Madaxa ka tirsan dowlada koonfur Afrika oo ka hadlay dilalka Soomaalida

Published on March 29, 2009 by   ·   3 Comments   ·   print

Madax dowladeed oo ay ka midyihiin Barasaabka Gobolka Barwaaqo sooranka ah uguna weyn koonfur Afrika ee Gauteng Paul Mashatile iyo Wasiirka Amniga iyo Badbaada Dowlada Goboleedka Gauteng Ferus Kachalia ayaa kullan la Qaatay Mas’uuliyiinta ugu sareeya Ururka Matalada Jaaliyada Soomaalida Koonfurta Afrika ee SASA.(Daawo Sawirada}
Madaxda Jaaliyada oo uu hor kacaya Ugaas Maxamed Cabdi Diiriye, Cali Saciid Najjaar iyo Dr. Cabdullaahi Carte ayaa Madaxda Dowlada si adag ogala hadlay dhibaatada Amaan Darada ee Soomaalida ku heysa Dalkani iyo sida Dowlada ay oga gaabisey wax ka qabashada.

Kullanka Labbada dhinac wuxuu ka dhacay Caasimada Pretoria maalintii Sabtida, waxayna Madaxda ballan qaadeen in ay Dowlada wax kasta oo karaankeeda ah ka qaban doonto dhibaatada Soomaalida.

“Dowlada koonfur Afrika si adag ayay ola tacaali doontaa loona dulqaadan Maayo dhibaatada iyo dilka Soomaalida lagu hayo, ciddii lagu helo dambina waxaa la marin doonaa ciqaab adag”, sidaasi waxaa yiri Feros Kachalia oo ah Wasiir ka tirsan Dowlada K/Afrika xilli isaga iyo Barasaab Gobol ay la Kulmayeen Ururka Jaaliyada Soomaalida.

Kullanka kadib Madaxda Jaaliyada waxa ay Madaxda Dowlada u raaceen goob Qaddo Sharaf loogu sameeyey Madaxax ka tirsan Xisbiga tallada haya halkaasi oo barasaabka Gauteng Paul Mashatile uu ka sheegey in istaraatiijiyada ANC ay tahay sidii loo heli lahaa qaarada Afrika oo nabdoon, barwaaqo ah isla markaasina dhibaatooyinkeeda xalisa, wuxuu soo hadal qaaday wadamo dhowr ah oo ay K/Afrika dhexdhexaadin ka gashay isla markaasina nabada ka gaartay, iminkana u toog heeyso in ay gacan ka geeysato dadaalo nabadeed oo laga waddo wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Qadada inta baddan waxaa lagu soo hadal qaaday siyaasada arrimaha dibbada ee dowlada, waxyaalihii laga hadlay ka mid ahaa fiiso ay dowlada u diidey hogaamiyaha ruuxiga ah ee qoowmiyada Tibet ee dal weynaha China, arrintaasi oo buuqweyn dalka ka dhalisey, madaxda waxa ay difaaceen go’aankaasi maadaamaa ninkaasi oo dowlad iskiis ah oo dalka China musaafuris oga maqan uu ku iman lahaa dalkani kana jeedin lahaa qudbado siyaasadeed oo uu Shiinaha u cambaareynayo, K/Afrika iyo Shiinaha waxaa ka dhaxeeya xariir wanaagsan.

Arrintani waxay k usoo aaday muddo uun yar kadib markii jaaliyada ay qoraal dhinacyo baddan taabanaya u gudbisey madaxtooyada dalka, iyo is kaashi la filayo in wasaarada arrimaha dibbada iyo jaaliyada dhexmara oo ku saabsan Arrimaha Soomalaiya sida ay ii sheegeen Saraakiil Jaaliyada ka tirsan.

Wasiirka Amniga iyo Badbaada Dowlada Goboleedka Gauteng Ferus oo ka hadlaya Kulanka

Wasiirka Amniga iyo Badbaada Dowlada Goboleedka Gauteng Ferus oo ka hadlaya Kulanka

Barasaabka Gobolka Gauteng ee Paul Mashatile

Barasaabka Gobolka Gauteng ee Paul Mashatile

Madaxda ka mid ah Dowlada K/Afrika oo wada fadhiya

Madaxda ka mid ah Dowlada K/Afrika oo wada fadhiya

Wasiirka Amniga oo la taagay Dr. Cabdullaahi Carte

Wasiirka Amniga oo la taagay Dr. Cabdullaahi Carte

Qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaalida K/Afrika oo la taagan Madax ka mid ah Dowlada K/Afrika

Qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaalida K/Afrika oo la taagan Madax ka mid ah Dowlada K/Afrika

Barasaabka Gobolka Gauteng ee Paul Mashatile iyo Dr. Cabdullaahi Carte

Barasaabka Gobolka Gauteng ee Paul Mashatile iyo Dr. Cabdullaahi Carte



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (3)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines