Ciidamada Gumeysiga Ingiriiska ayaa maanta Bilaabaya in ay ka Baxaan Magaalada Basra ee Wadanka Ciraaq ka dib markii ay 6 sano Haysteen, waxaana loo sii qaadayaa in ay ku biiraan Ciidamada Xooga ku haysta Dalka Afqanistaan, oo ay Dagaalo xoogan ku dhex marayaan Xoogaga Daalibaan iyo Al-Qacida oo isbiirsanaya iyo Gaashaanbuurta NATO oo ay ku midaysanyihiin Wadamo badan oo Reer Galbeed ah.
Ciidamadana waxaa Badalaya kuwa ka tirsan Gumeysiga Maraykanka oo uu hogaaminayo General lagu magacaabo Michael Oates.
Bixitaanka waxaa Bilaabaya 400 oo Askari, kuwaas oo Saldhigoodu ahaa Garoonka Basra, waxaana u badan Ciidamadan Madaxdii Hogaaminaysay Ciidamada Ingiriiska, waxaana ku jira Taliyiha ugu sareeya Ciidamada ugu danbeeya ee Ingiriiska ka jooga Ciraaq Ninka lagu Magacaabo Major General Andy Salmon.
Ingiriiska waxaa hadda ka jooga Dalka Ciraaq 4100 Askari, waxaana lagu wadaa in ay si tar- tiib tar-tiib ah ugala soo baxdo ilaa iyo dhamaadka Bisha July ee inagu soo fool leh, waxaana la sheegayaa in ay reebayso 400 oo Askari kuwaas oo Tababaro siinayo Xukuumada la shaqeysa Gumeysiga ee Ciraaq, sidoo kale waxay ilaalinayaan Goobaha Shidaalka ee uu Ingiriisku sida gaar ah ugu daneysto.
Ingiriisku waxa uu 2003 u dirtay Ciraaq 45 kun oo askari si ay u Kaalmeeyaan Ciidamada Gumeysiga Maraykanka ee xooga ku qabsaday Dalka Ciraaq.

Related posts: