Dr. Bashiir iyo culumada kale oo nadwadan qiimaha leh uu soo gudbiyey ummadda wey ku mahadsan yhiin. Ha yeeshee aragtidayda, falanqaynta mowduuca qabyaaladda iyo xumaanteedu ma ahan mid loo baahan yahay in maanta la isku xiijiyo oo waqti lugu lumiyo. Waxaan sidaa u leeyahay anigu Soomaali shiikh iyo shariifba midna ka rumaysan maayo inay qabyaalad ka tegi. Waxaa igu maqaal ah Maxammed Siyaad Barre markii uu hablihiisa u wada guurinayey saraakiisha ciidanka in nin dadka soomaalidu yasto ah uu gabar weydiistay asagoo is leh qabyaaladdii waa la aasay. Waxaa la yiri Maxammad Siyaad ninkii wuxuu ugu jawaabay inuu ookiyaalihii madoobaa oo uu sidan jiray hoostiisa ka eego oo uu ku dhaygago. ninkii sarkaalka ahaa oo ha la rooro run mooday, halkaas ayuu candhuuftiisa dib u liqay.

    Hadday runtii ka dhab tahay wadaadadan in Soomaali ka harto qabyaalad, hablahood ha u guuriyeen hana soo dhaweeyeen dadka bilaa sababta loo fanquuqay sida gabooyaha iyo bir tumaha. Hadday sidaasi dhacdo oo dadkaas dibindaabyada iyo fanqooqa laga daayo, ummadda Soomaaliyeed way wada walaaloobin oo waa laga raysan dhaawaca iyo baahida qabyaaladda. Haddiise ay nacaybka qabyaaladdu geddigeen inaga tahay afka caaradiisa, cid walba way u muuqataa inay nadwadaani tahay maaweelo iyo ha lagaa sheego.

    Inta ay wadaaddadani ka hadlayaan qabyaalad xididadeeda eebbe uun uu rujin karo, waxaan qabaa inay ka habboonaa lahayd in culumadani ay noqdaan caaradda halganka maanta loogu jiro dib u soo celinta qarannimada Soomaaliyeed. Taas ayaa maanta ka fudud oo baahi loo qabaa. Guul iyo ajar wayn ayey soo hoyin lahaayeen hadday maanta wadaaddaasi Muqdisha, Baydhabo iyo Kismaayo lug ku tagaan oo ay jeediyaann nadwad nabad doon ah. Laakiin waddaadado bari iyo Nugaal ma soo dhaafi karaan oo tolkood kama soo dhex bixi karaan!. Ayadoo dadka lagu waaniyo xikmad iyo wax u sheeg, haddana waxaa dadka lagu hagaa ayadoo miithaal lagu daydo la noqdo.

  2. sayfulah says:

    waa loo bahan yahay maantahay in la qab do dooro san oo kale ah waxa jiira cilimiyaari haysa daadka oo dhaan

  3. faysal says:

    s.c
    Dahir fikirkiisu waa mid aad uqiimo badan culimaduna FOKUSKA ama muhiimada waa inay saaran
    xalinta arimaha Dahir kahadlay.
    s.c

  4. XAAJI says:

    Waxaan jeclaan lahaa in ay culumada iyo inta ka shaqaysa dacwda diinta islaamka , in ay xasuustaan waxa shacabka soomaaliyeed kabuuxa oo qurun ah oo qabyaaladu uugu horayso, shirki ku jiro ,diin nacayb ku jirto. in aan lagu xalin karin wacdi masaajidyada laga jeediyo iyo nadwooyin laqabto ,laakiin wax laoo baahanyhay in dadka labaro towxiidka ilaahay , markaa ayagaa iska daynaya waxkasta oo diinta kasoo horjeada lakiin towxiid la,aan wax soconaya mahan , umadu waxa dhibka ukaynay waa towxiidkii oo aan lafahamsanayan , daku haday fahmaan Allihii abuuray si dhab ah wax kasta way iska daynayaa ,Wadaadow ogaada waxkastoo aad samaysaan maantay min madrasa ilaa jaamcad oo hada dadku kabuuxaan ,waxay ka yaacayaan marka wadanku nabad noqdo oo garabkiina lagafuro jaamacado laga aqoonsan yahay reegalbedka , hada dadka waxaa idiinn kaynay waa daruuf ee mahan diin jacayl waa hadaan xaqiiqda idiin sheego ee kafiirsada ,dacwada aad wadaan waa tiidhashay shabaab , caanoole raskaanbooni, maxaakim, iyo kuwakaloo soosocda .marka bal dib u xisaabtama oo dacwada base u yeeela ,

  5. Darwiish says:

    Asc giddigiin ugu horreyn Culimada Nadwadan Qiimaha leh ka soo jeedisay Masjidka Al-rawda Ee magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Soomaaliya.

