Ku dhawaad ilaa 14 Qof ayaa lagu soo qab qabtay Howlgalo ay Xalay ka sameeyeen Ciidamada MMI ee Magalada Balad-weyn isla gudaha Magaalada Baladeyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dhamaan Dadkan la soo qab qabtay ayaa lagu soo eedeeyey in ay isticmaalayeen Muqaadaraaka Maandooriyaha ah isla markaana ay Falal Burcan Nimo Habeen kii ka geystaan Gudaha Magaalada Balad-weyn iyo nawaaxigeedaba.
Xasbisga Dhexe ee magaalada Balad-weyne ayaa loo dhaadhiciyey dhamaan Dadkii ay soo qab qabteen Ciidamada MMI ee Gobolka Hiiraan sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamda MMI ee Magaalada Balad-Weyne .
Howlgalkan lagu soo qabqabtay Dadkan lagu ee deeyey in ay isticmaalayeen Daroogooyinka Maanka Dooriya ayaa yimid kadib markii ay Dadka Deegaanka ka soo yeertay Cabashooyin Dhowr ah oo ay kaga Cabanayaan Burcad Hubeysan oo falal amaan Dadro si dhuumaaleysi ah uga geysata Xiliga Habeenkii Gudaha iyo Daafaha Magaalada Balad-Weyn.

Related posts: