Wadamada ku bahoobay la dagaalanka Budhcad badeeda ka jirta xeebaha Soomaaliya ayaa ka codsaday Maraakiibta goosheysa Gacanta Cadmeediyo Bad weynta Hindiya in ay soo wargaliyaan marka ay ka soo ag dhawaadaan Biyaha Soomaaliya si aysan Budhcadu u qafaalan.
Warkan ayaa ka soo baxay Taliska sare ee Ciidamada Maraykanka ee fadhigiisu yahay Magacaalada Manama ee Caasimada Bahrain , wuxuuna ku shegay Bayaan uu soo saaray in ay sare u kaceen baryahan falalka ay budhcad badeedu sameynayso.
Bayaanka ayaa lagu yidhi ” dhowr weerar ayaa mar sii horeysay ka dhacay meel boqol mayl u jirta Xeebaha Soomaaliya , waxaana Budhcadda u suuura gashay in ay qabsadaan Shan Markab oo kala ah Faransiis, Ingiriis Taiwan Garmal iyo Yemen”.
Qafaalashada shanta Markab ayaa la shegay in ay dhaceen Maalinimadii Sabtida ahayd ee aan soo dhaafnay kana dhaceen Gacan biyoodka Cadan iyo Bad weynta Hindiya.
Wadamada Isku xulufaystay la Dagaalanka Budhcad badeeda ee Gobolka sida weyn ugu baahsan ayaa ah kuwo ayaa ah kuwo waxba ka qaban wayay weerarada joogtada ah ee lagu hayo Maraakiibta goosheysa Badda Cas iyo Tan Hindiya.
Bayaanka ka soo baxay Sarkaalka Maraykanka ah ayaa sidoo kale lagu yidhi “Wadamada khibrada u leh la dagaalanka Budhcad badeeda ma ahan mid ku sugan gobolka … suura galna ma ahan in masaafadaas yar in ay sabab u noqoto in ay istaagaan safaradu”
Budhcad badeeda ka jirta Xeebaha Soomaaliya ka jira ayaa qafaashay ku dhawaad 130 Markab sanadkii tagay ee 2008 taas oo 200% ka badan weeraradii sanadkii 2007 waxayna tirakoobtaasi tahay mid ka soo baxay Xafiiska Caalamiga ah ee safarada badda.
Warkan ayaa ku soo beegmaya xili uu maanta Maamul Goboleedka Puntland sheegay in Wadamada ku bahoobay la dagaalanka Budhcad badeeda ay ku fashilmeen wax ka qabashada Budhcad badeeda.

Related posts: