Warbixin:- Qaxootiga Yemen

Published on March 26, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

بسم الله الرحمن الرحيم

 

 

Allaa mahad leh subxaanahu watacaalaa

 

Soomaalida  ku nool wadanka yemen oo lagu Qiyaaso Tiradoodu inay kor udhaafayso 100,000 (Boqolkun) oo Qofood ayaa badan koodu ah qaxooti hadaanay  kuligoodba wada ahayn .hadaba qaxootigii ugu horeeyay ee soo gala wadankan waxay soo galeen sanadki 1991 kadib markay burburtay dawladii dhexe ee soomaaliya halkaasna ay ka qarxeen dagaalo sokeeye.

 

Soo galitaanka maalintaas soo bilaabmay ayaan is taagin ilaa hada .

 

waxay wali kusoo qul qulayaan yemen iyaga oo usoo mara so galidiisa khataro iyo dhibaatooyin fara badan  badda iyo xayawaankeeda ayaa iyaguna si joogta ah ula hadha qaybtooda taas oo inta bada ku dhimata aanay qiyaas lahayn  sababtoo ah markasta waxaa larumaysan yahay in inta la ogaado in kabadani ay ku naf waydo socdaalkan khatarta badan ee is miidaaminta ah.

 

 

Halka qaybaha ka soo bad baadana ay in badan oo kamid ahi lasoo galaan xanuuno maskaxda ah oo ay ugu wacan tahay dhibkii iyo rafaadkii kasoo qab saday socodkan iyo naxariis daradii nimanka doonyaha tahriibta wata.

 

Ugu danbayn waxaa badda kasoo gudbo wax fayoow in yar, intaasna waxaa shok ama naxdin ugu filan iyaga oo markaba arka waxay filayen amaba loogu soo sheekeyay wax ka gadisan, lagana yaabo in waxay kasoo carareen in wax ka daran ay la kulmaan .

 

 

 Hadaan intaas ku dhaafo  soo galitaankooda oo runtii sheekadeedu aanay ku fil nayn warqad iyo boqol war qadoodba  laguna soo koobi karin war bixin mar ah.

 

Dadka qaxootiga ee soomaaliyeed waxay ku noolyihiin dhamaan gobolada wadanka  yemen , waxayna ugu badan yihiin sadex mandaqadood oo kala ah

1-     Sanca oo ah caasimada wadanka yemen

2-     Cadan

3-     Xerada qaxotiga ee Al kharaz

Guud ahaan noloshoodu way isku dhow dhowdahay, waxay ka siman yihiin  shaqo la’aan daryeel ala’aan  duruufta adag. Hadii aaynu kala qaadno.

 

Alkharaz:

Magaalada kharaz oo ah meesha  la dajiyay  qaxootiga soomaaliyeed ahna meesha dagaan ahaan gaar looga dhigay markii laga soo raray xero hore  oo ay deganaayeen lana odhan jiray Aljaxiin; ayaa ah meel aad u cimilo xun waxay dhanka waqooyi 150 km kaxigtaa magaalada cadan.

 

xerada kharaz waxaa kunool sida ay hay ada UNHCR ee qaxootigu sheegtay ilaa toban kun oo qof ,dadkaas oo nooc walba leh  ayaa ah kuwa ugu nolosha adag uguna duruufaha xun. Waxa aanay sitoos ah u helin xataa quutal daruuriga.

 

Waxa ay siisaa hay’adda qaxootiga qaabilsan bishiiba sided kiiloo oo cunto ah qofkiiba, kamana caawiso adeegyada kale xataa sideeda kiiloo wuxuu ku karsan lahaa isagaa laga rabaa inuu layimaado. Waxa ugu muhiimsan ee la odhan karo in ay hay adu uqabato waa  dhisme  hal qol ah qayskiiba,qoyskaasi intuu doono hala ekaado tiraduu doonana ha ahaado .

 

Xaga waxbarashada xeradani waxay leedahay laba dugsi oo ah ilaa dugsi dhexe.halka dugsiga sarena ay u doontaan tuulooyinka ku dhow ee yementa,tirade ardayda  ee labadaas dugsi u diiwaan gashan baa ah tiro ku dhow sadex kun(3000) oo arday.

 

 Wax barasho diineed baan iyadu jirinba  sababo badan owgood  halka masaajidada ku yaal halkaasina aanay ku filnayn inta tukata oo runtii kooban oo banaanka ayay ku tukad|aaan.

 

Meel kasta oo soomaali joogto ama dad muslimiin ahi waxaa lagama maarmaan  ah in laga helo dugsiyo quraan ama meel cibaado, sidaas oo kale ayay alkharaz uleedahay dugsiyo qur’aan laakiin dugsiyadani waa kuwo ku yaala banaanka ama cooshado aad u dayacan oo aan qorax iyo roobtoona ka celinin, ilmaha soomaaliyeed ee dugsiyadaas wax ku bartaa wuxuu halis u yahay  in cad ceeda kulul ee halkaas ka jirtaa ay  caafimaadkiisa wax yeesho iyada oo ay tahay meel aad u kulul, macalinka ayaa isna laqaba dhibaatada oo waliba daryeel la’aan iyo mushahar la’aani u dheertahay.

 

ardayda dugsi quraanada tiradoodu ma badna marka loo eego guud ahaan tirada ku nool xerada waana afar boqolilaa shan boqol(400-500)oo arday.  Waxaan  jirinba xalaqaat cilmi ah lagana yaabo in mararka qaar la arko hal xalaqad cilmiyeed masaajidada qaarkood.

 

 Masaajiiddu waa  4 masjid oo yar yar.

 

Waxaa iyana aan jirin meelo dumarka wax loogu akhriyo ama muxaadaro loogu sameeyo marka laga reebo hal meel oo  dusha qaawan dhowaana  labilaabay aasaaskeeda una baahan in la dhamaystiro.

 

 Sidaas ay tahay ayaa hadana waxaa jira oo ku badan hay’ado ka shaqeeya in ay dhaqanka ka badalaan oo si fakir ah ula dagaalama diinta. si xawli ahna waxay u faafiyaan wixii xun oo dhan,   iyaga oo adeegsada qaabab ama asaaliib kala duduwan oo ay kamid tahay in ay qofkii xumaada ama dumarka sheegta in ay jidhkooda ka ganacsadaan amaba kuwa haysta caruur ay ku heleen sifo aan sharci ahayn ugu balan qaada in ay u dhoofinayaan meelo kale oo ka nolol fiican halkan ay joogaan waxayna fuliyaan wax yar oo balnkooda ka mida si ay u tusaan in ay run sheegayaan, waxay dhiiri galiyaan fasaadka oo dhan sida  dhiiri galinta furniinka iyaga oo gabadhii iska furta ninkeeda ugu balan qaada in ay dhoofin doonaan.

 

 Xaqiiqada laguma soo koobi karo halkan ee waa tusaale ahaan   wayna kabadan tahay dhibka haysta dadkeenaas ku nool xeradaas intaynu sheegnay.

 

Cadan:

Cadan ayaa ah meesha labaad e ay ku sugan yihiin qaxootiga soomaaliyeed yihiin iyada oo ah meel aan sidaas uga fogayn xerada qoxootiga ee al kharaz  ayaa iyana laqaybsata duruufahaynu soo sheegnay, waxa kaliya ee ay kaga duwan tahay oo aad ku arkaysaa waa iyaga oo tuugsi maciin biday oo meel kasta oo cadan ka mid ah waxaad ka helaysaa soomaali tuugsanaysa oo aad darxumo dayacnaan iyo bahdilaad intaba ay haysato.

 

Waxaa laga yaabaa akhrisuhu inuu is waydiiyo maxaa dadkan caasimada jooga kala mid dhigay kuwii qaxootiga ku jiray may shaqaystaan! Su aashaas waxaa jawaabteed laga helayaa qaybaha soo socda ee war bixintan kooban.

