DKMG ah oo ka hadashay Iska Hor’imaadyada dhexmara Ciidamada la isku dhafay

Published on March 31, 2009 by   ·   6 Comments   ·   print

Saciid Dheere oo u qaabilsan DKMG ah dhanka Ciidamada Milatariga ayaa Mar uu ka hadlayey sababaha keena isku dhacayada iyo Iska horimasadyada ka Dhex dhaca Ciidamadii hore ee DKMG ah iyo kuwa MMI ee ku biiray DKMG ayaa ku tilmaamay is faham Daro u dhexeysa labada dhinac.

Sidoo kale Saciid Dheere ayaa intaa ku daray in la dhameeyo is faham darida iyo iska hor’imaadyada soo noq noqday ee u dhaxeeya labada Ciidan waxa uuna Ciidamada ugu Baaqay in ay joojiyaan isku dhacyada. 

Saciid Dheere mar uu ka warbixinayey isfahami waaga ka dhex jira Ciidamada DKMG waxa uu yiri:”dhacdooyinka haatan qaldan ee dhacaayo anigu aad iyo aad ayaan uga Xumahay in ay dhacaan bil kuliyan Dadka Soomaaliyeed ee Deegaanka Xamar ku nool iyo Degmooyinkana ma’aha waqtigani waqtigii iska horimaad dhexdooda ah uu dhici lahaa , ma jiraan Dagaalo Milatari ama Boolis ka dhex dhacaya laakiin Xoogaga Dowlada ee hadda leysu keenay waa dhici kartaa in ay goobaha Shaqo ay isaga hor yimaadaan Qaladyadaas dhacayaana looma sinna meel kadhaca, hase yeeshee waxaa lagama maarmaan ah in markaan Dadkii Deegaanada Deganaa oo wada shaqeyn lahaa aysan wada shaeqynin Gaar ahaan Xagga Amniga Umadda Soomaaliyeedna waxaa laga rabaa in ay isku aragti yihiin.” 

Sidoo kale Saciid dheere ayaa Sheegay in uu ka xunyahay iska horimaadyada ka dhex dhaca Ciidamadii hore ee DKMG ah iyo kuwa haaatan labahoobay ee horey uga tirsanaajiray MMI waxa uuna yiri:”waxaan soo jeedinayaa iska horimaadyada in la joojiyo waxaan u soo jeedinayaa iska horimaadyadaas in si degdeg ah loo joojiyo waxaan u soo jeedinayaa in halkii iska horimaad ka dhici lahaa in lagu badalo is faham waxaan u soo jeedinayaa in uu Caqligu Shaqeeyo waxaan u soo jeedinayaa in Garaadku Shaqaeeyo waxaan u soo jedinayaa in Diintu shaqeyso Dadku Umad islaam ah oo wada Soomaali ah weeye waxaa lago,aansaday in Xariga Ilaahey la qabsado Diintana la qaato wixii kitaabka ku sugneyn shareecada ku sugneyn Dan ku sugneyn Soomaali nimo ma’ahan Qaranimo Ma’ahan.”. 

Hadalka Saciid Dheere ayaa ku soo Beegmaya Xilii maalmihii ugu Danbeyey  ay ka dhacayeen Magaalada Muqdisho iska horimaadyo u dhexeeya Ciidamada ka wada tirsan DKMG ah waxaana ugu danbeeye Falkii Shalay ka dhacay Isgoyska Dabka ee ay ku dhinteen Dad uu ka mid ahaa C/raxmaan Shifti iyo ilaaladiisii, waxaana sidoo kale la’ogeyn in uu hadlkani arinkaa wax ka badali karo iyo in kale.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. DKMG ah oo ka hadashay Xariga Max’ed Dheere
  2. Weerar gaadmo ah oo Ciidamada DKMG ah lala beegsadey iyo iska hor’imaad xigey
  3. Iska hor’imaad ka dhacey afaafka hore ee dekeda Muqdisho.
  4. Iska Hor’imaad Dhex Marey Labo Ciidan oo DKMG ah ka Wada Tirsan
  5. Dadaalo lagu kala qaadayo Ciidamada Deg. Hodan isku hor fadhiya oo socda.

Readers Comments (6)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. DKMG ah oo ka hadashay Xariga Max’ed Dheere
  2. Weerar gaadmo ah oo Ciidamada DKMG ah lala beegsadey iyo iska hor’imaad xigey
  3. Iska hor’imaad ka dhacey afaafka hore ee dekeda Muqdisho.
  4. Iska Hor’imaad Dhex Marey Labo Ciidan oo DKMG ah ka Wada Tirsan
  5. Dadaalo lagu kala qaadayo Ciidamada Deg. Hodan isku hor fadhiya oo socda.

Latest Headlines