9 Ruux oo lagu Fuliyay Xukun Tacsiir ah

Published on April 13, 2009 by   ·   2 Comments   ·   print

Ilaa 9 Ruux oo Danbiyo kala duwan lagu soo eedeeyey ayaa maanta Maxkamada Islaamiga ah ee Magaalada Jowhar waxa ay ku fuliyey Xukun Tacsiir kala duwan ah oo ay Maxkamadu ku Xukuntay. 

Ragan Maanta lagu fuliyey Xukunka Tacsiirta ah ayaa 8 kamid ah lagu soo eedeeyey in ay Ciyaarayeen Qamaar halka Ninka kalane la sheegay in uu isticmaaleyey Maandooriyaha loo yaqaano Xashiishka. 

Sideeda Nin ee lagu soo ee deeyey in ay Qamaarka Ciyaarayeen ayey Maxkamada Magaalada Jowhar ku Xukuntay min 30 karbaash halka ninka kale ee lagu soo ee deeyey in uu Xashiishka isticmaalayey isna lagu Xukumay 40 karbaash, isla Maxkamada horteeda ayaana Xukunka lagula fuliyey Ragan Eedeysanayaasha ah. 

Gudoomiyaha Maxkamada Garsoorka Degmada Jowhar Sheekh Muxiyadiin Max’uud Geesey oo ka warbixinayey Xukunka Tacsiirta ah ayaa Yiri:”Maxkamada Islaamiga ah ee Degmada Jowhar waxay maanta ku fulisay tacsiir 30 ilaa 40 karbaash ah Shaqsiyaad gaaraya 9 Ruux , 8 ruux oo lagu soo ee deeyey in ay isticmaaleen Qamaarka Maxkamadana lahorkeenay Sabta ay ku qamaareen iyo lacagtii Maxkamadu waxay ku tacsiirtay min 30 karbaash waxaana lagu fuliyey Tacsiirtaas Maxkamada horteeda , sidaa oo kale Nin lagu keenay Xashiishad Jeebkiisa laga helay, Maxkamadu waxay ku fulisay tacsii tacsiirtaas oo gaareysa 40 garbaash laguna karbaashay Maxkamada Horteeda.” 

Howlglada Ciidamada MMI ee Gobolka Sh.Hoose ay ka fuliyaan Gobolkaas gaar ahaan Magaalada jowhar ayey aalaaba ku soo qabqabtaan Dhalinyarada Isticmaasha Maandooriyaha Xashiishka iyo Cid walba oo ku howlan howl wax u dhimeysa Anshaxa wanaagsan ee Diinta Islaamka. 

Maahan markii ugu horeysay oo ay Maxkamada Islaamiga ah Degmada Jowhar ay Fuliso Xukuno Noocan oo kale ah balse waxa uu xukun kani daba socdaa Xukuno Dhowr ah oo ay horey u fulisay Maxkamda Magaalada Jowhar.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xukun Tacsiir ah oo lagu fuliyay Ragii horey u afduubey Gudoomihii Waxbarashada ee G/Hiiraan
  2. Xukun 100 Karbaash oo Maanta lagu Fuliyay nin Kufsi Gaystay
  3. Xukun Tacsiir ah oo laga fuliyey Degmada Balcad ee G.Sh/Dhexe
  4. Xukun Tacsiir ah oo Galabta ka dhacey Degmada Marka
  5. Xukun Tacsiir ah oo ka dhacay Magaalada Marka

Readers Comments (2)

  1. Hanad says:

    as wr wb.

    waa wax fiican in ay dadku aaminaan diintooda maadama ay iyada bah la yihiin.

    Ilaahay ha idinka abaal mariyo.

  2. cxx says:

    aad baanu ugu faraxsanahay in shareecada islaamka la horkeeno cid alaale iyo cidii danbi gasha, sida ku waan ay maanta maxdamada shareecada islaamka ay xukunka ku fulisey, waana taageersanahay waan soo dhaweyneynaa




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xukun Tacsiir ah oo lagu fuliyay Ragii horey u afduubey Gudoomihii Waxbarashada ee G/Hiiraan
  2. Xukun 100 Karbaash oo Maanta lagu Fuliyay nin Kufsi Gaystay
  3. Xukun Tacsiir ah oo laga fuliyey Degmada Balcad ee G.Sh/Dhexe
  4. Xukun Tacsiir ah oo Galabta ka dhacey Degmada Marka
  5. Xukun Tacsiir ah oo ka dhacay Magaalada Marka

Latest Headlines