Jaaliyada Soomaaliyada Koofur Afrika oo kulan la qaatay C/raxmaan C/shakhuur

Published on March 26, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

Madax ka tirsan Jaaliyada Soomaalida ku dhaqan Dalka Koonfur Afrika ururkoodana lagu magacaabo ” SASA” ayaa habeenkii xalay ahayd magaalada Johannesburg kulan kula qaatay Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee DKMG ah C/Raxmaan C/Shakuur Warsame.

Kulanka xalay ayaa ka dhacay Guriga mid ka mid ah Mas’uliyiinta Ururka waxaana madashada kulankaas ka soo qeyb galay mas’uuliyeen kala duwan oo ka mid ah qeybaha kala duwan ee Jaaliyada.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sidii warbixin loogu kala qaadan lahaa xaalada adag ee uu hadda dalku ku sugan yahay iyo sidoo kale dhibaatooyinka la soo darsay Jaaliyada qeybaheeda kala duwan intii ay ku sugnaayeen Koonfur Afrika.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiintii Urarka uga hadlay Kulanka ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn qaabka uu Isbaheysiga Dib u Xoreynta Dalka Garabka Jabuuti ula midoobay DKMG ah oo uu ay tilaameen in ay tahay mid wakhtigeedii uu sii dhamaanayo.

Xubnaha ayaa sidoo kale sheegay in dadaalada lagu bixinayo Beesha Caalamka ee ah in ay wax ka qabato xaalada Dalka ka jirta ay ka wanaagsan tahay in lala hadlo Xoogaga Muqaawadamada kuwaas oo ay ku sheegeen in ay tahay mida ugu haboon ee lagu gaari kale dib u heshiisiin dhab ah iyo isku soo dhawaansho wuxuuna yiri mas’uul lagu magacaabo Dalwo oo Ururka “SASA” ka tirsan ” Waxa loogu yeedho Beesha Caalamka waxaa ka muhiimsan Muqaawamada oo lala hadlo oo wakhti lagu bixiyo”

Kulanka ayaa ku soo gaba gabooyay talooyin ay Jaaliyadu u soo jeediysay DKMG ah wuxuuna C/Raxmaan C/Shakuur sheegey in uu qaatay Talooyinka ay jaaliyadu u soo jeediysay.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Kulan Kampala ku dhex marey Sh Shariif & Jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaa ku dhaqan.
  2. Golaha Culumada oo kulan la qaatay Hogaanka Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed
  3. Midowga Afrika oo kulan Deg Deg ah ka leh Somalia
  4. Sh. Shariif oo la kulmey Jaaliyada Soomaalida Kenya
  5. Guddiyada Siyaasadda & Amniga ee dhinacyada ku shiraya Jabuuti oo kulamo wada Qaatay

Readers Comments (1)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Kulan Kampala ku dhex marey Sh Shariif & Jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaa ku dhaqan.
  2. Golaha Culumada oo kulan la qaatay Hogaanka Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed
  3. Midowga Afrika oo kulan Deg Deg ah ka leh Somalia
  4. Sh. Shariif oo la kulmey Jaaliyada Soomaalida Kenya
  5. Guddiyada Siyaasadda & Amniga ee dhinacyada ku shiraya Jabuuti oo kulamo wada Qaatay

Latest Headlines