Iska hor’imaad muddo kooban socdey ayaa Maanta ka dhacey Isgoyska Dabka ee Degmada Waaberi halkaas oo ay isku fara saareen Ciidamo ka wada tirsan DKMG ah.
Ciidamada Dowlada ka wada tirsan ee Isku hor’imaadku dhex marey ayaa kala ahaa kuwii hore ee Dowlada iyo kuwa Cusub ee ku biirey Horeyna uga tirsanaa MMIS.
Iska hor’imaadkan ayaa sida Wararka qaar ee la helayo tibaaxayaan yimid ka dib markii Ciidamada MMIS ee ku biirey DKMG ah kuna sugnaa Isgoyska Dabka Dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada DKMG ah, waxa uuna yimid Dilkiisu Xilli uu Isgoyska marayey.
Dilkiisa ka dib waxaa Ciidamadii diley Weerar ku soo qaadey Ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah si gaar ahna uga amar qaata Cabdi Qeybdiid iyo ciidamadii horey ugu sugnaa halka loo yaqaan Sarkuusta.
Waxaana iska hor’imaadkii goobta ka dhacey ku dhintey inta la ogsoon yahey 2 Qof sidoo kale waxaa ka dhashey Iska Hor’imaadka dhaawacyo dhowr ah.
Goobta Iska hor’imaadku ka dhacey ayaa ah mid degan, waxaana goobtii ku sugan Ciidamadii danbe ee Weerarka soo qaadey, sida wararka qaar ee la helayo sheegayaan.
Waxa uuna iska hor’imaadkan qeyb ka yahey kuwa sidan oo kale u dhex mara isla Ciidamo ka wada tirsan DKMG ah, geystana khasaarooyin kale duwan oo naf iyo maalba leh.

Related posts: