Al-bashiir oo kulanka Doxa ka codsaday in go’aan geesinimo leh laga qaato go’anka Maxkamada Caalamiga ah ee dambiyada Dagaalka

Published on March 30, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

Madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa Wadamada Carabta ee ka qeyb galaya Kulanka Doxa ka codsaday in go’aan cad ay ka qaataan go’aankii ka soo baxay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka , waxa uu sidoo kale Al-bashiir ku baaqay in loo baahan yahay in la habeeyo Golaha Amaanka, horayna looogu socdo arimaha Carabta lana dhameeyo xaalada qeybsanka ah ee ka jirta Dhulka reer Falastiin iyo in dib loo dhiso bur burkii gaaray Magaalada Qassa.

Hadalkan ayaa ahaa midkii uu ka jeediyay madasha furitaanka Kulanka Wadamada Carbeed taas oo au ak qeyb galayaan Madaxweynayaasha 14 wadan iyo Xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Mun.

Al bashiir ayaa hadalkiisa wadamada carabta kaga codsay in ay qaataan go’aan geesinimo oo cad uuna noqdo mid lagu gacanseydho wax walba oo ka soo baxa Maxkamadaas , waxa uu sidoo kale Al-bashiir soo hadal qaaday in loo baahan yahay in la sii anba qaado heshiisyadii ay wadeen wadamada Carbeed iyo kuwa Afrikaanka ah si loo xaqiiyo nabada gobolka Daarfuur arintasina ay u noqoto gidaar adag.

Sidoo kale waxa uu Hey’adda Laanqeynrta Cas ka socdsay in ay dadka u fidiso gacan gar gaar bini aadaninimo leh ayna caawinteeda ay gaar siiso dadka tabaaleysan eek u dhaqan Gobolka Daarfuur.

Dhinaca kale waxa uu Al- bashiir sheegay in 13 Hey’adood ee ay ka eryeen Sudan ay 4.5 % ka tahay Hey’aadka gar gaarka ee ka howlgala Gobolka Daarfuur , waxaana uu Al-bashiir carabaabay in eryida Hey’aadkasi ka damebysay kadib markii ay ku xad gudbeen waxyaabihii lagula heshiiyay , ayna dhinaca kale heshiiyo la galeen Maxkamada dambiyada Dagaalka ayna u gudbiyeen warbixino been ah ayna ka mid ahayd in lagu xad gudbay gabay dumarka badan lana kufsaday isir goyna lagu hayo Hida Sidaha dadka madowga ah laguna talaalayo in Carab laga dhigo.

Al- bashiir ayaa si kulul uga hadlay arimaha Wadamad Carabta waxaana uu sheegay in loo bahan yahay hor u socod la iskuna howlaa sidii loo xalin lahaa khilaafaadka jira loogana gaadhi lahaa heshiisyo run ah.

Waxa uu ugu dambeyntii Al-bashiir Wadamada Carabta ugu baaqay in loo baahan yahay in la dhameeyo khilaafaadka ka dhex jira gabayada kala duwan ee Falastiiniyiinta, lana xoojiyo wada hadalada ay wado Masar si xal looga gaadho khilaafka Xamaas iyo Fatax , dhinaca kalena go’aan laga qaato falalka gobood falka ah ee uu wado Gumeysiga Sahyuuniyadu .



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xamaas oo Kulanka Carabta ee Doxa ka codsatay in la is garab taago Shacabka Reer Falastiin
  2. Sh Shariif oo Khudbad ka Jeediyay Kulanka Doxa
  3. Kulanka Wadamada Carabta oo lagu wado in uu maanta ka furmo Dalka Qatar
  4. Sh Bashiir oo ka Hadley, Hadalkii Sh Usama Bin Laadin
  5. Sh Bashiir “Waxaan kaloo soo jeedinay in Caalamka Muslimiinta iyo Caalamka Carabtu inay tixgelin gaar ah siiyaan Arinka Soomaaliyeed”.

Readers Comments (1)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xamaas oo Kulanka Carabta ee Doxa ka codsatay in la is garab taago Shacabka Reer Falastiin
  2. Sh Shariif oo Khudbad ka Jeediyay Kulanka Doxa
  3. Kulanka Wadamada Carabta oo lagu wado in uu maanta ka furmo Dalka Qatar
  4. Sh Bashiir oo ka Hadley, Hadalkii Sh Usama Bin Laadin
  5. Sh Bashiir “Waxaan kaloo soo jeedinay in Caalamka Muslimiinta iyo Caalamka Carabtu inay tixgelin gaar ah siiyaan Arinka Soomaaliyeed”.

Latest Headlines