Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo isniintii lasoo dhaafay kudbad u jeediyay Baarlamaanka dalkiisa ayaa diiday in uu ka jawaaabo Su’aalo Ay waydiiyeen qaar ka mid ah Xubnaha baarlamaanka ee axsaabta mucaaradku su’aalahaas oo ku saabsanaa khasaarihii naf iyo maalba ka soo gaaray ciidamada Dalka Itoobiya muddadii 2 sano ahayd ee ay dagaalka ka wadeen Dalka Soomaaliya.
Meles ayaa ka jawaabay inta badan su’aalhii la waydiiyay marka laga reebo kuwii ku saabsanaa khasaarihii ciidamadiisa ka soo gaaray faragelintii ciidan ee ay ka waday dalka Soomaaliya sanooyinkii lasoo dhaafay.
“intee askari ayaan u dirnay soomaaliya, meeqa ka mid ah ayaa dhaawacmay, meeqa ayaane ku weyney?. Ayuu wydiiyay Legesse Biratu oo ah xubin ka tirsan xisbiga Coalition Unity and Democracy taas oo uu Meles diiday in uu ka jawaabo.
“ Uma qoolni in aan soo bandhigo tirada khasaaraha naga soo gaaray Soomaaliya muhiimna maaha in Aqalka baarlamaanku sal iyo baarba ogaado khasaarihii ka dhashay dagaaladii soomaaliya aan ka galnay. Intaa ka sokoow waxaan rajaynaynaa in aan aragno ciidamada Itoobiya oo sii joogtaynaya sidii ay gacan ug gaysan lahaayeen xasilinta Soomaaliya arrintaasna waxaa si weyn u soo dhaweysan Beesha Caalamka itoobiyana uga mahad celisay Dadaalkeeda” ayuu yiri Meles.
Lidetu Ayalew oo ah gudoomiyaha Xisbiga Ethiopian Democratic Party oo arrintan ka hadlayay ayaa waxaa uu yiri “ Golaha baarlamaanku waa midka looga baahan yahay in uu cabiro awooddiisa Difaaca, xaqna kaliya uma laha in la ogaysiiyo natiijadii ka dhalay go’aankii ay ansixiyeen oo ahaa in ciidamada dagaal loo diro, balse waxay mas’uul ka yihiin lagulana xisaabtamayaa go’aankii iyo Fulintiisa intaba”. Wuxuuna intaa raaciyay in aysan u riyaaqin jawaabtii uu Meles ka bixiyay Su’aasha la waydiiyay eek u sabsan Khasaaraha.
“Marna ma awoodno in aan Qaranka ka dhaadhicino in ay qiimaha iska bixiyaan ayada oo aanan u sheegin kharashka uu ku fadhiyo. Golaha baarlamaanka waxaa loogu tala galay in uu la xisaabtamo Ra’iisul wasaaraha makii ay su’aal waydiiyeena wuxuu ku jawaabay xaq la’iiguma laha in aan arrintaas faahfaahiyo, goorma ayaa lala xisaabtamayaa marka Ra’iisul wasaaraha” ayuu yiri Lidetu.
Meles Zenawi ayaa aad uga meermeeraya in uu qirto jabkii foosha xumaa ee ka soo gaaray dalka soomaaliya kaas oo ay u gaysteen Xoogagga Muqaawamada Soomaaliyeed oo har iyo habeenba ku hayay weeraro aan tirakoob lahayn intii ay ku sugnaayeen Carrada Soomaliya, wuxuuna khasaarahaas ka dadayaa xataa Golaha baarlamanka Dalkiisa oo markii hore go’aamiyay in ciidankooda loo diro Soomaaliya.

Related posts: