Garoonka Diyaaradaha Baydhabo oo laga helay Qalfood Dad ay laayeen Ciidamadii Gumeysiga Itoobiya.

Published on April 7, 2009 by   ·   6 Comments   ·   print

Galinkii dambe ee maanta ayaa waxaa Garoonka Duulimaadka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay laga helay Meydka 1 ruux oo ay dileen Ciidamadii Itoobiyaan oo halkaasi fariisinkoodii ugu weyn ahaa markii ay ku sugnaayeen Baydhabo. (Daawo Sawirada)

Goobta Meydka laga helay ayaa waxaa galabta isugu yimid dhammaan Qaraabadiisa iyo Saraakiil ka tirsan Xoogaga Al-Shabaab oo howlgalo ay sameeyeen ku soo saareen meydkaasi. 

Durba waxaa aqoonsaday meydkaasi Eheladii uu ka tirsanaa oo Galabta halkaasi yimid, isla markaasina sheegay in muddo ah ay la`aayeen, balse ay ka warqabeen in ay Gacanta ugu jiro Ciidamada Itoobiyaanka oo halkaasi fariisin weyn ku lahaa. 

Macallin C/llaahi Geedow oo ah ku Xigeenka hogaanka Al-shabaab Gobolada Bay iyo Bakool oo Suxufiyiinta kula hadlay goobtaasi ayaa sheegay in arintan ay ka dambeeyeen Cadowgii Dalka qabsaday isla mar ahaantaana waxaa lagula xisaabtamayaa dadkii ka dambeeyay Imaanshahooda. 

“ Waa markii 4-aad goboo ay baneeyeen ciidamadii Cadow Muqdisho iyo Baydhaba laga helo dad ay si xaqdaro ah u laayeen” Ayuu yir Sheekh Macalin C/llaahi Geedow oo ah kuxigeenka waaliga Al-shabaab gobolada Bay iyo Bakool. 

Goobta Meydka laga helay ayaa waxa ay aheyd Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Baydhabo, waxaana amuurtaani ay ka dambeysay ka dib markii howlgalo in dhawaala ahba ay ka wadeen Xoogaga Islaamiyiinta Al-shabaab. 

ugu dambeyntii, arintani ayaa noqoneysa tii labaa oo gudaha magaalada Baydhabo laga helo Dad ay laayeen Ciidamada Itoobiya, waxay aheyd bartamihii Bishii March howlgalo kan la mid ah ay sameeyeen Al-Shabaab ay ku leheen in ka badan 13 qof Warshadda Xasey ee Duleedka Baydhabo, kuwaasi markii dambe ay duugeen Xoogaga Al-Shabaab.

Mid ka mid ah Dadkii ay Xasuuqeen Gumeysiga Itoobiya

Mid ka mid ah Dadkii ay Xasuuqeen Gumeysiga Itoobiya

Mid ka mid ah Dadkii ay Xasuuqeen Gumeysiga Itoobiya

Mid ka mid ah Dadkii ay Xasuuqeen Gumeysiga Itoobiya

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Maydad laga helay Warshadda Xaseey Baydhabo oo ay Daganaayeen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya
  2. Dhaq dhaqaaq Guuritaan oo laga Dareemayo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee ku sugan Baydhabo.
  3. Qaar ka mid ah Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo isaga baxay Baydhabo
  4. Nin turjumaan u ahaa Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Baydhabo lagu dilay
  5. Kolanyadii ugu horeysay ee Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Baydhabo ka gudbey.

Readers Comments (6)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maydad laga helay Warshadda Xaseey Baydhabo oo ay Daganaayeen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya
  2. Dhaq dhaqaaq Guuritaan oo laga Dareemayo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee ku sugan Baydhabo.
  3. Qaar ka mid ah Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo isaga baxay Baydhabo
  4. Nin turjumaan u ahaa Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Baydhabo lagu dilay
  5. Kolanyadii ugu horeysay ee Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Baydhabo ka gudbey.

Latest Headlines