11:00 Barqanimo iyo qadar Daqado ah ayaa waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Magaala Muqdisho si Qarsoodi ah uga soo dagay Wafdi uu hogaaminayo Xubin ka tirsan Congress-ka Maraykanka oo lagu magacaabo Donald Been iyo 6 nin oo istaafkiisa gaarka ah.(Daawo Sawirada)
Wafdigan oo watay Diyaarad yar oo u gaar ah ayaa waxa la socday Wasiirka Arimaha Dibada DKMG ah Maxamed C/llaahi Cumar “Omaar”.
Wafdigan Waxaa Baabuurta Gaashaaman ku soo galbiyay Ciidamada AMISOM kuwaas oo keenay ugu horeyn Guriga Cumar C/rashiid Halkaas oo ay kulan kula qaateen Golaha Wasiirada, ka dibna waxaa loo dhaadhiciyay Hoyga Sheekh Shariif ka daganyahay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya halkaas oo Kulan Al-Baabadu u xiranyahay uu kula qaatay Sheekh Shariif.
Kulankaasi ka dib waxaa Saxaafada la hadlay oo ka warbixiyay Ujeedka Socdaalka Wafdiga Donald Been iyo Cumar C/rashiid oo yiri “Waxaa na soo Booqday Donald Been iyo Ragga la shaqeeya, Muhimada uu u yimid waxay ahayd bal inuu Fiiriyo Xaalada aan ku suganahay iyo Xaalada Wadanku ku suganyahay dabadeedna laga hadlo sidii loo wada Shaqeyn lahaa labada Wadan Dhinaca Amniga, Dhinaca Bulshada, dhinaca Siyaasada iyo Dhinaca Gar-gaarka Bani-aadamnimo, waxaan wada yeelanay Wada hadal dheer maanta, waxaan istusnay Xaaladaha uu Wadanku ku jiro, waxaan ka hadalnay Dhacdooyinka Dhacay oo ay ka mid yihiin Arintaan Burcad Badeeda Waxaan kaloon ka hadalnay Caqabadaha Dowlada Hortaagan”.
Ismaaciil Taani oo ah la Taliyaha Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele oo la socday Wafdiga Maraykanka ayaa uga Mahad Celiyay Dowlada Maraykanka Taageerada ay sii say DKMG ah, wuxuuna sheegay in Dowlada Djibouti ay ku faraxsantahay sida DKMG ahi uga Howl-gasho Gudaha Magaalada Muqdisho.
Donald Been ayaa lagu sheegay inuu yahay nin 74 sano jir ah isla markaana uu ka tirsanyahay Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka, waxaana uu ka soo galay Congress-ka Maraykanka Gobolka New Jersey sanadkii 1988, wuxuuna Madax ka yahay Golaha Baarlamaanka Madoow ee Congress-ka, sidoo kale wuxuu Madax ka yahay Gudiga Arimaha Afrika iyo Caafimaadka Caalamiga ee Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka.








Donald Been

Ciidamada Uganda

ciidamada Uganda ee ilaaliya Madaxtooyada

ciidamad DKG ah

Shariif xassan iyo madax kale oo ku jira dabaabada Ugandhiiska

Sh.Caqadir Cali Cumar

Gaariga Ugandiiska oo lagu qaaday Madax ka tirsan DKMG ah

ilaalada Cumar C/rashiid

ilaalada Cumar c/rashid

Related posts:
asalamu calaykum
wafdiga wan soo dhaweeneena haddi uu mareekan yahay iyo hadduu wax kale yahayba wax mancinayo ma jiran in wufuuda lala kulmo dadka isku dayay in ay wax kala ka dhigaana ayaga ayaa khaldan oo siyaasad waxa ka fahansaneeen
welcome
maxaa diidaayo in ey yimaadaan soomaaliya maadama ey yihiin dad bini aadam ah oo lala hadli karo
shriif markuu aado wadamada gaalada lalama yaabo balse markii looyimaado maxaa ceeb kadhigay
cid kasto oo rabto in lalahadlo waa lala hadlayaa
koongareeka mareykanka iska daaye xataa hadey yimaadaan musaadka israa`iil waa cadi
waxaanu u aragnaa tuug yimi muqdhisho wax xiisa ahna nooma leh, waxuu lamid yahay ku wii isaga ka horeeyey oo gaalada ahaa imaana jirey
waana ku wii bixiyey dhulka yaga bad iyo biriba
wiy oo Wiy Nimankii Hoobiyaha Hufijiray Manta Way Dhaaftay War xagee Aadeen Marakaykan Muqdisho Jooga oo aan Maanta Hal Hoobiye Lagu Ridin Maxay tahay
bal waakaase nin ma yahay!!
ninka yimid waxuu wadaa kaartadii lagu weerari lahaa Islaamiyiinta, waxaana markii hore lagala tashadey Jabuuti waana aqbaleen.
Kadibna waxaa la sugayay wafdigan iney u saxiixaan mareykanka in diyaaradaooha soo galaan dalka ayna weeraraan Islaamiyiinta. Taas oo mar hore uu ku ogolaadeen telifoon. Hadana waxaa la keeney documentigii. Waxaana la rajeynayaa iney saxiixaan.
Alow Muslimiinta badbaadi
Dowlada sheikh shariif waxay tilaabo u qaatay horey xaga dublaamisga ah somalida waxaan ku aqanaa wax husbiino la’aan iyo dhamaantooda oo ay rabaan in loo sheego siyaasada dowlada iyo arimaha diplomasiga meelaha suuqa laga sheeg sheego waa xaaran in habar iyo walba yio qof walba siyaasad dowlada looga sheegayna waana mustaxiil, waxaan oran lahaa waa in ay la yimaadan siyaasada dabacasan ayagoo dantooda maqaar eey ugu seexanayo, mida labaad waaxaa fiican in heshiisyada maadam KMG layahey in aan lagalin sida ay noo sheega khubro siyaasadeed somali ah DKMG ah heshiiskeeda waxaa burin kara Dowlad Doorsho xor ah ku soobaxdey.
Allaha idiin fududeeyo howshiina Musuuliyinta soamliyeed
Mahdi
a/c wey kumahadsanyihiin walaalihii ku soo dhaweeyey madaafiicad waxaanu leenahay (laamarxaban bihim inahum saalunaar).
kooxda ridadane wey ku khasbanyihiin iney soo dhaweeyaan maxaayeley ayig ayaaba soo aasaastey laakin la arki doonee caado qaato in uu dalkeena kataliyo w/c/w
A.C
DADKA SHALAY DHAAWACMAY AMA GEEROYOODAY MARKII NINKA MARAYKANKA LA WEERARAY DHAMAAN WAA SOOMAALI SIDAA LA SOCDA MAHADSANIDIIN SOMALIMIRROR
Inaalilaah wa inaa ileyhi raajicuun ninkii shaley yimid oo lagu tuurey hoobiyaha wax ma gaarin ee waxaa wax gaarey dadk somaliyed war hadii aad hoobiyaal soo tuurtid yey wax gaarayaan waa dadkaada iyo dadlkaada hadii airporka madaafiic lagu garaaco waxaa qasaarayo dadka somaliyeed mana fiicno waxyaabhaas oo kale hada shaley waxaa lagu garaacey madaafiic hal xabo xataa maku agdhicin airporka ee waxa ku dhamaadey dad soomaliyeed ilaahow naga bixi dhibkaan