Xalinta Khilaafaadka iyo Xeerarka Dhexdhexaadinta

(Maamul iyo Maareyn)

 

W.Q.Siciid Xuseen Ciid.

shariifka@yahoo.co.uk

 

 

Khilaafku waxuu noqday hab-dhaqan ku milmey dhaqanka soomaalida. Iyadoo Maamulkii, Hey’adii, Degmadii iyo Isbahaysigii samaysmaba ha dhawaato ama ha dheeraato e la arkayo iyagoo gorodda iskula jira.waxaana ugu daran marka khilaaf dhaco inaan lagu kala bixin ee la isku qabsado sheegashada waxii shalay la wadaagay oo qolo walba ay qolada kale ku dadaasho inay dhulka la sinto halkaasna wax walba ku tirtirmaan,waxaadna moodaa in khilaafku noqday xirfadda kaliya ee ay sida fiican ugu takhasuseen siyaasiyiinta Soomalidu.

 

Khatarta khilaafku waxay maraysaa in ka sokow siyaasadii guud ee dalka,in wax allaale waxii leh qaab koox(Organisation) ha noqoto Heyado,Shirkado,Xarumo Waxbarasho,Jaalliyado,Ururo Bulsho iyo Kuwo iskaashi dhamaan uu ragaadiyey khilaaf aan micno ku fadhin.

 

Waxaa waajib noqonaysa in si weyn loo dul istaago sababaha keenaya khilaafka lagana hortago dhaqanka is-khilaafka lana faafiyo dhaqanka wada-shaqaynta iyo ilbaxnimada wada-socoshada.

 

Qormadaani waxay qayb ka tahay in bal si waafaqsan cilmiga dad-maamulka aan is dul-taagno khilaafka sababaha keena,qaababka looga hortago iyo hadiiba uu dhaco sida ugu wacan ee lagu xaliyo. waxaa kale oo qoraalku xusi doonaa hab-maamuuska dhexdhexaadinta iyo qaababka isku soo dhawaynta.

 

Khilaaf “Conflict” Waa xaalad u dhaxaysa laba qof ama kooxood oo mid walba u arko Kan kale inuu si khaldan u saamayn karo, arrin isaga ku wayn.Is-maandhaaf marka la doonayo in lagu tilmaamo “Khilaaf” Waa inuu kulansadaa sadex astaamood oo lagu yaqaano khilaafka:

 

  1. Waa in afkaar kala duwan la kala qabaa
  2. In la kala qabo dareen gurracan (negative) oo qoloba midda kale u aragto inay ku kacayso falal liddi ku ah danahooda si toos ama si dadbanba.
  3. Waxa la isku hayaa waa inuu yahay arrin labada dhinacba ku wayn oo ay danaynayaan.Hadii labada qof ama koox midkood uusan xiiso badan u hayn arinta markaas la isku hayo, khilaaf laguma tilaami karo waayo waxaa sahlan inuu dhib yari ku tanaasulo.Afkaarta oo lagu kala gadisnaadaa ma keenayso in lagu tilmaamo khilaaf. Inta ay meesha imaanayso in sutida la isku qabto oo qolo walba ay ku dadaasho inaan laga riixin mowqifkeeda.


Conflict ama khilaaf waxaa loo qaybiyaa labo nooc. Kuwaas oo kalaah:

1- Khilaaf shaqayn kara(functional conflict), ama socon kara, Waa khilaafka dhiirigaliya gaarista goolasha ay koox, hay’ad, shirkad ama dowladi higsato.Waa khilaaf caafimaad qaba (positive), dadka khilaafkaani u dhaxeeyo waa kuwo si niyad ah u doonaya inay xal u helaan arrin taagan. Iyagoo isku dhegaysanaya si mug leh, mid walbana uu xeerinayo in la helo xal faa’iido u leh dhamaan dhinacyada kala afkaarta ah.Khilaafka astaamahaan lihi waxuu soo kordhiyaa talooyin cusub iyo qaabab casri ah. Isagoo ururka,dowlada,iyo Shirkadda u suurtagaliya xalal farabadan in la keeno, islamarkaana laga doorto midka ugu doorsan ama la isku dhafo afkaaro badan aakhirkana uu ka dhasho xal sal-baaran.

Soo bandhigida afkaaraha badan ee kala duwani waxay meesha ka saaraysaa in dadku u fekeraan hal nooc, ama il-keliya wax ku wada arkaan.Taasoo ka dhigaysa xubnaha hay’ada in maskaxdoodu madhalays noqoto, islamarkaana ay ku fekeraan maskax toobal-caaro ah oo aan ahayn tooda.

 

Arintaani waxay waddada ka xireysaa falsafada diktaytornimada oo ah in hogaamiyahu hadba sida uu jecel yahay kaliya wax lagu wado oo aan aragti kaleba lasoo bandhigi Karin. Iyadoo aragtidii tiisa ka duwanaatana loo arkayo khilaaf abuurid. taasina waxay   keeneysaa in himiladii umaddu,shirkadu,Heyadu ama kooxdu isku badaasho makhaayad hal nin u shidan ama (One Man Show).

2-Khilaaf wax curyaamiya(Dysfunctional conflict) ama aan socon Karin.Khilaafkaan waxaa lagu qeexaa inuu yahay “ is-qabad, khilaaf, iyo kala maan kaasoo caqabad ku noqda howl gudashada hay’ad, koox, shirkad ama dowlad iwm”. Noocaani (nasiib daro khilaafyada Soomalidu noocaan ayay u badan yihiin) waxuu dhex maraa dad aan doonayn inay ka wada shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa xal labada dhinacba faa, iido u leh.Iyadoo dadkaani ay ka duulaan xal ku qotoma guul iyo guuldaro (win-lose solution) ama Cad yahow ku cuney ama ku ciideeyay.

Dr.Stephen Covey oo ah khabiir looga danbeeyo cilmi-baarisyada ku saabsan hab-dhaqanka dadka iyo hogaaminta (behaverial science and leadership) waxuu qabaa in aragtidaan Guul iyo Guuldaradu(win-lose solution) aay salka ku hayso caqliyad uu ku magacaabay Caqliyada Yaraanta (Scarcity Mentality) oo ah in wax walba ay gabaabsi yihiin. Qofkuna waa inuu mar walba ku dadaalo inuu isagu noqdaa midka guushu raacdo.Waxuu ku dooday in aragtidaas lagu baddealo Caqliyadda Waasacnimada(Abundance mentality) oo ah in fursadahu waasac yihiin qof walbana nasiibkiisa iyo qaybtiisa uu helayo, guushaaduna aaysan jab u keenayn qof kale.waana halkuu  abwaanka Hadraawi ka  yiri ” Anigu Gob  ku noqon maayo ninkale  gunimadiis”

Waana sida ay Ina farayso Diinteena Islaamka ee ah in qofku ku qanco waxa alle siiyay waxayna inaga xaaraantinimaysay Xasadka iyo Anaaniyadda.
Marar badan khilaafka noocaan ahi waxuu isku baddalaa mid shakhsiyadeed oo qab salka ku haya (ego centric) iyadoo ay dhacdo in khilaaf bilowgiisii aad u yaraa laga dhigo mid weyn ama loo ekeysiiyo mid culus oo xalintiisu adkaato.

Sidaas daraadeed ayay qabaan khubarada maamulku in khilaafka mar allaale iyo markeey muuqdaan astaamihiisu in wax laga qabto, oo aan laga gabban, lagana fogaado in la asturo, ama la inkiro in khilaaf jiro. Imisa ayaad aragteen khilaaf sidii loo lahaa majiro aakhirkii isagoo hoosta ka karay isla qarxey wax damiyana la waayay.

Khilaafka curyaamiyaha ahi – Dysfunctional conflict -waxuu dhaxalsiiyaa ururada, bulshooyinka, dowladaha, shirkadaha iyo hay’adahaba natiijooyin xun-xun kuwasoo oo ay ka mid yihiin: hoos u dhac weyn oo ku yimaada qiimaha xiriirka, qanaaco yaraan,is-aaminida oo meesha ka baxda,iyo xiriirka xubnaha  oo cakirma. Taasoo dhaxalsiisa aakhirka hoos u dhac weyn oo ku yimaada heerka wax soo-saar ama waxqabad ee hey’ada, shirkada, iyo dowlada iwm.

Waxay kaloo keentaa isku duubnidii iyo is-kaashigii kooxda oo hoos u dhaca  taasoo meesha ka saareysa gaarista ama higsashada yoolashii loo igmaday urur, hay’ada, shirkad ama dowladi inay gaaraan.

Maareynta khilaafyadu (Conflict Management) waa nadaam isku xiran (systematic process) kaasoo higsanaya sidii loo heli halaa natiijo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada khilaafku ku dhexjiro, natiijo ku gacan siisa hey,ada, bulshada, dowlada, ama shirkada inay u howlgalaan si firfircoon islamarkaana ay gaaraan goolashii loo aasaasey.
Ujeedada xalinta khilaafyadu waxay ka bilaabataa in hoos loo dhigo dhicida khilaafyada curyaamiyayaasha ah(dysfunctional conflicts) islamarkaana la faafiyo falsafada ah in khilaaf walba oo dhaca loo xalin karo si hufan oo turxaan la,a, islamarkaana aan dhinacna ku ahayn jab &guuldaro.
Mid ka mid ah dhinacyada ugu muhiimsan xalinta khilaafyadu waa dabeecada ka hor-taga (proactive nature) tani waa mid laga rabo in hogaamiyayaashu ay mar walba u taagan yihiin inay abuuraan jawi aan dhiirigalin khilaafyada curmaayiyaasha ah. Islamarkaana kor u qaada xalal wada-guuleysi ah (Win-Win solutions).

Waxaa ah arin ka fog xirfadda maamul-wanaaga in hogaamiyahu noqdo fal-celiye ama (reactionary) taasoo macnaheedu noqonayo dab-damiye markii dhibku ama khilaafku qarxo isku daya inuu xal raadiyo. Isagoo aan hore meel ugu diyaarsan qaabab(mechanisms) uu uga hor-tago khilaafka dhicidiisa, ama kuwo haduu dhacoba si degdeg ah loogu afmeero.

Hadaba hadaad ogaatey khilaaf waxuu yahay, noocyadiisa, iyo qaababka looga fogaan karo. waxaa maangal ah inaad isweydiiso qaababka lagu xalin karo khilaafka hadiiba uu dhaco.

Talaabooyinka loo maro xalinta khilaafku waa badan yihiin waxaase kuwa ugu muhiimsan ka mid ah:

1)Waa in la fahmaa sababta ka danbeysa khilaafka.Sababaha dhaliya khilaafka badiyaa waxay ku soo ururayaan dhowr sababood midkood:

a)Xogaha(Information): dadku inta badan waxaa dhacda in hadal ama arrin kaliya in qofba si u fahmo u gaar ah isaga.Waana tay somalidu hore ugu maahmaahdey hadal waa margi, ama hadal nin si u yiri nina si u qaadey.
b) Qaabka (Process): waxaa dhacda in la isku qabto qaabka howl loo qabanayo, iyadoo hadafka aan la isku diideyn
c)Ahdaafta (Objectives): marar badan waxaa dhacaysa in ujeedooyinkaba la isku diidan yahay oo qof walba uu higsanayo yool iyo ajendayaal u gaar ah
d) Akhlaaqiyaadka (Values): mabaadi,ada iyo hab-dhaqanka oo kala duwanina waxay sababaan khilaafyo oogma.
e)Abuurta: qaabka qofnimo iyo shakhsiyada qofeed ayaa waxay keentaa in dadku ku kala duwanaadaan qaab-hadalka, dabeecadaha iyo qaab shaqeedkaba taasoo marar badan sababta khilaaf(Personality Clash).

xeerarka dhexdhexaadinta

hadii khilaaf dhaco oo ay dhacdo in lagu guuleysan waayo baajintiisa islamarkaana dhinacyada khilaafku u dhexeeyaa ay ku fashilmaan inay xaliyaan waxaa halkaas ka curanaysa fursad ah in gacan sadexaad ay soo faragaliso si loo baajiyo dhib ka dhalan kara hadii khilaafkaasi sii jiitamo.

