Madaxda Carabta oo ku Baaqey in la taageero DKMG ah

Published on March 31, 2009 by   ·   4 Comments   ·   print

Kulan madaxeedka 21-aad ee madaxda wadamada Jaamacada Carabta ee Shalay ka furmay xarunta Qadar ee Dooxa ayaa waxaa laga soo saaray Bayaankii Khitaamka kaas oo lagu xusay soomaaliya isla markaana lagu soo dhaweeyay Heshiiskii ay DKMG ah iyo Isbahaysiga Garabka Djibouti ku gaareen Dalka Djibouti 18/08/2008.

 

Bayaanka ayaa lagu yiri “Ururka Jaamacadda Carabka ee Heerkiisu yahay Heer Madaxweyne, ka dib markii uu arkay Qoraalka Xoghayaha Guud ee Q.M iyo warbixintiisii ahayd in si wada jir ah ay wadama carabta isaga kaashadaan Soomaaliya, iyo waliba Warbixinadiisii hore ee adkaynayay arintaasi, waxaan la go’aamiyay in la soo dhaweeyo Talaabooyinka Q.M ay qaaday ee Heshiiskii Dib u Heshiisiinta Djibouti ee la saxiixay 18/08/2008 uguna Muhiimsanaa Dhisida Xukuumad KMG ah iyo Baarlamaan Soomaaliyeed oo KMG ah iyo u Doorashadii Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya 31/01/2009”.

 

Dowladaha Xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ayaa loogu Baaqey in ay u fidiyaan Soomaaliya Nooc walba oo kaalmo ah oo isugu jira Mid Maaliyadeed, iyo Loojiistiko deg deg ah oo la siiyo Xukuumada Soomaaliya ee Cusub.

 

Dhanka kale u qaabilsanaha DKMG ah Arimaha Dibada Maxamed Cabdilaahi Oomaar ayaa u sheegay Idaacadda BBC-da laanteeda af-soomaaliga in Dowlada Yemen ay soo jeedisay in DKMG ah Bil waliba la siiyo Hal Milyan oo Dolarka Maraykanka ah taas oo uu ku tilmaamay Bilow wanaagsan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Jaamacada Carabta oo codsatay in Ciidamo isku dhaf ah la geeyo Soomaaliya
  2. Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay Doorashada Sh. Shariif
  3. Sh Nuur Baaruud oo ku baaqey DKMG ah in la taageero
  4. Jaamacada Carabta oo ka codsatay Eritrea in deg deg ay ugala baxdo ciidamadeeda xadka Djibouti
  5. Jamacada Carabta oo soo dhaweysay Imaanshiyaha Sh.Shariif Gudaha Soomaaliya.

Readers Comments (4)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Jaamacada Carabta oo codsatay in Ciidamo isku dhaf ah la geeyo Soomaaliya
  2. Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay Doorashada Sh. Shariif
  3. Sh Nuur Baaruud oo ku baaqey DKMG ah in la taageero
  4. Jaamacada Carabta oo ka codsatay Eritrea in deg deg ay ugala baxdo ciidamadeeda xadka Djibouti
  5. Jamacada Carabta oo soo dhaweysay Imaanshiyaha Sh.Shariif Gudaha Soomaaliya.

Latest Headlines