Dowro Diini ah oo M/Muqdisho ka socota (Q.5aad)
By Somalimirror on 26 Mar, 2009 10:15 PM in Kulanka ducaadda, Main, Muxaadaro, Wararka
Dowradii ka socotey Markazka Ibnu-baaz oo si ku meel gaar ah looga furey Xaafada Towfiiq ee Magaalada Muqdisho oo halkeedii ka sii socota ayaa gashey Maalinteedii 5-aad, sidii caadada aheydna waxaa Maanta baxey laba Darsi oo ay kala bixiyeen Sh Nuur Cali Jaamac & Sh Axmed yare.
Xiisadii Koowaad waxaa galey Sh Nuur Cali Jaamac waxa uuna bixiyey Dersi Cinwaankiisu ahaa(الحث على الإتباع الحق), ugu horeyna waxa uuna ka Hadley Nimcooyinka Ilaahey noogu deeqay kuwooda ugu waaeyn oo Nicmada Islaamka & Imaanka ugu waaweyn yihiin.
Sh Nuur Cali waxa uu sheegay in waajib ay taahey raacida & ku dayashada Dariiqa Rasuulka CSW, ayna nagu tahey waajib Diini ah, Cidii ka weecatana Xujo u dhiman ayna u harsaneyn.
Intaa ka dib waxa uu sheegay Sheekhu Diinta Islaamku inay leedahey Sadex Sifo oo kala ah, Baaqi ahaansho, mid dhameystiran iyo Mid caam ku ah Jinka iyo Insigaba.
Xiisadii xigtey waxaa galey Sh Axmed Yare, waxa ayna dhameystir u aheyd mid uu horay u Akhriyey oo ku saabsaneyd(التكفير بين الافراط والتفريط), waxa uuna Muxaadaran qeybtan uga Hadley Qawaacida Asalka u ah Gaaleysiinta oo uu ku sheegay 4 qodob, waxa uuna qodobadaas gundhig uga dhigey mar walba Shareecada Islaamka & Sunada Rasuulka SCW.
Waxa uu sidoo kale ka Hadley Xilliga Shaqsi gaar ah Gaalnimo lagu Xukumi karo, sida inuu yahey Qof qaangaar ah oo caqligiisu buuxo, in sheyga lagu gaaleysiinayo Ikhtiyaarkiis ah uga dhaco, in Xujada lagu oogo, inaanu si khaldan u fasiran Sharciga.
Sheekhu waxa uu sidoo kale ka Hadley waxyaabaha Qofka ka baajin kara in la gaaleysiiyo oo uu ku sheegay inuu waxa uu sheegay Jaahil ka yahey, si gef ah uga dhicin, in lagu qasbo iyo in si khaldan wax u faristo.
Gunaanadkii sheekhu waxa uu sheegay in Mowduucan iyo kuwa la mid ahba ay ka hadli karaan oo keliya Culimo si xeel dheer ugu Cilmi leh Shareecada Islaamka sidoo kalena ah Ahlu-suna Wal-jamaaca.
Daabaco

Jazakumulahu khayr waxan walalka muslimka ah xadith nabiga s lw ukuyiri usama ibnu zed maqabigisa ayajexdey wasalamu caleykum waraxmatulahi wabarakatu
Mohamed.caadil | May 13, 2009 | Reply