Fashilka & Asbaabtiisa
By Somalimirror on 26 Mar, 2009 10:19 PM in Wararka
Ilaahay kor ahaaye waxa uu nolashan ka dhigay mid uu yaalo loolan iyo siraac aad u badan oo qofka kagama imaanaya meelo fara badan si toosana u saamaynaya Himilooyinkiisa & Mashaariicda uu ku taamayo inuu fuliyo.
Hadaba waxaa jira dad badan oo Afdaaftooda u mara inay ku xaqiijiyaan si jamaaci ah (wadajir & iskaashi). Ahdaaftaasi ha ahaato kuwo dacawiya oo ku wajahan bulshada ama ha ahaato kuwo kheyri ah sidaa ururada samafalka iwm.
Hadaba waxaa marag ma doona in dadkaasi ay soo wajahaan arimo badan oo sababa inay ku fashilaan muraadkoodii & inay gaadhaan Himilooyinkoodii.
Mararka qaarkood waxaa dhacda in Mashruuc lagu bixiyo wakhti badan, kharash badan, soo jeed iyo dhafar. laakiinse markii la hirgaliyo ay dhacdo in la xifdin Kari waayo lagana badbaadin Kari waayo fashal iyo burbur, meel cidla ahna lagaga dhaqaaqo.
Gobanimo waxaan haybinaba waa la soo helaye
Ha yeeshee sidii loo hantaa hadal ka joogaa.
Markaad u fiirsato Ma,usasaatkii dumay ama taariikhda ku yeeshay baalasha madow waxaad arkaysaa inay isu dhawdhaw yihiin arimhii aasaaska u noqday in lagu daro qaaimada & liiska kuwa fashilmay.
Taa macnaheedu maaha inuu fashilku yahay Miino (khaldaa ma saxo) oo hadii aad mar fashilanto inaadan dib wax u saxi Karin, balse in badan wuxuu ku dhaxalsiiyaa khibrad & waayo aragnimo kugu xanbaarta inaad dib u saxdo wixii kaa khaldamay, cagtana aad la hesho toobiyaha & tubta toosan.
Waxaan qoraalkan uga dan leenahay bal inaan wax ka nidhaahno asbaabaha keena inay fashilmaan Mu,asasaatku ha ahaadaan kuwo dacawiya ama kuwo kheyriya ,amaba kuwo tacliimi ah .
Iyadoo ay badan yihiin Asbaabtaasi waxaan ka tilmaami karaa kuwan soo socda oo ay iila muuqatay inay yihiin kuwa keena fashilka & burburka.
1. Aqoon Daro: Aqoontu waa furaha guusha waana ta keenta in la soo hooyo guulo waaweyn oo lagu naalaado. Waa geedka ay ummaduhu beertaan si midhihiisa waligood u goostaan, hadba heerka aqooneed ee ummadi leedahay waxa uu ka turjumayaa hadba sida uu mustaqbalkeedu u eekaan doono.
Hadaba hadaan la yeelan aqoontii loo baahnaa ee lagu hogaamin lahaa ururka ama hay,ada waxaa hubaala inuu soo degdegayo fashal & burbur baaxad leh oo aan la hor istaagi karin.
Hadaba si fashil looga baadbaado waa in kor loo qaado heerka aqooneed ee ay leeyihiin hawl wadayaasha ururku…
2. Khibrad daro: khibradu qiimo aad u weyn bay ku fadhidaa marka laga hadlayo in isbadel la sameeyo ama in qof shaqo loo diro, mararka qaarkoodna waxaa dhacda in qof lagu xisho khibradiisa isaga oo aan markaa la eegin inuu shahaado wato & in kale.
Hadaba haday dhacdo in dadka shaqada wadaa anay lahayn wax khibrada waxaa hubaala in dhibta ay keenayaan ka badanayso dheeftoodo. Sidaa daradeed waa in qiimo weyn la siiyaa khibrada iyo waayo aragnimada uu leeyahy qofka hawsha loo dirayaa.