 

 Sanca:

Magaalada sanca oo ah casimada wadanka yemen kuna taala waqooyiga yemen ayaa aad uga fog meelihii kale aynu kaso sheekeenay qaxootiga ku noolina wax badan way kala mid yihiin kuwaynu kasoo sheekeenay mayara tiradoodu waxaa degan kumanaan qoys oo soomaali ah oo qaxooti ah waxaa jooga dhalin yaro badan oo  soomaaliyed oo qaxooti ah.

 

In badan oo kunool waxay ku nool yihiin biilasha ay ka helaan qaraabadooda, halka Inka badan oo kamid ahina ay duruuftoodu aad u lidato lagana yaabo in ay kadaran yihiin meelahaynu soo sheegnay sababta oo ah nolosha oo ku qaalisan iyo kirada guryaha oo iyana aad  qaali u ah, iyaga oo runtii marka loo eego duruuftooda  aanay ka jirin tuugsiga cadan aan ku soo sheegnay.

 

 

Magaalooyinkaas aanu soo sheegnay waxaa lamida inta kale oo runtii meel kasta oo kamida yemen laga soo helayo qaxooti soomaaliyeed oo dhibaataysan.

 

Shaqada iyo Qaxootiga

Sidaan horeba u soo sheegnay waxaa la is waydiin karaa dadkani maxay u shaqaysan waayeen? Waana su aal meesha ku jirta; hadaba marka laga tago dhaqanka yaman iyo dadka yamaniyiinta ah oo ah dad aad u xidhxidhan aanan lahayn is dhexgal bulsho.Soomaalida oo ku fiican tijaarada iyo ganacsigaayaa ayaa waxaa  jirta qawaaninta yemen ee ganacsiga ama tijaariga oo iyana aad u xadidan aanan u oglayn ajaanibtu inaanay  sixor ah u shaqaysan karin shaqooyinka fiic fican iyada oo shaqooyinka cilmiga iyo shahaadooyinka lagu shaqeyona ay in badan sharci la’aan(iqaamad la’aan) ku noqotaa caqabad  hortaagan, qaxootinimaduna aanay waxba uga tarin arintaas,intaas waxaa kasoo hadhay shaqooyinka liita oo loo ogol yahay, waxaana kamida shaqooyinka nadaafada ,qodida bulaacadaha  iyo wixii lamid ah taasna waad garan kartaan in inta shaqo ka heshaa ama ka shaqaysaa ay aad u yaraanayso.

 

Dacwada

Dadwaynaha soomaaliyeed aynu  ka soo sheekeenay ayaan iyagu qayb ka ahayn dadka ay culimada iyo  ducaada yamaniyiintu ay ugu baaqaan diinta iyo dacwada, taas oo sababteduna tahay sidaynu hore usoo sheegnay dadka yementa oo ah dad aad u xidh xidhan oo aan is dhexgal bulsho lahayn, markaa waad garan kartaa heerka dacwada halkay gaadhsiisan tahay iyada oo culimada soomaaliyeed ama ducaad soomaaliyeed ee kunoolina ay duruuftooda awgeed  ugaabiyeen iyaga oo inta dadaalkooda ah mararka qaarkood la yimaada .

 

Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha

Ardayda soomaaliyeed ee jaamacadaha kala duwan ee yemen dhigta oo soo bata sanadkasta ayaa lagu qiyaasaa kun 1000 arday ardaydaas oo isugu jira kuwo dhigta jaamacadaha xukuumada iyo jaamacadaha gaarka loo leeyahay, kuna kala duwan takhasusaatka.

 

Ardaydan oo ku kala nool dhamaan goboladda uu katirsan tahay jamhuuriyada yementu, waxayna ugu sii badan yihiin caasimada  sanca.

 

Waxayna ka mid yihiin bulshada aan ka soo sheekaynay,ardaydan faraha badan ee jaamacadaha yemen  guud ahaan waxay u qaybsan yihiinkuwo ku jooga deeq wax barasho iyo kuwo aan fursad u helin deeqdaas wax barasho,kuwaasaana kabadan kuwa haysta deeqda wax barasho.

 

 

Jaamacadaha yemen ayaa waxaa ugu waawayn jaamacada dawlada ee jaamacatu sancaa,jaamacada caanka ah ee jaamacatul iimaan ahna jaamacad islaami ah iyo jaamacada alculuum, sadexdaas jaamacadood bayna ugu badan yihiin ardayda soomaaliyeed. Hadaan u noqdo duruuftooda io waayahooda in badan oo kamid ah ardadydani madhamaystaan wax barashadooda sababo  dhaqaale awgood, iyada oo aan helin kafaalooyin iyo xitaa cidu iibisa manaahijta ay ku dhigtaan.

 

Ardayda jaamacadaha markalaga yimaado waxaa kaloo jira arday aad u fara badan oo macaahid iyo maraakiz fara badan wax kabarata kuwaas oo iyana lamida kuwa jaamacadaha.

 

Qaxootigii ugu ayaanka darnaa

Walaalayaal warbixintaas kadib waxaan ku tilmaami karaa qaxootigan soomaaliyeed kii ugu ayaanka daraa sababtoo ah inkasta oo ay ku nool yihiin wadan muslin ah kamay faa iidin diin iyo duni.

 

W/Qorey: Xuseen C/rashiid 

 Aragtida Qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku saxiixan



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Warbixin: Dhibaatooyinka Haysta Dadka Naafada ah ee ku jira Xeryaha Qaxootiga
  2. Yemen oo Qabatay Sanadkan 5 kun oo Qaxooti Soomaali ah
  3. Warbixin: Qaxootiga ku dacdarreysan duleedka Muqdisho
  4. Warbixin: Xaaladda Qaxootiga ka Barakacay Baladweyne
  5. C/laahi Yuusuf oo Yemen ku sugan

Readers Comments (1)

  1. farah says:

    Xuseen cabdirashiid waad ku mahadsan tahay war bixintaada.

    Horta waa wax wanaagsan in aan maqalno in arday fara badan wax ka barato jaamacadaha iyo macaahidda.

    Tan ah dhibaatada dhaqaale, waa la fahmi karaa oo waddanka u faqrisan waddamada carabta iyo aduunka kuwa ugu dhaqaalo xun ay ku jiraan yamanta, haddana saas ay tahay way is xilqaameen oo qof somali ah lagama soo celiyo.

    United nationska waxay lacagta ku shubaan Kenya inkastoo qaxootiga soomaaliyeed ee Yaman ay ka fara badan yihiin kuwa Kenya kana aqoon iyo dhaqaalo liitaan kuwa Kenya gala.

    Marka inagoo qaxootigeena saas u badan yahay inaan ka helno intaas oo kaalmo ah waddan saas u liita waa wax wanaagsan.

    Tan kale, maal galinta xageeda qof kastaa maal gashan kara sida qaanuunka qabo oo Somali lagama reebin, laakiin waddan aan dhaqaalihiisa fiicnayn haddana qaxootiga galay ay aad u liitaan dhaqaala ahaan waa la fahmi karaa caqabooyinka ka hor iman kara.

    Waxaa somalida u fiicnaan lahayd inay magaalooyinka waawayn isaga tagaan oo ay tuulooyinka beeraha u shaqo doontaan, halkaas ayay ka faa’idaysan karaan kana baran karaan qodista beeraha oo ah wax aan ku liidano Yamantuna ku nooshahay.

    Wa bilaahi tawfiq.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Warbixin: Dhibaatooyinka Haysta Dadka Naafada ah ee ku jira Xeryaha Qaxootiga
  2. Yemen oo Qabatay Sanadkan 5 kun oo Qaxooti Soomaali ah
  3. Warbixin: Qaxootiga ku dacdarreysan duleedka Muqdisho
  4. Warbixin: Xaaladda Qaxootiga ka Barakacay Baladweyne
  5. C/laahi Yuusuf oo Yemen ku sugan

Latest Headlines