Dowradii ka socotey Markaska Ibnu Baz oo halkeedii ka sii socota ayaa sidii caadada aheyd waxaa Maanta baxey labo dersi oo ay kala jeediyeen Sh C/laahi Cali Xaashi iyo Sh, Dr. Xasan Mahdi, waxaana galey dersigii koowaad Sh C/laahi Cali oo ka Hadley dersi ku saabsan Siiradii Nabiga CSW.(Daawo Sawirada )
Waxa uu Sheekhu Dersigiisa si faahfaahsan uga Hadley dhinacyadii kale duwanaa ee Siirada Nabiga ka iyo ka dib Xiligii Hijriyada, waxa uuna si gaar ah tarkiiska u saarey Hijriyadii iyo Duruustii kale duwan ee laga faa’iidey. Waxa uuna ku soo kooban qodobadan:-
Ø In Ilaahey si dhab ah loo talo saarto.
Ø Camalka oo laga run sheego.
Ø Ilaahey oo lagu kalsoonaado Xilliga dhibta & Barwaaqadaba.
Ø In la Yaqiiniyo Guushu inay u danbeyneyso Muslimiinta.
Ø Qofkii Ilaahey doono inuu Xafido inuu Ilaalinayo.
Ø Sabirka oo la kaashado Xilliyada Adag.
Ø Qofkii Ilaahey Dartii wax uga tago inuu badel ka khery badan ugu badelayo.
Sheekhu intaa ka dib waxa uu ka Hadley Xilligii Madiina, waxa uuna si gaar ah u tilmaamey Acmaashii kale duwanaa ee nabigu ka howl geliyay, sida Walaaleynta Muhaajiriinta & ansaarta, Isku xirka Qabaa’ilka, heshiisyadii uu la galey Qabaa’ilkii Yuhuuda ee Madiina degenaa, Xaalada Ragii Asxaabta Nabiga CSW ka mid ahaa ee loo yaqaaney ahlu Sufa. Waxa uuna ugu danbeytnii sheegay in aad loogu baahaney Taariikhda kale duwan lagu xiro oo lagu dabaqo mida hadda Soomaali iyo Dadka kale ee Muslimiinta ahba heysata.
Dersigii labaad waxaa galey Sh Xasan Mahdi, waxa uuna ka Hadley Dersigi ka Hadley Khilaafka, waxa uuna si faah faahsan uga Hadley, qeybihiisa, Asbaabta keenta iyo sida looga bixi karo.
Ugu horeyn waxa uu ka Hadley qeybihiisa oo uu sheegay inuu labo qeybood u qeybsamo kuwaas oo kale ah mid aan dhib ka imaaneyn badanaa oo Sharciguna aanu si gaar ah uga hadlin sidoo kalena aan xad laheyn iyo mid aan la amaanin, kan danbe ayuuna sheekhu ku dheeraadey una kale qeybiyay Afar qeybood:-
1. Khilaaf Siyaasadeed.wuxuuna Sheekhu sheegay inuu soo bilowdey ka dib Geerigii Nabiga CSW.
2. Khilaaf Caqiido. Kan ayuu sheegay Sheekhu inuu soo Bilowdey Xiligii Khilaafadii Cali Binu Abi-Daalib.
3. Khilaaf dhanka Fiqhiga ah, kan ayuu sheegay Sheekhu inaanu laheyn Xilli gaar ah balse uu ka dhashey Masaa’il Fiqhi ah oo Culimadu isku qabato mar walbana uu dhici karo.
4. Khilaaf Manhajka Saameyn ku yeesha. Wuxuuna tusaale u soo qaatey kan Xarakaadka ka dhex jira.
Asbaabta keenta Khilaafka ayuu ka Hadley wuxuuna ku soo koobey Dhowr qodob:-
v Niyada oo Fasaada oo Dariiqa Saxda ah ka weecata.
v Lexejeclo Madaxnimo iyo Aduunyo.
v Tacus(Nin Jecleysi).
v Kala qeybsanaanta Umada dhexdeeda ka jirta.
v Iyo Qofka oo Hawadiisa iska raaca.
Intaa ka dib waxa uu guda galey Qaabka looga bixi Khilaafka iyo Daaweyntiisa, wuxuuna ku soo koobay afar qodob:-
1. In Marjic loo Noqdo la helo oo ah(Kitaabka & Sunada Nabiga CWS).
2. In wixii Khilaaf ah looga noqdo Dadka Ehelka u ah.
3. In la helo Nidaam Islaami oo Dadka Muslimiinta leeyihiin.
4. Sidoo kale in la helo Nidaam Dadka kala Xukuma oo Caadil ah.
Ugu danbeytii waxa uu Sheekhu baraarujiyey in Dacwada ka shaqeynteeda kor loo qaado si dhibta iyo Khilaafaadka jira looga baxo.
Waxaa xusid mudan in Maanta Xarunta Markaska ee Dowradu ka socotey Booqasho ay ku yimaadeen Wafdi ka socdey(جمعية التّربية الإسلا مية لمملكة البحرينية ) waxaana hogaaminayey Wafdiga Sh Jaasim Al-muwida oo Hay’adan Madax uga ah Qeybta Qeybta Agoonta iyo Gar Gaarka.
Sh Jaasim Hadal kooban oo baraarujin iyo Bogaadin isugu jira ayuuna goobta ka jeediyay, wuxuuna si gaar ah Shacabka Soomaaliyeed ugu amaaney kaalinta weyn ee Dacwada Diinta ka qaateen.
Wafdigan oo Booqasho ku jooga Muqdisho ayaa inta ay joogaan waxa ay ka fulinayaan howlo Arimaha Dacwada iyo Cuno qeybin isugu jirta.

No related posts.
No related posts.
way fiican tahay in laga hadlo masalada maanta ka socota soomaalia laakiin ma`aha in walaaleheena mujaahidiinta ah aynu kudhaleecayno taasina waa usharaf dhac culimadeena woqooyi iyo galbeedba waxaana taa kamuhiimsan diin badalka iyo dhaqan badalka shriif iyo kooxdiisu ay wadaan in lagahadlo oo dadka looga digo xataa ugu yaraan inay kabiiro wayn tahay
A/s walaal yaal aad iyaad u mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad nuugu soo gudbiseen muxaadaraadkan qiimahaleh i lahay Subxanahu Waracaalaa ha idinika abaal mariyo idinka iyo culumada soo jeedisayba mayka walaal waxaan rabaa in aan u soo jeediyo umada soo maaliyeed in ay qaataan diinta iyo maxaadarooyinka eey u sooo jeedinayaa culumada. walaalayaal waxaan indinku baraarujinayaa in aad fahantaan waxa ay inuu sheegayaan culumada sida aytahayna aad u qaadataan walaalayaal waa jaanis aan la qiyaasi karin dad badana eeysan heeysan walaalayaal waxaan idin leeyahay ku wiii ku camal falana noqda. walaalyaal waxaan kale oon idinku latalin lahaa in aad barataan diinta Islamka. wlaalayaal waa mu hiim la aanteedna lama ahaan karo mugdigana laga biximaayo hadaanan labaran. waxaa intaas dheer walaayaal waligaa kabixi meeysid in aad marti ka ahaatid diintaada. walalyaal maanta waxaa jiro in aan kabaran karno diinteena meelkasta oo aan joognu guri school gaari iyo meel kasta oo aad is ku daydid in aad kabaratid. walaalayaal is ku daya in aad barataan diinta walaayaal waxaan jeclaan lahaa in aad