3. Shaqsi aan Munaasib ahayn: Marar badan waxaa dhacda in hawsha uu hogaanka u qabto qofkii aan munaasibka ahayn ama aan ku haboonayn taasi oo keenta guuldarooyin waaweyn.
Waxaad suuraysataa qof aan dareewal ahayn oo loo dhiibay bus ay saran yihiin dad rakaabi. Maxay tahay natiijada laga fili karaa saw maaha in loo diyaar garaabo sidii loo kala tirin lahaa dhimashada & dhaawaca.
Sidaa daraadeed waa in hawshaa loo diraa qofka ku haboon ee la filayo inuu horumar ku talaabsan karo.
4. Kawaadir yari: Ururada iyo hayadaha waxaa hogaamiya horumarna gaadhsiiya dad ku sifoobay aqoon iyo waayo aragnimo aqoon xeel dheerna u leh hawsha ay qabanayaan, kana badbaadiya fashalka, una ifiya dhabada saxda ah, soona bandhiga talooyin wax ku oola oo ay ku shaqeeyo Ururku ama hay,adu .
Hadaba hadii ay yaradaan kawaadirtaasi waxaa marag ma doona in muasasadaasi dumayso.
Si hadaba fashal looga badbaado waa in la diyaariyo laguna tabco hogaamiyayaashii Bari hanan lahaa urukan ama hayadan.
5. Danaystayaal: waxaa jira dad badan oo iyagu dhex muquura hawsha la wado, meeshana u jooga sidii ay u fushan lahaayeen dano iyaga u gaara, danna aan ka lahayn in hawshu guulaysto iyo inay dunto toona.
Kuwaasi waa khataraha ugu waaweyn ee soo food saara Mu,asasaatka marar badana ay adkaato in la garto ama la fahmo.
Si kuwaa looga baadbaado waa in ikhlaaska qiimo weyn la siiyaa laguna qiimeeyo qofka hadba inta ikhlaaskiisu le,eg yahay oo aan lagu kadsoomin or-oradka iyo xiiqsanaanta badan ee ka muuqata danaystaha.
N.B. ilaah baa OG qofka mukhliska ah iyo ka kale laakiin waxaa jira calaamaad badan oo ka soo daahira dadka mukhlisiinta ah.
6. Hawsha oo lala gaar noqdo: ibnu aadanku waxa uu wax isugu darsadaa inuu wadaagi karo wada tashiga iyo wax is weydiinta, xaqna u yeesho inuu ka war qabo meesha loo socdo iyo waxa la maagan yahay. laakiinse haday dhacdo in kooxyari afduubta hawshii sida ay doonaana ka yeelaan dadka intiisii kalena ay u eekaadaan.
Shimbiryahow Heesa
Hees wanaagsan qaada
Kaalaya Hortayda
Halkan soo Fadhiista
Haday taasi dhacdo waxaa hubaala inaan kala tag la hurayn, ayna ka dhalaynayso in lagu fashilo muraadkii & ujeedooyinkii la rabay in la gaadho.
Si taa looga badbaado waa in hawsha iyo talada la wadaagaa Lana fahmaa inaan qofna laga maarmin taladiisa.
Taa macnaheedu maaha inay dadku noqdaan Garbo siman oo aan hawsha la kala lahayn ee arinta aan ka hadlaynaa waa in Hay,adii ama ururkii ayana noqon meel dhawr qof u af duuban.
7. Khilaafaadka Daakhiliga ah: hadii Muranka iyo is Maandhaafku bato, hadii la kala dhamaan waayo, hadii gaadhiga Nin isteerinka qabto Nin bireega qabto, hadii la isku wareero, hadii qofba qofka kale dhibsado, hadii la isku xajiimoodo. Waxaa xaqiiqa in dadkaasi aanay meel gaadhahayn, noqonayaan kuwo iyagu door biday inay fashilmaan.
Si arinkaa looga badbaado waa in laga fogaadaa sababaha keena Ismaandhaafka, aqoona loo yeeshaa sida loo maareeyo khilaafaadka, Lana xoojiyaa sababaha keenaya wadajirka & Midnimada.
8. Kalsoonida oo lunta: kalsoonidu waa halbowlaha shaqada, waa ta keenta in mudo badan la wada socdo, hawlana la wada wado. waa ta keenta inaan dhaliilaha loo fiirsan khalad kasta oo yimaadana lagu qaabilo niyad wanaag & in la isu cudur daaro.
Hadaba hadii kalsoonidu lunto waxaa meesha soo gala in la istuhmo , in la is lugooyo , in khaladkii yimaadaba qolo gaara loo tiiriyo , inaan wanaaga la isu qirin, in laga shaqeeyo sidii ururka ama hay,adaba loo mijo xaabin lahaa, in la isku been abuurto, in sumcada la iska weeraro, in dadkii shalay wada socday cadow isu noqdaan iwm.
Haday taasi dhacdo waxaan filayaa inaan guul loo fadhiyin, jabkuna yahay ka lagu tashaday, xaaladu waxa ay ku danbaynaysana la saadaalin karo.
Si kalsoonida loo xoojiyo waa la fiiriyaa shaqada qofku qabanayo ee aan isaga shaqsiyan loo eegin, waana in daniga la isu wanaajiyo Lana gartaa qofku isaga oo is leh wax hagaaji inuu khalad gali karo.
9. Sumcada oo la dhawri waayo: Sumcadu waa ta keenta in kalgacal loo qaado hay,ada ama ururka, keentana in la helo in dad badan kula garab istaaga Hiil & Hoo, kuguna kaalmeeya hawsha aad wado.
Hadiise la lumiyo sumcada iyo Haybada waxaa dhacaysay in lagaa dareero, hareerahaagana aad ka weydo cid ku garab istaagta, casariyahana lagugu cabo , magacaaguna in badan ku soo noqnoqdo goobaha fadhi ku dirirka, aadna yeelato cadow badan oo isu diyaariya sidii ay kaaga takhaluusi lahaayeen booskaagana u buuxin lahaayeen.
Sidaa daraadeed waa in sumcada la dhawraa lagana fogaadaa waxyaalaha keenaya magac darada & in haybadu lunto, Lana ilaaliyaa sharafta & karaamada.
10. Dhaliilaha oo laga Faaiidaysan waayo: Cid kasta oo ku dhaliilaysaa maaha inay ku neceb tahay ama ay doonayso inay ceebahaaga faafiso ee waxaa jira dad badan oo la jecel ururka ama hayadaba wanaag iyo horumar, doonayana inaad khaldaadkaaga saxdo , marka laga yimaado kuwa adiga wanaag kula jecel xitaa waxaa laga faaiidaystaa dhaliilaha cadawgu kuugu duur xulayo.
Hadiisa ay dhacdo inaan dhaliilaha la dhagaysan qof kastana lagu tuhmo inuu cadaw yahay ama uu leeyahay dano gaara, una socdo inuu wax dumiyo waxaa xaqiiqa inuu fashalku soo degdegayo ayna adag tahay in la baajiyo.
Si aan loo fashilmin waa in dhaliilaha la qaataa Lana dhagaystaa, oo la saxaa khaladaadka farta lagu fiiqayo, Niyad wanaagna la muujiyaa.
11. Talooyinka oon dhag jalaq loo siin: Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Talada adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola. Waxaa jira dad badan oo ilaahay waafajiyo talada saxda ah, in badana soo bandhiga talooyin wax ku oola oo hadii la dhagaysto lagu badbaadayo laguna badhaadhayo laakiinse waxaa isku fuuqsada boqolkaan aqaan kaa akhrisan maayo, gabyaagii soomaaliyeedna waa ku lahaa
Dhaaxaan jalaalugay Dheg baan jalaq la ii siine
Hadiise lagu gacan saydho talooyinka iyo waanooyinka ay soo jeedinayaa dadka Talo qabeenka ahi waxaa laga dhaxlaa inaan hore loo socon, fashalkuna noqdo midhaha la goostay ee lagu khasaaray.
Si hadaba fashil looga badbaado waa in talooyinka la qaataa Lana weeleeyaa laguna dhaqmaa.
12. Anaa Talin : waxaa ku dhacda ururada & muasasaatka in qof loo dhiibo inuu hawsha wado masuulna ka noqdo ka dibna ay adkaato sidii meesha looga wareejin lahaa taasi oo sababta in laguba mashquulo, wakhti badana la galiyo sidii qofkan meesha looga qaadi lahaa. isaguna u tafa xayto, kooxna u samaysto sidii aanu u dayaci lahayn kursigan iyo jagadan qiimaha badan ee uu nasiibka u helay kuna doodo xagaad jirteen intaan anigu dhibtoonayay, miyaad ila qaybsateen dhafarkii iyo dhakafaarkii aan u maray hawshan, ma markii midhaha la wada arkay baa la soo qamaamay.
Arinkani waa guuldarooyinka ugu waaweyn ee ku habsada ururada sababana in dagaal aan kala go lahayn oo dhex qarxo Aanaa Talin & Mucaaradkiisa loona adeegsado dhaqaalihii ururka sidii loogu dagaalami lahaa.
Si looga badbaado arinkaa waa inuu jiro qorshe cad oo qof kasta qeexaya shaqadiisa & mudada uu hawsha wadayo, waa inaanay dhicin in hal qof la kaliyoobo hawsha. Sidoo kale waa in laga fiirsado qofka hormuudka laga dhiganayo.
13. Anaa quman: Waxaa dhacda in la horumar laga sameeyo dhinacyo badan ayna suura gasho in wax badan oo lagu fakarayay loo badalo ficil muuqda oo la arki karo. Guulahaas la gaadhay waxaa ka dhashay marar badan in la is mahadiyo Lana moodo in isku filnaansho la gaadhay cid loo baahan yahayna ayna jirin, cagtana lala helay dhabadii saxda ahayd.
Hadii aragtadani noqoto mid saameyn yeelata waxay sababtaa talo xumooyin badan, ka fiirsasho la, aan, iyo in la garan waayo in ibnu aadanku daciif yahay baahida iyo dacfiguna yihiin kuwo ku lamaan basharka oo aan ka zuulayn.
Si arinkaa looga baadbaado waa inaan la is mahadin. Lana fahmaa in qabku sababo guuldarooyin naxdin leh.
Anaa dunida kaligey leh baa koofil eersaday
Kaskiiba ma gelin wiil yarbaa keebka kuu qabane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa hala ogaado.
14. Guuldarooyin isdaba Jooga: Marka laga hadlayo guusha macnaheedu maaha inaan ka hadlayno xaalad dagaal.
Laakiin Ururada iyo Hay,aduhu waxay leeyihiin yoolal ay hiigsanayaan oo ay doonayaan inay ku guulaystaan.
Hadaba haduu soo noqnoqdo fashilku waxay keentaa niyad jab badan iyo in loo xiisoon waayo in hawsha la sii wado. Waxay kalo sababtaa in laga yaaco ururkii ama hay,adii laguna biiro kuwo kale oo la filayo inay guushu xagooda jirto . Taasi waxay keentaa marar badan in ururkii ama hay,adii badasho magacii si ay isugu eekaysiiso muuqaal kale una yeelato waji cusub & Magac hor leh oo ay bulshada ku dhex mushaaxdo.
Sidaa daradeed waan la isku dayaa inaan raadkii dib loo raacin wixii shalayla khaldayna aan maanta lagu celin. lana dhuuxaa xadiiskii xabiibka ee ahaa ( Muslinka hal god laba jeer lagama wada qaniino).
