Obama oo Lagu eedeeyay inuu u Sujuudey Boqorka Sacuudiga

Published on April 12, 2009 by   ·   11 Comments   ·   print

 Qaabkii uu u salaamay Madexweynaha Mareykan Barack Hussein Obama Boqorka Sacuudiga Cabdala Bin C/casiis  shirkii wadamada G20 ee ka dhacay Magaalada London asbuucii tegay  ayaa waxuu ka dhaliyey Wadanka Mareykanka Buuq iyo shaki badan iyadoo ay taasi soo nooleysay dareenka dadka Cadaanka ku fog cunsuriyada iyo kirishtaanku ay ka qabeen awalba Obama iyagoo eegaya isirka muslimka ee ku jira waalidkiis.

 

Jariidada WashigntonPost, TV Fox New, ChickagoSunTimes iyo guud ahaan warbaahinta wadanka maraykanka ayaa waxay arintaan u akhriyeen inay muujinayso dareen weyn oo shaki leh.

 

Waxay jaraaidka qaarkood tilmaameen in xitaa Boqorada England Elizabet uusan Obama isu godin. Waxay sheegeen jaraaidku arintaasi inay xad-gudub ku tahay dhaqan porotocal ah oo soo taxnaa 200 sano kaasoo sheegaya inaan Madexweyne Maraykan isku godin Boqor ama Madaxweyne kale taasoo bay yiraahdeen meel uga dhacaysa qabka iyo kibirka Maraykanka.

 

Jaraaidka Qaar ayaa sida website-ka afka dheer Politico.com ee lagu xanto inuu taageero Obama waxay ku tilmaameen ficilka Obama inuu muujinayo kalgacal qalbi iyo ixtiraam weyn oo uu si gaar ugu hayo Boqorka dhulka barakeysan.

Afhayeenka Aqalka Cad Robort Gibis ayaa ku dooday inaan Obama u sujuudin Boqor Abdallah ee gacan qaaday maadaama uu madexweyne Obama aad uga dheer yahay Boqorka waa dhici kartaa in gacanta uu hoos ula tiigsadey” Tafsiirkaase kuma aaysan qancin dadk aad ka uga caroodey dhacdadaan oo waxay ku doodeen in boqoro iyo madax badan oo ka gaagaaban Boqor Cabdallah u salaamay Obama uusana isku godin salaantooda.

 

Shabakada CBS ayaa iyaduna codkeeda ku biirisey oo waxay ku marag furtay in Obama salaantiisu aay ka dhignayd isu-godid ula kac ah taasoo ah ficil uusan ku kicin Madaxweyne Maraykan abid.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xaabsade oo lagu eedeeyay Xoogaga Al-shabaab Baydhabo inuu ku wareejiyay
  2. Aadan Madoobe oo lagu eedeeyay inuu kaligii dhistay Gudi Hoosaadyada Baarlamaanka KMG ah
  3. Shiinaha oo Lacag ugu deeqay Shirka la filayo inuu ka furmo Sacuudiga
  4. Maamulka Cusub ee Obama oo sheegay in ay Itoobiya si gaar ah ugala shaqeynayaan Somalia
  5. Obama oo loogu baaqey in uu wax ka badelo Siyaasada Mareykanka ee Soomaaliya

Readers Comments (11)

  1. Abdul-rahmaan yare says:

    waligaba foorarso ama taagnow gaalo duli alle waa baday

  2. hargeisa man says:

    adoonimadii madowgaa ku soo baxaysa, miskiinka waan u naxay, wuxuu rumeeyey odhaahihii carabta iyo cadaanka ee ninka madow.

  3. Hanad says:

    AS WRWB

    WAXAY KA XANAAQSANYIHIIN, SEE NIN MUSLIM AH MADAXA UGU RAARICISAY, WAAYO WAAYADAN DANBE, IYAGAA LOO RAARICIN JIRAY, OO MADAXDA MUSLIMKAA U SUJUUDI JIRAY, TAAS AYAAN KA DAGALAMANAYAAN, WAX KALE MEESHA KUMA JIRO.

    BALSE WAXAN ILAAHAY AYAA WATA WAA AY GARAN LA YIHIIN, IN UU WAKHTIGOODII DHAMAADAY.

