tuug Baroole
By Somalimirror on 12 Apr, 2009 10:36 AM in Suugaan
Cabdi Ibrahim Magan(Cirjiir)
Gabaygaan la magac baxay TUUG BAROOLE waxaan tiriyay markii aan ka war helay in ay niman Soomaali sheeganaya Kenya heshiis kula galeen in Kenya loo ogolaado in ay qaadato qaybo ka mid ah badda Soomaaliyeed. Nimankaas waxay wax ku saxiixeen magac dawladda ku meelgaarka ah. Arintaa waxaan maqlay 10/04/2009 goor galab ah, habeenkii ayaan ka seexan waayay xannuunka ay arintaas igu beertay, waxayna noqotay adduunka intaan ku noolaa war ay dhagahaygu maqlaan kii iigu tiiraanyo badnaa. Markaas ayuu gabaygani igu soo dhacay.
Cabdi Ibrahim Magan( Cirjiir)
Barfasooradaan aaminee buugagga u dhiibnay
Baldadaha raggii wada sitiyo suudhadhkiyo baylka
Baalxooftadii hore raggii loo birdhigi waayay
Bakhti iyo nijaastay faleen beerku ii gubaye
Barbarreeyayeey xalay miyaan jiifka bogan waayay
Biixida miyaan ooga jabay cadow i boobaaya
Bahalkii Wajeer cunay miyaa baylah iga qaatay
Baran maysid soomaaliyeey tuug baroolaha e
Sidii ruux barii’uu dushaa uga bidhaamaaye
Bashar iyo qof saaxiib ah baad bilicda mooddaaye
Mar waa sheekh billaahida maroo diinta kaa badine
Marna waa basaas horor ah oon baab xidhaa jirine
Boqor iyo suldaan buu noqdaa beelo daaja ahe
Baryo wuxuu iskaga kaa dhigaa naasax beernugule
Waa baxar sitiin aan lahayn baasaboor mida e
Kolba boqol ilood buu middood kuula soo bixiye
Sidi ruux baldo u dhoofayuu boorsa wayn yahaye
Danta inuu badbaada u yahuu ba’uhu sheegtaaye
Bidix iyo markuu midig dayee kaa bogsado shiishka
Billaawaha wuxuu kaa marshaa meesha baydda ahe
Kuwii shalay dadwaynuhu baxshee shacabka boobaayay
Hunguraa baleeyiyo waxay bililiqaystaane
Bal ogoow dalkoodiyo inayn hoyga badar dhaafsan
ummad yahay baddii aad lahayd boojisyaa helaye
Inta aysan baaqiga hadhiyo dhulalka beecgaynin
Ma baraarugtaan ciiddu waa birimadeenniiye
FURAHA EREYADA
barbarrayn:dhinacyayn,isrogrogid
biixida:bawdada, laxaadka
bahal:waraabe,dugaag
wajeer:dagmada wajeer
barii’:dambi la’aan ah, aan waxba gaysan
naasax:daacad ah
baldo:waddamo, magaalooyin
baydda:dhuunta,halista
boojis:qawlaysato,budhcad
Birimo:waxa ugu mudan,muhiimsan
baadil:dambi
baldad:suudh
Daabaco
aniga waxaan ahay dilaa weyn hadaba Qolada webkan leh somalimirror waa inaad iga xishootaan oo aad wargeyga maqashaan kkkkkkkkkkkkkkkk yaan madaxa lagaa toogan warka maqal
Magac (Waa shardi) | Apr 21, 2009 | Reply
waxaan salaami dad la webk somlimirror
waxaan ka codsanayaa in ay la xiriiraan shucarada tiriya gabayga oo ay ka soo qoraan gabayo sida gabay uu tiriyay cabdi ibaraahim cirjiir abwaankaan wayn ee soomaliyee oo uu ka hadlo dhibaatooyinka ka socdo wadanka somaliya iyo qalqalaasaha iyo waliba dowlad la,aan ta ka jirta wadan somaliya .waan salami abwaankaan ilahay khayr hasiiyee waxaana leeyahay abwaanka yuunan ka xishoon kana baqin dhacdooyinka foolxumadaa ee dadkeena dalkeena diinteena iyo waliba cirdigeena lagu hayo iyo waliba cadowga wadankeena ku soo qulqulaya waxaana leeyahay abwaanka ilaah khayr hasiiyee ha baraarujiyo shacabka somliyeed hana ku baraarujiyo dhibaatada lagu hayo .
wasalaama calaykum waraxmatualaah wabarakaatuh
ahmed turaabi | Apr 26, 2009 | Reply
waa idin salaamay dadka soomaliyed qaas ahaan dadka soosaaray wabseydkan somlimirror waa salaaman tihin walahi aniga waxan ku loo lahay dalka holan waan ku dhibtooday walahi ilaah waxan kabar ya yaa i nuu noo hagaago dalkeyna hooyo insha alaah ee hala taageyro duwlada kumelgarka ah wallallayal ilaah kacab sada ee fiiriya maatada mee sha kubaa ba eyso waa wallalhiina soomaliyed ee wax laqaadata iskadaaya dagaalka iyo rabshada iyo mucaarad nimada huri ayaa loo yiri sad aadan lahan macalfaneysid ee u daaya shiiqa waasadkiisi ilaah dartiis ugu daaya in shalaaah mar walaba kuducesta inuu hagaago dalka hooyo aamin ok by
`mahamad cabdi | May 7, 2009 | Reply