Cumar C/rashiid oo Maanta shir Jaraa’id oo kooban ku qabtey Xarunta Madaxtooyada ee Muqdisho ayaa ka Hadley kulan uu la yeeshay Wafdi Q.M ka socdey, waxa uu sidoo kale ka Hadley Weerarkii Saaka lala beegsadey Sh C?qaadir Cali Cumar.
Ugu horeyn mar uu ka warbixinayey weerarkii Miino ee Saaka lala beegsadey Sh C/qaadir waxa uu yiri:“Wasiirka Arimaha gudaha waa fiican yahey Alxadmdu lilaah waa fal fuleynimo ah runtii qof inuu isku dayo Wasiirada inuu wax ku sameeyo, waxaa leenahey qofkii wax tabanaya waxaan furney wada hadal waxaan ogolaaney Maslaxo qof walba qofkii wax tabanaya waxaa haboon inuu soo maro maslaxada dhinaceeda oo la isku dayin wax sameyn”.
Charles Betria oo ah ku xigeenka Madaxa uqaabilsanaha arimaha Q.M ee Soomaaliya oo sidoo kale Saxafada la Hadley ayaa sheegay inay Cumar C/rashiis kala hadleen arimo ku saabsan bani’aadanimada arimihii ay ka wada hadleena isla afgarteen.
Waxa uu sidoo kale sheegay inay u yimaadeen sidii DKMG ah u gala hadli lahaayeen Kaalmooyinka Bani’aadanimo ee Soomaaliya ugu talo galeen iyaga oo Dowlada soo mar siinaya iyo sidoo kale wada shaqeyn dhex marta oo bilaabatana Musqalbalka dhow.
Sidoo kale kulanka dhex marey Wafdgan ka socdey Q.M & Xubno ka tirsan golaha Wasiirada ee DKMG ah ayey labada dhinac uga wada hadleen arimo kuwa Amaanka ka mid yihiin.
Dhanka kale Cumar C/rashiid oo isna Saxaafada la Hadley ayaa ka warbixiyey kulankii Maanta ay la yeesheen Wafdigan ka socdey Q.M, wuxuuna sheegay arimihii ay ka wada hadleen inay iska afgarteen oo meel wax isla dhigeen. Waxa kale oo uu intaa ku darey inay aad ugu faraxsan yihiin Magaalada Muqdisho inuu kulankaasi ka dhaco. Waxa uuna Kulanka labada dhinac dhex marey ka dhacey Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Related posts: