Shil gaari oo ka dhacey Isgoyska Beexaani.

Published on March 31, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

3 qof ayaa dhimatey dhowr Qof oo kalena dhaawacyo kale duwan ayaa soo gaarey kuwaas oo dhamaantood ahaa Dad Rayid ah ka dib markii labo gaari is kula dhaceen Isgoyska Beexaani ee Magaalada Muqdisho.

 

Shilkan ka dhashey labadii Gaari ee isku dhacdey oo kala ahaa Hoomi iyo Isjiid ee geysteyna Dhimashada iyo Dhawaaca ayaa yimid ka dib markii Gaari yar oo Rakaab sida uu ka hor yimid mid kale oo Xamuul ah. 

 

Dadka dhintey waxaa ku jirey Darewalkii wadey Gaariga yar ee Rakaabka sidey, sidoo kale bur bur xoogan ayaa soo gaarey Gaarigii yaraa. Dhanka kale dad qaar waxaa ku dhacey Shook. 

 

Shilalka noocan oo kale ah ee soo noq noqda ayaa ka dhasha Khibrad yari dhanka wadida Gaadiidka ee Darewala iyo Nidaamkii kala hagi lahaa Gaadiidka oo meesha ka maqan. 

 

 

 

Waxaa sidoo kale loo aaneeya Shilalka noocan ah Wadooyinka Magaalada oo ah kuwo aad u bur bursan oo muddo hore ugu danbeysan wax dayactir ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Shil gaari oo ka dhacey deegaanka Cadalle ee G.Sh/Dhexe
  2. Shil Gaari oo ka dhacey G/Sh.Hoose
  3. Shil Gaari oo ka Dhacey G/Sh.Hoose
  4. 14 qof oo shil Gaari oo ka dhacey G.Sh/Hoose ku dhaawacantey
  5. Shil gaari oo ka dhacey Duleedka Deg. Guri-ceel

Readers Comments (1)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Shil gaari oo ka dhacey deegaanka Cadalle ee G.Sh/Dhexe
  2. Shil Gaari oo ka dhacey G/Sh.Hoose
  3. Shil Gaari oo ka Dhacey G/Sh.Hoose
  4. 14 qof oo shil Gaari oo ka dhacey G.Sh/Hoose ku dhaawacantey
  5. Shil gaari oo ka dhacey Duleedka Deg. Guri-ceel

Latest Headlines