Waar ka baxa!!
By SomaliMirror on 7 Apr, 2009 8:22 PM in Madadaalo
Xasan Maxamad Ibraahim
xasanyare@msn.com
Imaamkii dadka tukinayay ayaa ogaaday inuu weyso la’aan salaadda galay markaasuu intuu salaaddii ka baxay gacanta qabtay oo mixraabka galiyay mid ka mid ah dadkii gadaashiisa ku tukanayay.
haddii uu imaamkii baxay oo weyso doontay imaamkii cusbaa ee mixraabka la galiyay talaa ku caddaatay si uu yeelana wuu garan waayay haddii uu cabbaar aamusnaana intuu dadkii ka soo horjeestay ayauu kor ugu dhawaaqay waar kabaxa, dadkii ku daba tukanayayna waxay u qaybsameen qayb qosol la daadata iyo qayb argagaxda oo isla markiiba bannaanka u booday oo mooday in masjidka dhib ka dhex jiro.
Sheekadani waa dhacdo dhab ah oo ka dhacday masjid ku yaalla magaalo ka mid ah magaalooyinka soomaaliya dadkii goobjoogga ahaana way noolyihiin oo wakhti badanba kama soo wareegin, waxayna ina tusinaysaa arrimo badan oo loo baahanyahay in lagu baraarugsanaado waxaana ka mid ah arrimahaas:
1. Imaamka waxaa habboon inay ku soo xigsadaan dadka cilmiga leh sida axaadiista ku sugan si mashaqadan oo kale looga badbaado.
2. Haddii imaamka waysadu ka burto ama uu xusuuto inuu weyso la’aan ahaa waa inuu salaadda ka boxo ka dibna dadka u dhow mid soo qabtaa oo u tilaamaa inuu dadka tukiyo, imaamka cusub ee imaamkii hore baddalayana salaaddu halkii ay maraeysay ayaau ka sii wadaayaa ee dib uma soo billaaabayo kamana baxayo.
3. Waxaa habboon in dadka ummadda horgalaya ama hoggaanka isu dhigaya nooca uu doonaba ha ahaadee ay dad u cilmi leh yihiin haddii kale dadka oodan bay ku furayaan markii ay meel ay u dhaqaajiyaan waayaanna dadka ayay ka soo horjeedsanayaan goor ay xeedho iyo fandhaal kale dheceen.
4. Qofka cilmi la’aan howl gala inta badan sida adag ayuu moodaa inay sahlantahay tusaale ahaan imaaka hadda dadka ku yidhi salaadda ka ka baxa waxaa lasahlanaatay oola saxnaatay inuu kow ka soo billaabo wuxuuna ka tagay tii sahlaneyd ee ahayed inuu salaadda halkii ay mreysay ka siiwdo oo uu sii dhammaystiro.
5. Qofkii howl aanu aqoon u laheyn gala inuu hagaajiyo iska daaye inta badan wuu uga daraa oo sii kharribaa.
6. Waxaa habboon howl walba ina aqoonteeda la yeesho ama loo diyaar garoobo inta aan lagu dhaqaaqin mana haboona in la iska sugo inta ay ku qabsanayso ama la yidhaahdo waan ku dhex barbaranayaa, horaana loo yidhi qaylo warmo kama tunmaan bukhaarina wuxuu sheegay in cilmigu ka horreeyo qawlka iyo ficilkaba.
7. Waxaa habboon inaad howshii ka horreysay ka faa’iidesato oo aad wax ku dul dhisto intii aad dumin lahayd oo aad ebar ka soo billaabi lahayd waxaana kuu baaqanaya xoog , xoolo, wakhti badan oo horay loo soo bixiyay , haddii dumintu kula sahlanaatona waxay u badantahay inaadan sooba gaadhsiin karin halkii aad ka dumisay, arrintaasna waxaa maanta daliil ugu filan madhammaatoda soomaaliya ka taagan.
Daabaco

sheekadan xagee ayay ka dhacday midan mid lamid ah oo aan hayo masoo gudbin karaa
garyaqaan | May 10, 2009 | Reply
As/c Waxan ad ugu riyaqay gabaygan cusub wuna ku mahad san yahay lakin walal key buurmadow waxan ka codsanay gabayga iska dheh maha e wado u ku socdo ayu leyahay e walal key waxa ka khaldan ha iska saxo dad ka gonida target ka uga dhiganayana ha iska dayo somali way is taqanaye
Abwan abshir bacadle | Jun 4, 2009 | Reply
IMAAM KU HADUU WAYSO ILOOBAY MUXUU SALAADA UGA BIXI DAKAN U DHIHI WAAYEY SUBXAANA LAAH MARKAAS AYEY AYAGUNA FAARUQI LAHAAYEN
C/FITAAX CUMAR XALANE | Aug 25, 2009 | Reply
waan u riyaaqay sheekadaan
Adoon Alle | Nov 4, 2009 | Reply
Macno weyn ayaa ku jiro shekadan, fasiradna uma bahno oo wallaalkenba ino iftimiyay,
Inta Badan Waqtigan tagan Imaamka Kama Baxo salada Haduu Xita So Xasuusto Inusan weyso Qabin!!! lolz
Mmuse | Dec 13, 2009 | Reply
sheekadan waa sheeko aan u bogey
waana icajebisay
C/rashiid Cali Yusuf Matax | Jan 1, 2010 | Reply
wooooooooooooow waa sheeko xiiso baddan waan jeclaytay aaaaad
mubaarik | Feb 4, 2010 | Reply
asc. w wb.salaan ka dib waa sheeko maqquula waxaana laga la soo bixikara in shacabka somaliyeed ee marba qofkii ay arkaan ee masuuliyad uusan qaadi karin sheegtaba dutbaan ka utumaaya inay iska hubiyaan horta qofku masuuliyad maqaadi karaa.
marka waxaan dhihi lahaa dadka somaliyeed ilaahayna hatalo saarteen hana iska daayeen tacasubka qabiilka ee aan meel lagu gaarayn.
WABILAAHI TAWFIIQ.
madhamaato-boy | Mar 3, 2010 | Reply
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waa layaa iyoamakaag waa sheeku icajaaib galisay
anwar | Mar 16, 2010 | Reply
Garyaqaqaanoow waa rabi lahyn madadalo mar marka qaar ee soo gudbi marka horana idin waydiiso bahda webka
Guriceelboy | Apr 22, 2010 | Reply
salaan qiimo badan dhamaan
cabdicasiis | May 13, 2010 | Reply
waar ka baxa aa ka dhacday kkkkk taasi caadi waayo iskane imaamka kadaba bixin wax waliba marka aan laaqoon waa dhib badanyihiin
hanad-cade | Aug 29, 2010 | Reply