  4. cabdulaahi mowliid says:

    ascwrw waad salaamantihiin dhamaan umada somaliyeed meeelwalba aad jogatn ka dib anig a waxaan dhihi lahaa waxey calaamad u tahy wax ay ugu yeeriin dimuquraadiayad ineysan jirin wayo waxaa algu horwsadaa umadaha silaamka ah kibirka waxaabaa ka dambeen doona hadii rabi idmop ilaah ma jela kibirka

  5. Jamac.faray says:

    Gaal.waa.gaal.caqli.malaha

  6. cabdiraxmaan cali says:

    madaxweyne obama maadaama uu yahay nin qoyskiisa qaarkii ay yihiin dad muslim ah tani waxay muujinaysaa oo klaiya sida uu u qadarinayo dadka islamka waxa uuna goor horeba sii sheegay in uu doonayo in uu xiriir wanaagsan la yeesho dunida muslimka uuna ula dhaqmo si ka gedisan maamulkii ka horeeyey ee madaxwayne bush oo ku salaysnaa islam nacayb .

  7. qunyarsocod@hotmail.com says:

    kkkkkkk ileen gaal mabda malahan markii uu arkey boqor muslim ah oo carbeed ayuu isku dhexyaacey awelba waxuu ahaa wax lasoo dhoodhoobey maxaad umaley neysaa haduu salaami lahaa muqtaar roobew abu maansuur ama xoogaga alshabaab latusilahaa isagoo taagan ayey noloshu kabixilaheeyd markaa gaalo dadmaahee inagiibaa waajib keenii gabney markaa walaalaha muslimiinta ah waxaan uugu bishaareyn lahaa hawelwelina waxey kibirtaba halkaasey iskawada mareysaaye waa ayeemaa waadhamaan doonaa gaalo iyo kibirkeedu iyo inta lasocota aawaye c/laahi yuusuf iyo meles sanaawi maalin cadbey muqdisho kadhaqaaqeen

  8. cabdi risaq jaamac maxuud says:

    waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inay soo baxday ceebtii ninka doonaaya inay soo badbaadiyaan dhaqaalaha iyo danaha maraykanka ee rukuudku ku dhacay ioyop ninkiii doonaayay inuu bogsiiyo maalaha maraykanaka aduunka
    waa wax lagu farxo
    laakiin muslimka xitaa waa wax aanay ogolayn in cid aan alle ahayn loo sujuudo
    markaa carabkani waa inuu diido ayay ahayd
    bye

  9. mohmed abdi ahmed buux says:

    asc wr wbr waxaa mahad ideelkeed iska leh allaah subxaanahu watacaalaa waxaana la joogaa xiligii uu nabigeena nabad galyo iyo naxariis kor kiisa ha ahaatee uu yiri waxa iman doona xili muslimiinta aduunka ka taliyaan waxaan u sheegayaa muslimiinta dhamantood inay bishaaraystaan waxaana uga digayaa gaalada iyo kuwa daba dhilifka u ahoow qof muslim waad dili kartaan laakiin diintan ma baabi,n kartaan oo tusaale waxaa idiinku filan afgantistan oo gaalo oo dhan ay awoodeedi isugu gaysay hadana u tabar la,alxamdulilaah aloow islaamka cizee kuna cizee diintaada sharafta badan iyo sunada nabigaaga suuban allaahu akbar asc wr wbr

  10. abuu yaxyaa al muqdishii says:

    gaal waligiisba waa gaal ilaahna ma jecla marka haduu bush yahay ama obama waa is ku mid. kuligood weeynu naceenaa sidaas ha loola socdo yeesan ku qaadin obama waa madoow oo waa ka duwanyahay. lakiin kuligood waa gaalo halkaas uga har oo intaad akhriso naclad korka ka saar gaalda. waad mahadsanthiin

  11. mujaahid says:

    kkkkkkkkkkk oo hadda OBAMA isgodida uu isu goday boqorka sucuudiga ayaa warkaa oo dhami ka dhashay walee gaalo islaamka waa necebtahay laakiin dad badan oo muslim ahi gaalada waa jecelyihiin balse haday wax garanayaan tan oo kale haku quus qaateen




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xaabsade oo lagu eedeeyay Xoogaga Al-shabaab Baydhabo inuu ku wareejiyay
  2. Aadan Madoobe oo lagu eedeeyay inuu kaligii dhistay Gudi Hoosaadyada Baarlamaanka KMG ah
  3. Shiinaha oo Lacag ugu deeqay Shirka la filayo inuu ka furmo Sacuudiga
  4. Maamulka Cusub ee Obama oo sheegay in ay Itoobiya si gaar ah ugala shaqeynayaan Somalia
  5. Obama oo loogu baaqey in uu wax ka badelo Siyaasada Mareykanka ee Soomaaliya

Latest Headlines