Dowradii ka socotey Markazka Ibnu-Baz oo si KMG ah Xaafada Towfiiq, Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho looga furey ka dib labo maalin oo ay baaqatey Maanta ayey dib halkii uga sii bilaabatey, waxaana sidii caadada aheyd baxey labo Darsi oo ay kala jeediyeen Sh Bashiir Axmed iyo Sh C/fataax Sh Yuusuf.(Daawo Sawirada)
Xiisadii kuwaad waxaa galey Dr; Sh. Bashiir Axmed wuxuuna bixiyey Dersi Cinwaankiisu ahaa((السّياسة الشرعية si faah faahsan ayuuna uga Hadley, wuxuuna u kala qaadey 4 qeybood.
Ugu horeyn Macnaha Mowduuca ayuu ka Hadley, wuxuuna sheegay Sheekhu inuu yahey Nidaam Dadka Muslimiistu degsadeen oo ugu talo galeen iyaga iyo dadka ka baxsanba kula dhaqmaan kaas oo aan khilaafsaneyn Shareecada Islaamka, waxa uu sidoo kale sheegay Sheekhu in Macnayaasha Mowduuca uu ka mid yahey Qaraar kasta oo Maamulka ugu sareeya ee Dadka Muslimiinta ka soo baxa aana ka baxsaneyn Shareecada Islaamka.
Intaa ka dib Sheekhu waxa uu soo qaatey Dhowr tusaale oo Mowduuca ka tarjumeysa kuna soo aroortey Kitaalka Qur’aanka & Sunada Nabiga CSW. Waxa uu sidoo kale Sheekhu Tusaalooyin ka soo qaatey Xiliyadii Khulafada Nabiga, wuxuuna intaa ka dib daba dhigey in Siyaasada Sharciga ah Dhamaan Culimada iyo Madaahibta 4-ta ahba isku raaceen.
Ususta loo dajiyey Siyaasada Sharciga ah ayuu sidoo kale Sheekhu dhowr tusaale ka soo qaatey, sida Xilligii Abu Bakar Al-sidiiq markii uu amrey in Qur’aanka la Jamciyo, Diiwaanadii uu Cumar Binu Al-Khadaab uu jideeyay iyo Tiimbarihii uu Nabigu ku dhufan jirey Waraaqaha uu kala dirayo. Waxa uu sidoo kale Sheekhu Tusaale u soo qaatey wax yaabaha Curfiga(Dhaqamada dadka), Joojinta wax yaabo Sharciga ku banaan, dhamaan arimahan oo dhanna waxa uu Shardi ah buu sheegay Sheekhu Shareecada Islaamka inaaney ka baxsaneyn oo khilaafsaneyn.
Ugu danbeyntii Sheekhu waxa uu ka Hadley Qeybaha Maamulka ee Siyaasada Sharciga ka soo gasho Maamulada, sida Nidaamka Islaamiga ah, kan Maaliga ah, kan Dhaqaalaha, Qadaha, Cuquubaadka iyo Xiriirada Caalamiga ah.
Xiisadii Xigtey waxaa galey Sh C/fataax Sh Yuusuf, waxa uuna ka Hadley Mowduuc Cinwaankiisu yahey((تاريخ الدعوة الإسلامية فى الصومال waxa uuna gogol dhig uga dhigey in Taariikhdu tahey mid aan ka go’in nolaha Bani’aadamka.
Intaa ka dib waxa uu Sheekhu ka soo Hadley oo si hordhac ahaan ah ardeyda ugu Sharxey Bilowdii dacwada Islaamka ee Xiliyadii Nabiga ee Makka iyo Madiina oo aasaan iyo Saldhig u aheyd Dacwada Islaamka. Waxa uuna Sheekhu ka Hadley Taariikhdii kale duweyn ee Nabigu ka soo marey Gaarsiinta Dacwada Islaamka Dadkii uu la noolaa ee Reer Makka ilaa markii danbe uu Magaalada Madiina u soo Hijroodey kana dhisey Dowlad Islaami ah ayna xigeen Xiliyadii Khulafada.
