Kulan Amaanka Muqdisho looga hadley oo ka dhacey Hotel Naaso Hableed.

Published on April 13, 2009 by   ·   3 Comments   ·   print

MuqdishoHotel Naaso Hablood ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan wada jir ah ku yeeshay Mas’uuliyiinta ka tirsan DKMG ah, Culima’udiin Golayaan Dhaqan, Ganacsato, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Qeybo kale oo ka mid ah Bulshada Rayidka.

 

Kulankan oo ay soo agaasimtey Wasaarada Arimaha Gudaha ee DKMG ah ayaa looga hadlayey wax ka badelka Xaalada Amaan ee Magaalada Muqdisho, waxaana kulanka ka hadley dhowr qof oo ka mid ah qeybihii kale duwanaa ee ka soo qeyb galey.

 

Sh C/qaadir Cali Cumar oo DKMG ah ugu qaabilsan Arimaha Gudaha oo ugu horeyn kulankii Maanta ka hadley ayaa sheegay in loo baahan yahey in wax laga bedelo xaalada Amaan ee Magaalada Muqdisho  iyada oo si wada jir ah la isaga kaashanayo arintaas, waxa uuna ka codsadey Culimada & Odayaasha Dhaqanka inay wada hadal siiyaan DKMG ah iyo Xoogaga Muqaawamada ee ka soo horjeeda.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay inaaney maslaxadu ku jirin in Dagaalo iyo Duqeymo joogto ah la isaga jiro, basle loo baahan yahey in la wada hadlo oo wixii jira ee khilaafaad ah lagu dhameeyo wada hadal iyada oo si dhab ah arintaas looga shaqeynayo oo la isa soo hor fadhiisto.

 

Sh C/qadir waxa uu sidoo kale sheegay in dhankooda wixii ay ogal yihiin ay tahey dhanka kale ee ka soo horjeeda inay ogoladaan, balse faahfaahin kama uusan bixin arintaas.

 

Maxamed Xasan Xaad oo sidoo kale kulanka ka hadley ayaa ugu baaqey DKMG ah inay ka dhabeyso barnaamijka horgelinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay Xaad Dagaalo kale oo sii socda inaaney aheyn Xal, sida uu hadalka u dhigey loona baahan yahey in Xaalada ka dajiyo.

 

Waxaa sidoo kale ka mid ah Dadkii kulanka ka hadley Sh Bashiir Axmed Salaad oo ah Gudoomiyaha Ha’ada Culimada Soomaaliyeed oo waxa uuna sheegay in Nabad iyo Degenaansho lagu heli karo iyada oo laga amar qaato Culimada lana hirgeliyo Go’aamadii ay ka soo saareen Shirkoodii Muqdisha.

 

Mar uu soo hadal qaadey dalbashada Ciidamada Shisheeye ee DKMG ah iyo Hadalada kale ee arintaa la mid ah ayuu sheegay inay dhaawacayaan barnaamijkii Musaaxalada iyo dibu heshiisiinta ee ay wadeen.

 

Dhagax-tuur, oo sidoo kale ka mid ahaa Dadkii ka hadley kulankii Maanta ayaa sheegay in Culimada iyo Odayaasha Dhaqanku kaalin weyn ku leeyihiin arinta Xasilinta Magaalada muqdisho loogana fadhiyo inay dorwkooda ka soo baxaan, sida uu hadalka u dhigey.

 

Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyay uguna balaarnaa oo xubno intan leeg ka qeyb galaan loogana hadlayo Xaalada Amaan ee Magaalada Muqdisho ayaa Qeybihii kale duwanaa ee ka qeyb galey waxay isla garteen inarintaasi muhiim tahey loona istaago wax ka qabashadeeda.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Kulan looga hadleyay Amaanka G/Banaadir oo ka dhacey Madaxtooyada.
  2. Kulan Maanta ka dhacey Hotel Kaah
  3. Kulamo aad loo qariyay wixii looga hadley oo ka dhacey Djibouti.
  4. Kulan looga hadlayo Isku dhafida Ciidamada & Amaanka Caasimada oo ka dhacay Madaxtooyada Villa Soomaaliya
  5. Hargeysa oo Lagu Soo Gabo Gabeeyay Kulan Cilmiyeed Looga Hadley Maqaasida Shareecada Islaamka

Readers Comments (3)

  1. haaji says:

    Asc
    gobolada kale ee somliya waxa ku dhaafeen koofor waxaa la maqlaaa Culimada iyo odayaasha dhaqanka,markaan waxaa loo baahanyahay in jaanis la siiyo odayada iyo culimada.

  2. JugJug says:

    Lama yaabani dadyawga kale ee kulankan kasoo qayb qaatay laakiin waxaan la yaabanahay dr. sh. bashiir axmed salaad.

  3. najax says:

    Anigu waxaan qabaa soomaaliya dhamaan inay iibsantahay,ayadoo reergalbeedku doonayo qaybiyoo xukun.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Kulan looga hadleyay Amaanka G/Banaadir oo ka dhacey Madaxtooyada.
  2. Kulan Maanta ka dhacey Hotel Kaah
  3. Kulamo aad loo qariyay wixii looga hadley oo ka dhacey Djibouti.
  4. Kulan looga hadlayo Isku dhafida Ciidamada & Amaanka Caasimada oo ka dhacay Madaxtooyada Villa Soomaaliya
  5. Hargeysa oo Lagu Soo Gabo Gabeeyay Kulan Cilmiyeed Looga Hadley Maqaasida Shareecada Islaamka

Latest Headlines