Ciidamada Puntland oo Maanta Sheekh Caan ah ka qabtay G/Kacyo

Published on March 26, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

Ciidamada sirdoonka (PIS) oo loo yaqaano Ashahaado ladirirka ee Maamul goboleedka Puntland ayaa waxay maanta duhurnimadii magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ka qabsadeen Sheekh lagu magacaabo Sh.C/raxmaan Jaamac Tuke waxayna u taxaabeen xabsiga Magaaladaas.

Ilo xog ogaal ah oo aan ka waraysanay qaabka wadaadka looqabtay ayaa waxay noo sheegeen in ciidamadu ay wadaadka ka kaxaysteen meel u dhaw Saldhigga Booliska xilli uu marayay meel aan sidaas uga fogayn, waxaana isla markiiba kacay dadweynahii ka agdhawaa goobta waxaana saldhigga iyo hareerihiisa soo dhoobtay dhalin yaro hubaysan oo wajiyadooda soo qarsaday waxayna xireen jidadka soo gala Saldhigga waxaana sidoo kale goobta soo gaaray iyo rag hubaysan oo ay wadaadka isku hayb yihiin.

Kadib qabashada sheekha waxaa Saldhigga iyo nawaaxigiisa ka abuurmay xaalad Murugsan taas oo ka dhalatay xoogagga Hubaysan oo soo buuxdhaafiyay hareeraha Saldhigga iyo dadweynaha caraysan oo buuq ka kiciyay saldhigga ayaga oo muujinaya inasan raali ka ahayn qabashada sheekhan.

Goobjooge ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo oo aan waraysanay ayaa sheegay in arrinta ay soo faragaliyeen waxgarad si weyn looga yaqaano magaalada oo ay ka mid yihiin Caaqil C/wahaab Maxmuud Gurey iyo Nabadoon Siciid Xusseen Nuur-dirir (Siciid Lugool) waxayna odayaashu ku qanciyeen ciidamaada inay damiin ku siidaayaan Sheekha waxaana xabsiga laga soo daayay caawa maqribnimadii.

Ciidamada (PIS) Ashahaado ladirirka ayaa ku dooday inay wadaadkan dacwo u qabaan ayna uga shaki san yihiin inuu xiriir la leeyahay waxa loogu yeero argagixiso-nimo taas oo ay odayaashu ku gacan sayreen ayna ka dalbadeen inay la yimaadaan cadaymo xariggana ay u soo maraan hab sharci ah.

Waa markii 4 ee Sh.C/raxmaan Jamac Tukke ay xabsiga u taxaabaan ciidamada Puntland waxaana hadda ka hor xabsiga dhigay C/laahi Yuusuf xilligii uu ahaa Madaxweynaha Puntland markaas oo laga qabtay G/kacyo loona gudbiyay Garoowe isla markaana wadaadka loogu gaystay Jirdil.

Xarigga Sheekhan ayaa la sheegay in uu xiriir la leeyahay xarigii maalma kahor magaalada B/saaso loogu gaystay Sh. Cusmaan Shire kaas oo qalalaase weyn ka abuuray Magaalada Boosaso.

Sidoo kale ciidamada Ashahaado la dirirka (PIS) ee fadhigoodu yahay magaalada g/kacyo ayaa waxay habeen hore baaritaan ku sameeyeen guri uu leeyahay
Engneer caan ka ah Magaalada waxayna si gooni ah baaritaankooda ula beegsadeen nin dhalin yaro ah oo ka yimid dalka Sweden ahna dadka magaalada G/kacyo u dhashay oo ku sugnaa guriga waxayna ku andacoodeen inay uga shakisan yihiin Xagjirnimo.

Ciidamada Ashahaado ladirirka (PIS) ee ku sugan Mamul goboleedka Puntland ayaa waxay baryahaan wadaan hawl gallo ay ku beegsanayaan culumada caanka ka ah gobolka taas oo ay dadweynaha reer puntland aad uga biyo diidsan yihiin.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. 3 musharax oo ka mid ah musharaxiinta Puntland oo maanta Garoowe Shir Jaraaa’id ku qabtay
  2. 19 Burcad Badeed ah oo uu Faransiisku maanta Puntland u soo gacan galiyay
  3. Xubno isku jira Wasiiro & Isimo ka tiran Puntland oo Addis Ababa u socdlaay oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe
  4. Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland oo la magacaabay
  5. Sheekh, Ciidamada DKMG ah afduubeen Maanta

Readers Comments (1)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. 3 musharax oo ka mid ah musharaxiinta Puntland oo maanta Garoowe Shir Jaraaa’id ku qabtay
  2. 19 Burcad Badeed ah oo uu Faransiisku maanta Puntland u soo gacan galiyay
  3. Xubno isku jira Wasiiro & Isimo ka tiran Puntland oo Addis Ababa u socdlaay oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe
  4. Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland oo la magacaabay
  5. Sheekh, Ciidamada DKMG ah afduubeen Maanta

Latest Headlines