Gudoomiyaha Magaalada Qardho oo is casilay

Published on April 13, 2009 by   ·   3 Comments   ·   print

Gudooomiyaha Magaalad Qardho  Cismaan Buux Cali ayaa ku Maanta ku dhawaaqay in uu iska Casilay Xilkii Gudoomiyenimada Degmada Qardho ee Xarunta Gobolka Kar kaar.

 

Cismaan Buux Cali oo is casilaadiisa kadib la hadlay Idaacada SBC ee magaalada Boosaaso ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in uu fulin waayay balan qaadyadii uu bulshada Magaalada Qardho u balan qaaday kuna fulin karin mudada ay ee u hadhsan waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu Booska u baneynayo dadkaka  karti iyo wax qabad badan si ay dadka ugu fuliyaan balanqaadyadii uu ku guul daraystay fulilntoodu ayuu yidhi gudoomiyaha is casilay

 

Si cad uma uusan carabaabin waxa xiligan Cismaan Buux ku dhaliyay in uu iska casilo Gudoomiyenimada Magaalada Qardho mana jiraan ilaa iyo hadda wax cadeynaya sababta uu isku casilay.

 

Maamulka Puntland ayaan wali war ka soo saarin is casilaada Gudoomiyaha Qardho waxaana lagu wadaa in ay ka hadli doonaan wakhtiyada soo socdo.

 

C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa laga sugayaa in uu wakhtiyada soo socda ku dhawaaqo qofkii badali lahaa Gudoomiyaha is casilay , waxayna is casilaada Cismaan Buux Cali noqoneysaa tii ugu horaysay ee uu sameeyo Gudoomiye ka tirsan magaalo ka tirsan Maamulka Puntland tan iyo markii uu talada Maamulka la wareegay C/raxmaan Maxamed Maxamuud “Faroole” bilowgii bishii labaad ee sanadkan.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Gaari khamro wada oo lagu qabtay kontoroolka magaalada Qardho
  2. Gudoomiyayaashii Diinsoor & Bardaale oo is casilay
  3. Maxamed Dheere oo la Casilay
  4. Xubin ka mid ah Maamulka Madaniga Jowhar oo is casilay
  5. Gudoomiyaha G/Hiiraan oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Beledweyne

Readers Comments (3)

  1. nasiib says:

    Cismaan buux casilaadiisa waxay ku timid kadib markii uu u balanqaaday dhalinyarada burcad baddeeda inuu garab istaagi doono marxalad adag markey lasoo gudboonaato. taasoo uu kasoo baxi waayay, kadib markii shan(5) ka mid ah burcadaas looga taqalusay afduubasho fashilmay, oo maraakiib ay leeyihiin ciidamada reer galbeedka ee badweynta hindiya fadhiya! maamulka puntland oo cabsi ka muuqato oo uu ku taageeray dhacdadaas.

  2. mujaahidka badda says:

    nimankaas burcad maahabne ee waxaa burcad ah ninka ka soo duulay wadanshisheeye hadana dhaha ya waxan ladagaalamaya nin wadankiisii jooga inta khayraadkiisii lagurtay oo sun lagu daadiyay oo malaygi la dhamaystay anaka waxa badda socdo ayaa inoo malay ah mujaahidintii nalaga laayayna waaa balan 20 ka aan maanta qabanay ayaan ugu aargudaynaa qaar kamida
    insha allah

  3. samatar says:

    faroole shaqo kuma laha cida qabaneysa duq degmo taas waa horaa laga gudbay in madaxweynaha usoo magaacabo ee waxaa qabanaya cida ay dortaan galaha degmada qardho marka faroole uma taal arintaas




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Gaari khamro wada oo lagu qabtay kontoroolka magaalada Qardho
  2. Gudoomiyayaashii Diinsoor & Bardaale oo is casilay
  3. Maxamed Dheere oo la Casilay
  4. Xubin ka mid ah Maamulka Madaniga Jowhar oo is casilay
  5. Gudoomiyaha G/Hiiraan oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Beledweyne

Latest Headlines