Waa in si feejigan loo talaabsadaa daraasaduna noqotaa mid laga hor mariyo wax isku dayga.
15. Hadafka oo aan cadeyn: Inta aan dadka la ururin ama aan la isukeenin waa inuu jiraa hadaf cad oo la doonayaa in la gaadho, markaa ka dibna la abaabulaa dadkii hiigsan lahaa yoolkaa isaga ah loona sharxaa meesha bar tilmaameedku yahay. Marar badan waxaa dhacda inaad aragto hal urur oo xaanbarsan afkaaro aad u kala fog amaba aan isku ujeedo ahayn.
Hadii taasi dhacdo waxaa soo degdega Ismaandaaf fara badan & inaan hawsha la wada qaban. Koox walibana ku hawl gasho sida ay iyada wax ula muuqdaan. amaba ay dhacdo inay iyagii is dabraan meeshii laga rabay inay horumar sameeyaan.
Waxaad suuraystaa hal gaadhi oo toban isteerin leh isteerin kastana uu dareewal ku fadhiyo.
Si hadaba taa looga badbaado waa in wakhti badan lagu bixiyaa in la sharxo hadafka ururka ama hay,ada, meesha loo sacdo & waxa la rabo ee dadkan la isugu keenay.
16. Qorsheyn la, aan: Si hawshu habsami ugu socoto waa inuu jiraa qorshe degsan oo la raacayo si loo xaqiijiyo ahdaafta qiimaha badan ee la isku waafaqay in la gaadho. Qorshayaashaas oo la fulinayo hadba inta awoodu gaadhsiisan tahay. Laguna xadeynayo mudooyin loogu tala galay in marba mid la fusho.
Laakiinse waxaa dhacda in ururo badani karti u yeelan waayaan inay la yimaadaan qorshe cad oo ay ku hawl galaan xubnahoodu, taasi oo keenta in wakhti badani lumo ka dibna lagu kala dhaqaaqo, qof kastaana si shaqsi ah u tashado ururkiina noqdo magac u yaal aan wax qiimo ah lahayn.
Waxaa laga yaabaa inaad wax badan aragto urur ay xubnihiisu aad u badan yihiin laakiin ku fashilmay in wax qorsha ah uu la yimaado.
Si taa looga baadbaado waa inaan la moogaan inaan qorshe la,aan meel la gaadhi Karin laguna guulaysan Karin ujeedooyinka la rabo in la hiigsado. Sidaa dardeed waa in qorsheynta la siiyaa ahmiyad gaara Lana daraaseeyaa oo la bartaa hababka & qaababka qorsheynta loo sameeyo. Waxaa la yidhaa hadaadan waxba qorshayn waxay la micna tahay inaad fashil qorshaysay.
17. Fulin la, aan: Waxaa la isugu yimi oo hay,ada ama ururka loo sameeyay in la fuliyo hawl galo muhiimadooda leh taasi ayaa sababtay in la isa soo uruursado Lana door bido in hawshan la wada qabto, taasi ayaa sababtay in qorshe la diyaariyo si loo fuliyo.
Akhristaha qaaliga ahow waxaase dhacda in marar badan lagu guul daraysto in hawshii la fuliyo shaqaduna ay soo dhaafi weydo afkaar qurux badan oo maskaxda ka dhex guuxaysa.
Hadaba haday meesha ka baxdo in qorshihii la fuliyo waxaa iska cad inaanu qiimo samaynahayn magacan quruxda badan ee lala baxay iyo jagooyinkan faraha badan ee lagu taxay xubnaha ururka sida gudoomiye, ku xigeen, xoghayan, xisaabiye, gole tashi, gole fulin iwm.
Sidaa daradeed waa la fahmo in qiimuhu yahay waxa la qabtay ee aanu ahayn waxa la qoray.
18. Isbadelka oo laga baqo: Ha noqoto isbedel lagu sameeyo maamulka, qorshaha, xubnaha, qaab dhismeedka ururka iwm.
Marar badan waxaa dhacda in insaanku ka baqo inuu isbedel sameeyo isaga oo is leh armaad wax badan lumisaa ama ay meesha soo galaan dad aan la fahmeyn oo aan la xakameyn Karin, taasi oo keenta in la baasaysto isbedelka, laguna tuhmo qofkii ka hadla isbedel inuu leeyahay ajande qarsoon oo uu doonayo inuu fushado, mijaxaabiyana ururkii iyo hayadii sidaa darteed loo baahan yahay in qofkaa il gooni ah lagu eego loogana digo xubnaha kale ee ururka si aanu uga dhaadhicin balaayooyinkan uu la wareegayo.
Hadaba hadii isbedelka loo qaado colaad gaara, loona arko in wax badani lumayaan hadii lagu talaabsado waxaa marag ma doona inaan la fahmin sababtii la isugu yimid, ayna dhici doonto burbur iyo kala tag aan la hakin Karin.
Akhristaw sida loogu baahan yahay horukac ayaa loogu baahan yahay in isbedelku noqdo joogto.
Isbadelku waa qaababka shaqada lagu dardar galiyo, laguna abuuro kalsooni buuxda oo ka dhex dhalata xubnaha dhamaantood. Waana hubka lagula dagaalamo kuwa ujeedooyinka gaarka ah leh ee dhex boodaya shaqada iyo hawsha la wado & kuwa hawlgabka noqday ee daalku dabray.
19. Taxadarka aadka u badan: shay kasta wuxuu leeyahay xad iyo heer loo baahan yahay inaan laga sare Marin lagana hoos Marin. Hadaba markaan ka hadlayno taxadarka waa ficil qiima badan hadii aan laga badbadin ama aan si saayida ah loo adeegsan. Waxaa marar badan dhacda inuu taxadarku dhaliyo inaan hawl lagu talaabsan Lana aamino hadii midig loo dhaqaaqo in god lagu dhacayo, hadii bidix loo dhaqaaqana in biyo ku qaadayaan hadii hore loo socdana in lala kulmayo masiibooyin aan la maareyn Karin markaa ka dib ay taladu ku soo ururto inaan far la dhaqaajin, dhaqdhaqaaqana la yareeyo. Ficilka noocaas ahi wuxuu horseedaa in shaqadii istaagto ururkii ama hay,adiina ay noqdaan fadhiid laga tashado laguna xisaabiyo hawl gab.
Akhristow si looga badbaado taa waa inaan fahano in loo baahan yahay marar badan in la qaato go, aan adag, horu socodkuna noqda ka lagu balamay Lana dareemo in iska fadhigu marar badan ka khatar badan yahay isku day la, aanta. Odhaah baa ahayd (The trouble is, if you don’t risk anything, you risk even more).
20. Deg Dega: Degdegu waa ficil xun, ayna haboon tahay in la iska ilaaliyo lagana dheeraaado.Imisa guuldaro ayuu degdeg sababay.Imisa khasaare ayaa degdeg dhaliyay.Imisa masiibo ayuu degdeg soo jiiday.lama tirin karo masiibooyinka waaweyn ee uu degdegu sabab u noqday. Waxaan filayaa in Taariikhdu marag u tahay Lana heli karo tusaalooyin aad u fara badan (mayd kee ugu danbeeyay kaa la sii sido).
Degdegu waa ficil halisa ee soo dadejiyay fashilo is daba jooga oo xalkoodu adkaado.Sidaa darteed waa in laga dheeraado degdega Lana xasuusto inuu yahay dabinada shaydaanku dhigo si uu dadka u seejiyo talada saxda ah.
21. Shaqada oo aan Qaybsanayn: Si hawshu u fududaato, loona koobo wakhtiga, loogana faaiidaysto khibradaha kala gadisan ee ay leeyihiin xubnaha uruk
Daabaco
Sorry, comments for this entry are closed at this time.