Sheekh Cismaan Maxamed Shire oo Maanta laga soo Dayay Xabsi uu ku jiray 23 Maalmood

Published on April 9, 2009 by   ·   3 Comments   ·   print

Sheekh Cismaan Maxamed Shire ayaa maanta laga soo daayay Xabsiga ku yaala Dekada magaalada Boosaaso oo uu ku xidhnaa mudo 23 bari ah waxayna sii dayntiisu ku timid dadaaal dheer oo ay sameeyeen Culimaa’udiinka Magaalada Boosaaso.

Sheekh Cismaan Maxamed Shire ayaa maalintii shalay ahayd la hor keenay Maxkamada Darajada Koowaad ee magaalada Boosaaso waxayna Maxkamadu ku dhawaaqday in Sheekha waxa lagu soo eedeeyay ay yihin oo kaliya eedaymo sidaa darteedna uu Sheekhu noqonayo Dami la’aan.

Sheekha Cismaan ayaa Somalimirror maanta u sheegay in maalinta Isniinta ah ee soo socota uu dib ugu laaban doono Maxkamada taas oo ah racfaan uu sii daynta Sheekh Cismaan ka qaatay Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamada.

Sheekh Cismaan waxaa maanta wajigiisa ka muuqday farxad iyo niyad samaan, waxaana salaam iyo waraysi ugu imanayay dad badan oo ay is yaqaanaan.

Dhinaca kale Sheekh Cismaan nin ay qaraabo ahaayeen lalana qabtay Sheekh Cismaan oo lagu magacaabo Xasan Daacad ayaa horay loo siidaayay, waxayna taasi ku timid dadaal ay sameeyeen culimada kuwaas oo cadaadis saaray Maamulka sidii loo soo deyn lahaaXasan Daacad.

Sheekh Cismaan Maxamed Shire intii uu Xasbsiga ku jiray waxaa ku booqday ilaa dhowr jeer Culimaa’idiin kala duwan kuwaas oo booqadashadoodu ay salka ku heysay ka warqabka Sheekha iyo Xaaladiisaba, waxaana booqaashooyinkaa ugu dambeeyay midkii shalay galab iyo mid saaka ahaa.

Maamulka Puntland ayaa xidhnaanshaha Sheekh Cismaan u xil Saaray Gudi ay Wasiiro ku jiraan oo ka kooban 10 Xubnood, waxyana Gudigaaas mudooyinkii la soo dhaafay ku howlanaayeen soo xaqiijinta dambiga lagu heyso Sheekha kaas oo u muuqda in uu ku soo gaba gaboobay in Sheekh Cismaan waxa lagu xidhay ay tahay oo kaliya tuhun.

Ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Kooxda P.I.S-ta ee loo yaqaano Ashahaado la dirirka oo la xidhiidha waxa ay Sheekh Cismaan ku xidheen iyo waxa ka dambeeya falkii garada ahaa ee ay kula kaceenba.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Sheekh Cismaan Maxamed Shire oo Maanta la hor keenay Maxkamada M. Boosaaso dibna loogu celiyay Xabsigii uu ku jiray
  2. Wafdi Culimo ah oo Sheekh Cismaan Maxamed Shire Saaka ku booqday saldhiga Dekada M. Boosaaso
  3. Sheekh Cismaan Shire oo xalay loo wareejiyay Xabsiga Dekada M. Boosaaso
  4. Sheekh Cismaan Shire oo ay Ciidamada Ashahaado la dirirka (PIS)M. Boosaaso ka qafaasheen
  5. Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ka hadlay Falkii lagula kacay Sheekh Cismaan Shire mas’uuliyada wixii dhacayna dusha ka saaray P. I.S-ta

Readers Comments (3)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sheekh Cismaan Maxamed Shire oo Maanta la hor keenay Maxkamada M. Boosaaso dibna loogu celiyay Xabsigii uu ku jiray
  2. Wafdi Culimo ah oo Sheekh Cismaan Maxamed Shire Saaka ku booqday saldhiga Dekada M. Boosaaso
  3. Sheekh Cismaan Shire oo xalay loo wareejiyay Xabsiga Dekada M. Boosaaso
  4. Sheekh Cismaan Shire oo ay Ciidamada Ashahaado la dirirka (PIS)M. Boosaaso ka qafaasheen
  5. Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ka hadlay Falkii lagula kacay Sheekh Cismaan Shire mas’uuliyada wixii dhacayna dusha ka saaray P. I.S-ta

Latest Headlines