Intaa ka dib waxa uu Sheekhu ka Hadley Xiligii Dowladii Umawayiiinta oo uu sheegay inay Xukunka haysey muddo 90 Sano ah.
Waxa kale oo uu Sheekhu ka Hadley Xiliyadii Dowladii Cabaasiyiinta oo Sheekhu sheegay inay Xukunka heysay muddo 600 sano ah.
Intaa ka dib Sheekhu waxa uu sheegay in Dowladii Cabaasiyiinta ay ku soo duuleen Ciidankii Tataarta oo bur buriyay Dowladaas kana takhalusey ilaa ay timid Dowladii Cusmaaniyiinta oo ka hanaqaadey Dhulka Turkiga taas oo jistey muddo 600 sano ah.
Dowlada Cusmaaniyiinta ayuu sheegay Sheekhu Reer Yurub inay ka hor taagneyd muddo 400 oo sano ah Dhulkii Muslimiinta inay ku soo duulaan oo qabsadaan.
Sh C/fataax waxa uu sheegay in Dowladii Cusmaaniyiinta ay burburtey 1924 sidoo kalena ay la burburtey Khilaafadii Islaamka ee Dunida Muslimka ka arimineysay.
Intaa ka dib Dhulkii Muslimiinta ku soo duuleen Reer Galbeedku kana aasaaseen Ururo Wadaniyad iyo Himilooyin kale oo Khilaafsan Hamigii dadka Muslimiinta xambaarsan.
Sh C/fataax waxa uu intaa ka dib u soo dhaadhacey Taariikhdii Baraaruga Islaamka ka bilowdey Dalka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay ku beegneyd 1968, ayna aasasmeen Xiliyadaas ilaa laga soo gaaro Todotanaadkii Xisbiyo Islaami ah oo Dhalin yaro, Aqoon yahan iyo Culimo hogaamineysan kuwaas oo kaalin weyn ka qaatey Baraaruga xoogan ee xaga diinta ah ee ka jira Soomaaliya.
Wixii ka danbeeyay 1986 ayuuna sheegay Sheekhu in Baraaruga diineyd si wanaagsan u wada gaarey Dhulkii Soomaaliyeed oo dhan xilliyadaas oo Dowladii jirtey Cadaadis badan saartey Wadaadii dacwada wadey oo qaarna ay u dishey, qaarna loo xirey, qaarna dalkaba isaga carareen.
Guntii iyo gebo gebadii waxa uu Sheekhu ku taliyay in Xaalada cakiran ee Dalku ku jiro gaar ahaan arinta Wadaada dhexdooda ah looga bixi karo Iskaashi buuxa iyo isku xirnaan ka dhex dhalata Odayaashii hore ee Dacwada iyo dhalinta cusub ee Xilligan.

Related posts:
asc dhamaan waa salaama macalimiinta iyo aqiyaarta sharafta leh oo kasooqeebkalee xafladaan oo ah quraan aqriska ah waxaa leeyahay kuwii sooqawanqaabiyay figradaan qaalika ah ilaaheey qer hasiiyo kuwii jinnada looku bishaareeyo ilaaheey hakadhigo aamiin waxaa diraayo anika oo ah farxaan cali xasan oo joogo wadanka noorweey kaar ahaan svolver waxaa lee yahay waa kufarax sanahay walahi waxaa niirajeenaa qer iyo caafimaad waxaa noo malan ah jinada in sha allah aamiin byby
asc ramadaan kariim waa niisalaamaayaa dhamaan mardi sharafta kasooqeeb kashay dardanka quraan qariska ah ilaaheey waxaa dhiigaka bariyaa ciwaado suuban iyo cilmi wanaagsan aad ayaa uku faraxsanahay fursadaan qaalika ah aa isiiseen anika oo kudhool wadanka noorweey kaar ahaan oslo magacane cabdirisaae cabdulle xusen byby