Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 09/04/2009 si rasmi ah uga furmay magaalada oslo ee xarunta wadanka norway Mu’tamarkii islaamiga ahaa ee wadanka Norway oo uu soo qaban qaabiyay TAWFIIQ ISLAMIC CENTER xilliga fasaxa ee THE EASTER-ka ama Påske. Sanadkan cinwaanka shirka ayaa waxa uu xambaarsan yahay xaaladda ka taagan wadanka Soomaaliya & guud ahaan wadamada islaamiga ah cinwaanka Mu’tamarka waxaa loogu magacdaray ””DIINTA OOGA OO HA KU KALA TAGINA ”” waxaana saaka uu si rasmi ah uga furmay Hoolka wayn ee lagu magacaabo VULKAN FLEREBURS KLUB oo ku yaala bartamaha Magaalada Oslo,
Mu’tamarka ayaa waxa lagu fur furay Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah ka dibna waxaa hadalo kooban ka soo jeediyay gudiga shirka ee sanadkaan 2009 BURAALE waxa uu soo dhawayn u sameeyay marti sharafta shirka oo ka kala yimid wadamada DENMARK & SWEDEN waxa uuna u mahad celiyay qaban qaabiyayaasha shirka sidoo kale waxa uu sheegay qaabka mu’tamarka uu u dhacayo.
Muxaaradii ugu horeysay ee Mu’tamarka waxaa soo jeediya Sheekh Mohamed Abdinuur ”” Casoowe” oo ka hadlay mowduuca uu Mu’tamarkaan ku magacaaban yahay ee “OOGA DIINTA OO HA KU KALA TAGINA” kaas oo u si wanaagsan u sharaxay isla markaana uu dhinacyo badan ka taabtay sidoo kale waxa uu ka digay khilaafka in uusan wanaagsanayn oo lagu xalaashanayo Badda & Barriga Soomaaliyeed
Waxaa ku xigay Mu’tamarka oo ah maalinkii koowaad ee uu furmo kaas oo uu soo qaban qaabiyay TAWFIIQ ISLAMIC CENTER oo xarunta dhaqanka Islaamka ee Soomaaliyeed Muxaadaradii labaad oo hadda uu soo jeediyayo Sheekh Mohamed Daahir Rooble waxaa cinwaankeeda lagu sheegay ””MACSIDA OO LA ISKA REEBO”” Waxaana mujtamaca Soomaaliyeed ee dhagaysanaya ka muuqanaysa farxad & rayn rayn ay u qabaan hanuunka & muxaadarooyinka.
Ugu dambayntii Mu’tamarka waxa uu soconayaa 4-ta maalmood ee soo socda oo ah inta fasaxa lagu jiro waxaana rajanynaynaa inaan soo gudbino maalmaha soo socda & sida ay dhacayaana muxaadarooyinka & nadwooyinka ka dhacay Mu’tamarka 7aad ee uu soo qaban qaabiyay TAWFIIQ ISLAMIC CENTER oo ah xarunta dhaqanka Islaamka Soomaaliyeed ee Magaalada Oslo, NORWAY

Related posts:
????