    Tan labaad waxaan Salaanta Islamka ku salamayaa Dhamman walaalaha kasoo shaqeeyey iyo kuwa ka qaybqaatay suurtagalnimada nadwadan.

    kadib waxaan jeclahay labo waxyaalood inaan halkaan ku caddeeyo.

    Tan koowaad waxaan jeclahay inaan Walaalkay daahir fikraddiisa wax ka idhaahdo.

    Tan labaadna waxaan jeclaan lahaa Ninka XAAJI labaxay inaan ujawaabo.

    Aan ku hormaree Daahir waxan leeyahay Walaal horta waa rune Culimadu Dadka la yaso iyo dadka aan qabiilkooda aheyn midna gabdhohoodaad sheegtaye xattaa dalka inay madax ka noqdaan inaysan raalli ka ahayn baa lagayaabaa.

    Inyar oo ilaahay u naxariistey maahane, Ninka aad tusaalaha ku soo qaadattay oo soomalia madaxweynaha ka ahaana wuxuu sameeyey miyaadan ogeyn iyo diinta siduu ula dagaallamay,
    marka aad leedahay qabyaalad buu ku dhaqmay.

    Siyaad barre waxaa kaaga filan Cilmi yaraantiisa Quraaanka oo uu qaybo kamid ah diiday iyo culimadii uu har cad ku toogtay Muqdisho.
    …………..Taasi waa DAAHIR…………..

    Tan kale waxan laahay XAAJI la baxay, Kow waxaan aad kuugu taageersanahay Inaad ka hadashay tawxiidka in dadka la baro waa sax waana fikrkad sax ah marka laga eego Aragtidaada dhankaas.

    Waxaanse aad uga xumahay inaad isla markiiba ka soo horjeensattay dadkii dadka tawxiidka barayey.

    Waxaad tidhi Dacwadda ay culimadu wadaan waa tii dhashay Alshabaab, maxaakiim, raaskaambooni. Miskiin AlLAW waxaan kuu sheegayaa dalka aan u dhalannay haddaadan luuqadda baran Waxaan uga jeedaa Dalkeenna Soomaaliya dawladdii haysattay markay burburtay kadib wuxuu dalku u qayb samay labo, yacni labo maamul, Labaas maamul mid waa itoobiya midna waa kuwa ka soo horjeeda itoobiya.

    labo kooxood oo iska soo horjeeda marka aan ku leeyahay itoobiya macnahaygu maahan in itoobiya oo keli ah ay qayb dalka kamid ah haysatto

    laakin waxaa weeye in itoobiya dalka oo dhan dumaashay oo weliba si xun u dumaashay, intii dumaashaas diidday waa inta meelaha ay haystaan xorta ku ah wixii gaalada la socda iyo gaaladabana qori caaraddi ugu jawaaba.

    waxaanse aad uga xumahay in adiga oo soomaali ah tawxiidna ka sharqaminaya aad haddana diiddo cidda xorta dalkooada ku joogta ladoonaya inta kalena inay xorowdo oo weliba hadalkoodu cadyahay.

    Waxaan ka afeefanayaa inaann adiga ku dhaleecaynayn xummaana kuu quurin waayo waxaad tahay nin soomaaliyeed anna waxaan ahay nin soomaaliyeed.

    Waxaana kugula talin lahaa Siyaasadda dalka dib u daraasii yacni dib u akhri qolo warxumo tashiil ah oo xagjiriin ahna magan ha ugu noqone inaan waaqica dalka fahanto.

    markaan ku lahadlayo lasoco inaanan dad badan u jawaabin laakin adiga waxaan kuugu jawaabayaa waxaad nin fikraddiisa dhiibtay khalad iyo saxba.

    CODSI:- Walaalkay muslim ah baad tahay weliba Xaaji labaxay haddaad i dhibsatto Qiyaamaha yeynaan is qabsane aniga cafis baad iga tahay adna waxaan kaa rajeynayaa inaad i cafido. haddaan khalad galay ii soo sheeg ceeb maahane.

    Wabillahi tawfiiq.

    Wsc wr wbr.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Khudbada Masjidka Al-rowda ee Magaalada Boosaaso oo maanta looga hadlay Xasuuqa arxan darada ah ee ay Yuhuudu ku heyso Qazza
  2. Nawadii 8-aad oo Caawa si tooos ah uga bilaabatay masjidka Rowda ee Magaalada Boosaaso
  3. Dr Saadaq Eenow oo Nadwada Masjidka Rowda uga hadlay ahmiyada ay Soomaaliya leedahay deegaan ahaan iyo hanti ahaan
  4. Dowro Sharci ah oo loo magac daray la dagaalanka galaysiinta”التكفير” oo Galabta laga bilaabay Masjidka Al-Rowda ee M. Boosaaso
  5. Sheekh Axmed C/samed C/lle oo caawa Nadwada Masjirka Rowda ee M Boosaaso uga hadlay ” fara galinta shisheeye ee arimaha Soomaliya taariikh ahaan iyo Saameyn ahaan”

Latest Headlines