Maamulka Puntland iyo Gacansatada M. Garoowe oo kulan yeeshay iskuna raacay in la caawiyo dadka ay Abaarahu saameeyeen

Published on March 31, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

Magaalada Garoowe waxaa Maanta Kulan ku yeeshay Maamulka Puntland iyo Gacansata Magaalada waxuuna kulankaasi ku saabsanaa sidii loo caawin lahaa dadka ku dhufteen Abaaraha ka jira Gobolka.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoon ka ahaa ku xigeenka Faroole  C/samed Cali Shire waxana kulanka ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Gacansata , iyo gaar ka mid ah qeybaha Bulshada.

Kulanka ayaa ku sabasanaa sidii loo caawin lahaa dadka ay abaaruhu ku dhufteen loona gaarsiin lahaa waxyaabaha ay u baahan yihiin oo ay ugu horeyso biyihii ay cabi lahaayeen ,dawooyin iyo cunaba.

Ganacsatada  kulanka ka qeyb gashay ayaa soo dhaweysay soo jeedinta maamulka uu soo jeediyay in gar gaar lala gaaro dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Deegaano hoos yimaada Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa ka jiro abaaro ba’an oo saameeyey dadka iyo xoolahaba keentayna in deegaano badan oo ay dad reer guuraa ahi deganaayeen ay ka hayaamaan kadib markii ceelashii ay biyaha ka cabeeyeen ay biyo yareeyeen.

Talaabada aqablaada ah ee ay sameeyeen Gacantada ku dhaqan magalada Garoowe ayaa ah mid aad u mihiim ah marka laga eego hada sida ay tahay xaalada dadka ay Abaaraha ay saameeyeen kuwaas oo aan inta badan helin gar gaar joogta ah.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Cadde Muuse , Isimada, Nabadoonada & Musharaxiinta oo maanta kulan ku yeeshay Garoowe
  2. Xubno ka socda Dawda Britian oo kulan la yeeshay Maamulka S/land.
  3. Ganacsatada G/Banaadir & DKMG ah oo kulan yeeshay.
  4. Gudi ka socda Hay’ada Culimada Soomaaliyeed & Cumar C/rashiid oo kulan yeeshay.
  5. Dadka ku dhaqan Xaafada Laanta Hawada ee M. Boosaaso Warqad ay ku codsanayaan in laga raro P.I.S-ta u gudbiyay Maamulka Puntland

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Cadde Muuse , Isimada, Nabadoonada & Musharaxiinta oo maanta kulan ku yeeshay Garoowe
  2. Xubno ka socda Dawda Britian oo kulan la yeeshay Maamulka S/land.
  3. Ganacsatada G/Banaadir & DKMG ah oo kulan yeeshay.
  4. Gudi ka socda Hay’ada Culimada Soomaaliyeed & Cumar C/rashiid oo kulan yeeshay.
  5. Dadka ku dhaqan Xaafada Laanta Hawada ee M. Boosaaso Warqad ay ku codsanayaan in laga raro P.I.S-ta u gudbiyay Maamulka Puntland

Latest Headlines