Howlihii Dekeda Weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa dib u furmay ka dib markii uu ka furtay Marsada Dekadda Markabkii Ugu xirnaa Ciidamada AMISOM ee u siday Saanadda Milatari.
07:30 aroornimo ayaa loo ogolaaday Shaqaalaha Dekada in ay galaan Dekadda isla markaana ay ka shaqa bilaabaan iyada Ciidamada AMISOM-na ay fureen Dhamaan wadooyinkii u xirnaa.
Dekadda ayaa la sheegayaa in ay hadda ku soo xirteen 2 Markab iyo 2 Doonyood oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed.
3 qof ayaa ku dhaawacantay oo mid ka mid ahi lagu sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada AMISOM Duqeyn Hoobiye oo shalay lala beegsaday Dekadda markii uu ku soo xirtay Markabka saanada Milatari u waday AMISOM.
Sidoo kale 3 qof ayaa ku geeriyootay 20 kalana waa ay ku Dhaawacmeen Duqeyn ay ciidamada AMISOM u geysteen Qeybo ka mid ah Degmooyinka Muqdisho

Related posts:
war Ilaahey ka cabsada ee xabbadda joojiya