Shaqaaqo khasaaro gaysatay oo Galabta ka Dhacday Diinsoor

Published on April 9, 2009 by   ·   4 Comments   ·   print

Gabal dhicii maanta ayaa ciidamo katirsan Maamulka Al-shabaab waxaa ay rasaas ku fureen Suuq ku yaala gudaha degmada Diinsoor ee gobalka Bay gaar ahaan qaybta qaadka lagu iibiyo. 

Rasaasta ay fureen ciidamadu ayaa la sheegay in khasaaro ka soo gaaray dadkii goobta ku sugnaa oo xilligaas ku mashquulsanaa kala iibsiga Qaadka waxaana goobta ku kala yaacay dhamaan dadkii ku sugnaa goobta iyo kuwii ka agdhawaaba. 

Ilaa iyo hadda waxaa Inta la’ogyahay rasaastaasi ku geeriyoodey hal qof oo dadkii suuqa kusugnaa ka mid ah iyo mid kale oo isna lasheegey in rasaastaasi dhawac culus kasoo gaartey. 

Arintani ayaa waxaa ay ka danbeysey kadib markii maalamihii ugu danbeyey maamulka Al-shabaab ee degmadaasi ku sugan ay shaaciyeen in aan gudaha Suuqa qaad lagu iibin Karin balse dadka qaadka iibiya ayaa lasheegey in ay ka dhega adaygeen go’aankaas.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Dad ku geeriyooday Shaqaaqo ka dhacday Gubadleey
  2. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Deg. Diinsoor gudaha u galey
  3. Gaari ku rogmaday Baydhabo oo khasaaro Dhaawac ah ka dhashay.
  4. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo ka soo baxay Baardheere & Diinsoor
  5. Kooxo Burcad ah oo lagu xiray Diinsoor.

Readers Comments (4)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dad ku geeriyooday Shaqaaqo ka dhacday Gubadleey
  2. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Deg. Diinsoor gudaha u galey
  3. Gaari ku rogmaday Baydhabo oo khasaaro Dhaawac ah ka dhashay.
  4. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo ka soo baxay Baardheere & Diinsoor
  5. Kooxo Burcad ah oo lagu xiray Diinsoor.

Latest Headlines