AU-da & DKMG oo Heshiis Ciidamo tababarid kala Saxiixdey

Published on March 31, 2009 by   ·   3 Comments   ·   print

DKMG ah iyo Midowga Afrika ayaa ku heshiiyay in DKMG ah loo taba baro ciidamada xaga  Aminga taasoo ah talaabo lagaga saacidayo sidii amniga iyo xasiloonida  Dalka dib loogu soo celin lahaa.

 

Bayaan ka soo baxay u qeybsanaha Midowga Afrika Arimaha Soomaaliya Nicolas Bwakira  ayaa lagu sheegay in safarkii uu ku tagay Magaalada Muqdisho uu DKMG ah kala soo hadlay arimo badan  oo ay ku jirtay sidii loo dhiiri galin lahaa arimaha Nabad Soomaaliya.

 

Bayaanka ayaa lagu yidhi ” gaba gabadii booqada waxa ay Dowlada Federaalka ah ee KMG ah iyo u qeybsanaha Midowga Afrika isla gaareen heshiis ah in la maal galiyo ciidamada Xooga Soomaaliya dib u dhisna lagu sameeyo si loogu biiriyo ciidamada jirta taas oo qeyb ka ah heshiiskii Jabuuti”

 

Nicolas Bwakira ayaa cara baabay in Midowga  Afrika uu ku qanacsan yahay heshiiska uu la galay DKMG  kaas oo ah soo celinta nabad iyo xasiloonida si deg deg ah , wxuuna carabka ku adkeeyay Nicolas in loo bahan yahay in la taageero DKMG.

 

Sidoo kale waxaa Bayaankaas lagu xusay in DKMG ah  ay uga mahad celisay u qeybsanaha  isku howlidiisa joogtada ah ee ariamaha nabad, amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

 

Warkan ayaa ku soo beegmaya xili Dowlada Faransiiska ay ka dhawaajisay in DKMG ah ay diyaar ula tahay in ay u taba barto ciidamo ilaa 10 kun oo Askari gaaraya, wuxuuna dhinaca kale warkani ku soo aadayaa xili Midowga Afrika uu shaaciyay in ay ciidamo dheeraad ah u soo dirayaan Soomaaliya, waxaana sidoo kale jirtay in Isbuucii hore ay magaalada Muqdisho soo gaareen 8 boqol oo Askari oo ka socday Dalka Uganda kuwaas oo la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta ah ee Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Midowga Afrika oo Codsaday in Ciidamo la keeno Somalia
  2. Q.M oo ka fiirsaneysa Ciidamo u soo dirida Somalia
  3. Sh. Shariif oo Dalbaday Ciidamo Shisheeye, Ballanqaadayna inuu ilaalinayo Heshiisyadii DKMG ah gashay.
  4. DKMG ah oo Dalbaneysa Ciidamo Carbeed & Sh. Shariif oo lagu wado inuu Booqdo Masar
  5. Bwakira “Waxaan si Degdeg ah u soo diri Doonaa Ciidamo Ilaaliya Dawladda Soomaaliya”

Readers Comments (3)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Midowga Afrika oo Codsaday in Ciidamo la keeno Somalia
  2. Q.M oo ka fiirsaneysa Ciidamo u soo dirida Somalia
  3. Sh. Shariif oo Dalbaday Ciidamo Shisheeye, Ballanqaadayna inuu ilaalinayo Heshiisyadii DKMG ah gashay.
  4. DKMG ah oo Dalbaneysa Ciidamo Carbeed & Sh. Shariif oo lagu wado inuu Booqdo Masar
  5. Bwakira “Waxaan si Degdeg ah u soo diri Doonaa Ciidamo Ilaaliya Dawladda Soomaaliya”

Latest Headlines