2 Nin oo Xalay Tuulada Carta lagu Dilay Gaari ay wateena laga qaatay

Published on March 30, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

Xalay fiidkii wax aay dabley hubeysan Tuulada Carta oo u dhow magaalada Carmo ku dileen labo nin oo xiligaa magaalada ka casheynayay kana soo safray magaalada Boosaaso.

Dableyda dishay labada nin ayaa la baxsatay gaarigii ay nimanka ay dileen wateen oo noociisu ahaa “Surf” (Runet)waxayna dableydaasi meesha uga tageen maydka labada nin ee ay dileen.

Dad goob joogayaal ahaa ayaa warbaahitanta u sheegay in dableydu nimankaas safarka ah dishay aan la ogeyn halka ay la aadeen gaariga iyo sababta ka dambeysa dilkoodaba.

Taliye ku xigeenka ciidamada Magaalada Carmo Maxamuud Cabdi Cabaaye ayaa warbaahinta u sheegay in aysan ogeyn sababta loo dilay labaas nin oo uu sheegay in ay ka soo safreen magaalada Boosaso xiligaana ay ka casheynayeen tuulada Carta, waxa uu Taliye ku xigeenku sheegay in ay wadaan baaritaano la xiriira sababta dilkaas dhalisay.

Waxa uu sidoo kale taliye ku xigeenkaasi sheegay in aan laga warqabin ilaa iyo hadda cida ay ahaayeen dalbeysa dilka geysatay, waxuuna sheegay mar la waydiiyay in nimanka la dilay in qaab heyb ahaan ah loo beegsaday , in arintu aysan ahayn qaab qabiil.

Ma cada ilaa iyo hadda sababta ka dambeysa dilka labaas nin ee safarka ahaa waxaana jirin ilaa , mana jiraan ilaa iyo hadda cid aqoonsatay dalbeyda dilka xalay geysatay iyo halka ay u baxsadeen intaba.

Dilalka ceynkan oo kale ah ayaa ah kuwo aan inta badan lagu aqoon deegaanada hoos yimaada Maamul Goboleedka Puntland , waxayna arintan ku so beegmeysaa xili maamulku uu sheegay in uu arimaha amaanka wax ka qabanayo kuwaas oo u muuqday kuwo faraha ka sii baxaya.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Shiikh xalay fiidkii lagu dilay xaafada Buulo xubey ee M/Muqdisho
  2. Nin xalay lagu Dilay Kismaayo
  3. Nin lagu dilay Dharkaynleey
  4. Gudoomiyihii hore ee Baladweyn oo xalay toogasho lagu dilay
  5. Nin Pakistani ah oo maanta laga af duubay Tuulada laag oo 35 Km u jirta Boosaaso

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Shiikh xalay fiidkii lagu dilay xaafada Buulo xubey ee M/Muqdisho
  2. Nin xalay lagu Dilay Kismaayo
  3. Nin lagu dilay Dharkaynleey
  4. Gudoomiyihii hore ee Baladweyn oo xalay toogasho lagu dilay
  5. Nin Pakistani ah oo maanta laga af duubay Tuulada laag oo 35 Km u jirta Boosaaso

Latest Headlines