dhexdhexaadintu waa xirfad hibo ah iyo mid lagu kasbado waayo aragnimo dheer oo qofku uu ku dhexjiray xalinta khilaafyada. waxay kaloo waayadaan danbe  noqotay cilmi labarto oo leh buugtiisa iyo ragiisaba.  dhexdhexaadinna waxaa ugu qalafsan kuwa lala galo nimanka dadka afduuba, arinta noocaan ahna waxaa loo tababaraa rag la gorgortama si ay maxaabiista usoo badbaadiyaan.

dhexdhexaadiyaha waxaa la gudboon inuu raaco qodobadaan soo socda si ay dhexdhexaadintiisu u noqoto mid mira-dhasha.

 

1-Hubso Xaalada khilaaf ee jirta: Si loo dheeli-tiro danaha,ahdaafta,aragtiyaha iyo dareenka lakala qabo waxaa haboon in la sameeyo qodobadaan:

 

  1.  
    • Diirka ka cadee ama dibada soo dhig ujjeedooyinka aasan. Fiiri khilaafka hulalkiisa. Khilaafka waxaa suurowda inuu ku saabsan yahay ajendayaal qarsoon oo waxa muuqdaa yihiin halku-dhigyo kaliya. Mararka qaarkood waxaa dhacda in khilaafku ka socdo sababo xitaa dadka is-khilaafsan awoodooda ka baxsan oo ku duugan miskaxda-huruda(unconscious Mind) aaminaad iyo qiyam ama hab-dhaqanka qofku ku tegay. waano abuur baa ka horeysay
    • Samee xaqiiqo raadin badan(Fact Finding). Arintaani waa saldhig muhiim ah oo khilaafyada lagu xaliyo. Waayo marar badan khilaafaadku waxay kasoo farcamaan khalad-faham ama il-duufid laga sameeyay xaqiiqooyinka ku lug leh khilaafka.
    • Weligaa ka feejignoow xuduudada khilaafka ee dhinacyadu kala qabaan inaad ku xad-gudubtid. Qolo walbana aragtidooda sida aay la tahay la dhuux weliba si caadifad leh uga dhegayso.Xalinta Khilaafaadku qayb ahaan waa inaad si daacad ah ula falgashid qolo walba xubinta ay ka duulayso waxuun garaabid ahna aad u samaysid meelaha iyo waxyaabaha ay xiganayaan.
    • Qolo walba marka aad la joogto si amaano ah ugu gudbi dhinaca kale fikradooda iyo xuduudda ay joogaan. Xaalad khilaaf marka lagu jiro waxaa yar in dhinacyada is hayaa uu kala gaaro fikir sax ah waxaa dhacda in dacaayadaha iyo poropagaanku noqdo badeecada kaliya ee dhinacyada is khilaafsan loo kala safriyo howshaasna waxaa u qalab-qaata taageerayaasha mintidka ah ee dhinacyada is haya. Waa muhiim marka in si amaano leh loo gaarsiiyo dhinac walba aragtida saxda ee dhinaca kale taasoo keeni karta in la isla baadi goobo meel dhexe oo la iskugu keeni karo sheegashooyinka iyo xujooyinka la kala wato.
    • Waxaa muhiim ah in dhinacyada is haya mid walba gaarkiisa dhexdhexaadiyayaashu ay ugu adkeeyaan in xalku uu gacantiisa ku jiro iyo khilaafka  oo ladhameeyaa, tani waxay keenaysaa inay kasoo degaan fikirka badanaa ay kooxaha is hayaa ku fekeraan oo ah in xalku uu ku jiro gacanta dhinaca kale oo yeela waxa uu doonayo halka isaguna uu ku fiican yahay uun inuu MAYA ku celceliyo.

 

 

2- Si looga gudbo aftahamada garnaqsiga iyo is-qancinta caadifadeed ee dhinac walba, waxa muhiim ah qolo walba inay liis gareyso dalabaadkeeda iyo shuruudaheeda si dhinaca kale ay ugu jawaabaan jumlooyin kooban oo ah “HAA” iyo “MAYA” waxaad xoogga saartaa qolo kasta dhinaca jawaabtiisa HAA ama MAYA ah  waxa ka dhalan kara.

 

Sidaas oo kale arimaha waawayn ama cinwaanada balaaran u  qaybi qaybo yaryar. Xaaladaha khilaaf qaarkood waxaa fudud in lagu heshiiyo arimo yaryar laakiin waxaa adag in qodob weyn hal mar laga gudbo(Dhadhaabta adag oo weyn marka la jabinayo masahlana in kuligeed hal mar lakala dhanbalo waxaa khasab ah in hadba qayb yar laga jabiyo ilaa laga dhameeyo) Waxaa markaas fududaanaysa in heshiiska qodobadaas yaryar ay horseedaan tanaasulaad ama wax isku badalasho laga sameeyo qodobo kale oo ka yara waawayn ilaa sidaas lagu afmeero khilaafka oo dhan.

 Waxaa muhiim ah inaad ka fogaatid in hal arin ahi ay kaligeed noqoto saldhig aan laga gudbin iyadoo ay jiraan arrimo kale oo la isku hayo qodobkaas dib u dhig oo kuwa kale fur.

Waxaa muhiim ah in dalabaadka iyo shuruudaha dhinacyadu ay u dhignaadaan si aan dhaawaceyn karaamada dhinaca kale. Tusaale ahaan dalabaadka taabanaya hanka ama qabka dhinac waxuu keenayaa diidmo qalafsan iyo madax-tiirin macangagnimo ah hadii aan lagu bedelin tanaasulaad madax-ciid ka ceshi ah ama weji badbaadin ah(Face Saving) haday doonaan yaan waxba ka hooseyne laakiin waa inaan qolona la hoyan gacmo maran.

3- Iskujiid quluubta iyo dareenka dhinacyada is khilaafsan si loo yareeyo qandhada khilaafka  waa in lagu ab-hiyaa lana xusuusiyaa  dhinacyada danaha iyo ah-daafta ay wadaagaan.Sida Diinta,dalka iyo danaha waawayn ee ka dhexeeya.Si ay u gar-waaqsadaan in waxa la wadaago ay ka badan yihiin waxa la isku hayo.

Waxaa sidoo kale la samayn karaa in la xusuusiyo khatar weyn oo kuligood kusoo socota taasoo aan eegeyn khilaafkooda hadii aysan u midoobina ka xoog badan.

 

4- Xaqa-Bidhaami: Qolo inay aqbasho dalabaadka dhinaca kale waxay ku imaan kartaa labo siyood: waa inay ku qanacdo xaqnimada dalabkooda ama inay ka baqaan cawaaqibka ka dhalanaya hadii aay ku gacan sayraan dalabaadka dhinaca kale.

 

Marka khilaaf jiro badiyaa dhinacyada is hayaa ma eegaan maxaa xaq iyo daw ah ee qolo walba waxay ku dheganaataa danaheeda oo kaliya waxaa muhiim ah gartu Ilaaheed bay taqaanaaye in si xirfadeysan oo aan bowdo qaawis ahayn loo muujiyo xaqa iyo cadaalada dhinaca u dhow iyadoo aan dhinacna lala duubneyn, waxaa loo mari karaa si aan qolona u didin in loo  muujiyo tanaasulaad la mid ah oo arimahaan laga sameeyay ama xukunno iyo garo hore oo sidaan oo kale loo xukumey

Hadii qolo si qiiro leh u bayaamiso xaqnimada doodooda xeer-beegtida uma eka inay la jidboodaan gar-naqsigaas waayo taasi waxay bahdileysaa dhinacii kale waa in xeer-beegtidu ay kooxaha garoonka ku jira aysan lakala safan si muuqata xitaa hadii niyad ahaan ay u muuqato in qolo xaqa ku taagan tahay.

Dhexdhexaadiyaha uma habana marna inuu qolo dalabaadkeeda ku sifeeyo waxbayahay,khalad iyo baadil waayo taasi waxay sii hurinaysaa khilaafka iyadoo ka dhigaysa mid jiitama. Arinta xaqqa ahi waa xaqeeda dhinaca kalena waxay leeyihiin fikirkooda.

 

5- Uurxaarid: Xalinta khilaafaadku waxay ku urureysaa qolo kasta maxaa ka dhab ah.ballamaha,hanjabaadaha,garnaqsiga iyo sheegashooyinka maxaa ka dhab ah oo heer fulineed geli kara. Marar badan waxaa dhacda in boola-xoofto iyo faataa-dhug la isku akhriyo aan waxba ka hooseyn.  Xeer-beegtu waa inay hoos ugu degaan diyaar garowga qolo walba inay ka dhabayso balamaha ay gasho iyo fulinta hanjabaadahooda.

 

6-Xuurto-Tirasho:  Si wadahadalku u guuleysto hadii la heli karo waqti deganaansho ama xabad-joojin ama isku aamusid laga nasto xurgufta khilaafka waxay horseedi karta in xiisadaha iyo caadifadahu degaan  oo qolo walba si macquul ah oo mowduuci ah uga fekerto arimaha meesha yaala. Waase in laga feejignaadaa in nasashadu isku bedesho isku qalab uruursi dhinacyada qaar si xun uga faaiideystaan.

Mararna waxaaba dhici karta in khilaafaadku iska xalismaan hadii meesha laga saaro xaaladdii isku dhaca oo kaliya iyadoo aan waxba lagu heshiin.

 

7- Badiyaa khilaafka in xoog lagu xaliyaa waa arin khalad ah. Hadii hal dhinac uu shuruudihiisa iyo ujjeedooyinkiisa uu xoog ku hirgaliyo waxuu abuuri karaa ciil-qab iyo uur-kutaallo cadaawad horseeda taasoo marar danbe qaraxda iskuna baddasha mashaqo aan dhamaan. Marar naadir ah ayay muuqan kartaa in xalka kaliya ahi uu noqdo in xoog la isticmaalo ayna soo dedejiso jabka dhanka gardiidka ah(jabkii Hitler).

 In la yiraahdo khilaaf walba waxaa lagu xalinayaa wada-hadal,gar-naqsi iyo dhexdhexaadin waxay jidka u fureysaa in gardiid(Mooryaan) walbaa usoo fadhiisto muran iyo garnaqsi uuna dood ku raadsado xaqa dadka iyo masiirka umadda.Xad-gudubka in la iska waabiyo waxay dalbaysaa mararka qaarkood in awood la muujiyo taasoo laga yaabo inay ka degdeg badan tahay qancinta iyo wadahadalka.

 

Waxaase iyaduna xaqiiqo ah in xoog adeegsigu uu yahay daawada ugu danbeysa marka xalalka kale laga quusto. Badiyaana xooggu waxuu ku kacaa qiime aad u badan oo ay dhici karto inaan laga soo kaban. Waxaa iyaduna jirta in guusha dagaalku aysan ahayn hubanti dhinacna isku hubo……..

 

La Soco Qaybaha Danbe….

W.Q.Siciid Xuseen Ciid.

 shariifka@yahoo.co.uk

 

Aragtida Qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku xasiixan





www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

1 Comment(s)

  1. waxa aan u arkaa inaytahay wax lagu farxo in laga shaqaynayo xalinta khilaafadka siib waqti wadanku uu xaalad xun marayo waxaan umalaynayaa inaytahay arin layaabo hadii aanu nahay arinta soamlida aan kashaqayno waxaan filayaa in aan kuwareerayno waayo somalidu waa dad madax adag oo aan waxba kago’in anigu waxa aan dhihinlahaa wixii kashaqaynaya arinta somalida waa dad dulqaad badan ee umalay maayo in ay qaadanayaan soamlimirror waxa leeyahay walaalayaal waxaa tihiin dad kashaqaynaya danta umada soamalida ee bal siiwada anaguna mar alaala markii aan aqrisano waan idila soo xariiraynaa inshaa allah
    waxaa idiin soo diray ilkacase

    cabdikariim tahliil hiirey | Oct 25, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo