Saraakiil Itoobiyaan ah oo Xaley Soo gaarey Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud ayaa halkaa kulamo qarsoodi ah kula qaatey qaar ka mid ah Madaxda Kooxaha is biirsadey ee isku magacaabey Ahlu-sunah ee Suufiyada.
Si rasmi ah looma oga waxa ay labada dhinac ee kulamadu dhex mareen ka wada hadleen, basle sida wararka lagu helayo waxa ay qeyb ka yihiin howlaha faragelineed ee halkaa Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ka wadaan.
Saraakiishan Itoobiyanka ah ayaa sida Wararka lagu helayo waxa ay ka soo gudbeen Dhanka Degmada Balan-balse ee isla Gobolka Gal-gaduud, waxa ayna wateen labo gaari oo ah kuwa Xamuulka ee Waaraadka Soomaalidu u taqaano.
Wax direys ah ma aysan wadanin Ciidamadani, waxaase socdaalkooda ku wahelinayey Maleeshiyaad Soomaali ah iyo qaar ka mid Hogaamiyayaasha Xarakada Suufiyada ee Ahlu-suna isku magacowday.
Wararkani oo Somalimirror ay kaheshay dad ku dhaw dhaw Hogaamiyaasha Kooxda Iskumagacwday Ahlusunna kuna sugan Magaalada Guri-ceel ,kuwaasi oo diiday in lashaaciyo Magacyadooda sababo laxiriira Amaankooda, ayaa intaa kudaray iney kamid yihiin raga lashiraya Saraakiisha Itoobiya; Sh Bashiir Macalin Maxamud , Axmed Cabdi Raage oo looyaqaano {lugtaa geed} iyo Janaraan Af Qarsho oo Sanadihii ugu dambeeyay Hogaaminayay Dagaalo Beeleedyo dhiig badani kudaatay oo kadhacay Deegaanka Xeraale.
Ujeedka socdaalka Saraakiishan ayaa lagu sheegay si wararka lagu helayo la socodka dhaq dhaqaayada Ciidan ee Gobolka ka jira iyo sidii tageero Military ugu fidin lahaayeen kooxaha halkaas ku sugan ee gacan saarka la leh.
Waxaa jirey warar horey u soo baxey oo sheegay in kooxahani qorsheynayaan Guluf kale oo Colaadeed oo ay ku qaadaan Goobihii dhawaan Dagaaladu ka dhaceen ee isla Gobolka.
Lama sheegi karo in Saraakiisha Itoobiyaanka ah dib uga noqdeen Degmada Guri-ceel iyo in kale.
Dowlada Itoobiya ayaa u muuqata mid ka dhabeyneysa hadalkii horey uu saxaafada uga sheegay Males Zenawi ee ahaa inay hubeynayaan Maleeshiyaad ay ka hor geeyaan Xoogaga Islaamiyiinta ah ee labadii samo ee la soo dhaafey Dagaalo ba’an la galey Ciidamadeena soona gaarsiiyey Khasaarooyin xoogan.

Related posts: