Dowro Diini ah oo M/Muqdisho ka socota (Q.4aad)
By Somalimirror on 25 Mar, 2009 9:57 PM in Kulanka ducaadda, Main, Muxaadaro, Wararka
Dowradii ka socotey Markazka Ibnu-baaz oo si ku meel gaar ah looga furey Xaafada Towfiiq ee Magaalada Muqdisho oo halkeedii ka sii socota ayaa gashey Maalinteedii 4-aad, sidii caadada aheydna waxaa Maanta baxey laba Darsi oo ay kala bixiyeen Sh; Dr. Yuusuf Axmed Cilmi & Sh C/casiis Axmed Xersi. (Daawo Sawirrada)
Xiisadii Koowaad waxa galey Dr Yuusuf Axmed Cilmi, waxa uuna bixiyey Dersi ku saabsan(الولاءوالبراء) oo uu si faahfaasan uga Hadley ugana haqab tirey Ardeydii ka qeyb galeysay Dowrada. Waxa uuna sheegay in Ilaahey Dartii oo wax loo xariiriyo loona Colaadiyaa Calaaqo la leedahey Caqiidada dhabta ah ee Qofka Muslimka ah.
Hordhaca ka dib waxa uu ka Hadley Sheekhu Macnaha(الولاءوالبراء) oo uu sheegay inay tahey in aad Ilaahey Dartii wax ku xariirisaa kuna Jeclaataa isaga dartiina aad wax ku colaadisaa kuna goysaa, marka laga hadlayo Cadiiqada Ahlu-suna Wal-jamaaca, sidoo kalena gundhig u tahey.
Ahmiyada, u Xiriirinta & Colaadinta Ilaahey Dartii leedahey.
Sheekhu intaa ka dib waxa uu ka Hadley Ahmiyada uu leeyahey Ilaahey Dartii oo aad wax u xariirisaa amaba u goysaa, waxa uuna ku sheegay Ahmiyada Qodobadan:-
1. Waxa ay qeyb ka tahey Macnaha Towxiidka.
2. Waa Shardi ka mid ah Shuruudaha Arkaanta Imaanka.
3. Xarkaha Imaanka Kowooda ugu adag ayey ka mid tahey.
4. Qofka sameeya waxa uu helayaa Macaanka Imaanka.
5. U xiriirinta & Goynta Ilaahey Dartii oo la xaqiijiyaa waxa ay qeyb ka tahey Xaqiijinta Towxiidka.
6. Inta uu leegyahey Xiriirka Qofka & Ilaahey ka dhaxeeya ayuu leegyahey Walaha & Baruhu.
7. Waxa uu qeyb ka yahey dhisida Xiriirka Bulshada Muslimiinta ka dhaxeeya.
8. Ilaahey Dartii oo aan wax loo xariirin amaba loo goyn waxa ka dhalanaya Imaan la’aan.
9. Mowduucani in badan ayuu ku soo noq noqdey Kitaabka & Sunada Nabiga NNKH.
Yaanu Xariirineynaa amaba Goyneynaa?
Waxa uu sheekhu Dadka u kala qaadey 3 qeybood, Qof aanu wada Xariirineyno, Qof aanu wada goyneyno iyo Qof labaad u dhaxeeya.
1. Qof aanu wada Xariirineyno; wuxuuna ku sheegay Sheekhu, Qofkii Ilaahey & Rasuulkiisana rumeeya, Shareecadana ku xiran, kuna toosan Caqiido & Camal ahaanba, una gooya una xariiriya Ilaahey dartii.
2. Qof aanu wada goyneyno; Waxa uuna ku sheegay Sheekhu, Qofka hore lidkii, oo ah Qof aan rumeynin Tiirarka Islaamka & Imaanka.
3. Qof dhinacna aanu ka Jeclaaneyno dhinacna aanu ka Naceyno, waxa uuna ku fasirey Sheekhu qofkaas mid Acmaashiisa Wanaagsan ku dhex darey kuwo xun, waxa kale oo uu sheekhu intaa ku darey in qofkaas loo naseexeynayo wixii ka khaldana loo toosinayo, inta uu Imaankiisu leegyahey lagu xariirinaayo balse aan laga saareynin Xeendaabka Islaamka.
Tusaalooyin walaha & Baraha ku saabsan.
Al.walaa
1. In la jeclaado oo la xariiriyo Muslimiinta.
2. In loo hiiliyo Dadka Muslimiinta ah.
3. In sidoo kale loo Naseexeeyo.
Al.baraa
1. Gaalada oo la jeclaadaa waa Xaaraan Sharci ahaan.
2. Gaalada oo Maamul lala wadaago sidoo kale waa xaaraan.
3. Gaalada oo Saaxiib laga dhigtaa ma banaana.
4. Dhulkooda oo la degenaado amaba loo Hijroodo waa Xaaraan.
5. In la isu eekeysiiyaa iyaduna waa Xaaraan.
Baraarujin.
Intaa ka sokow Sheekhu waxa uu sheegay Gaalada oo lala tacaamulo, sida wax kala gadashada, Guurka marka laha hadlayo Ahlu-kitaabka, si Akhlaaq wanaagsanku jirto oo loola hadlo, in wax loo hadiyeeyo, kooda Xanuusan oo la soo booqdo, in loo Cadaalad Sameeyo Xilliga qof Muslim ah is qabtaan iyo in loo Duceeyo Ilaahey inuu soo hanuuniyo, arimahaas oo dhan ay yihiin kuwo banaan oo aan waxba Caqiidada Qofka Muslimka ah u dhimeynin.
Intaa ka dib Dersigii xigey waxaa qaatey, Sh C/casiis Axmed Xersi, waxa uuna ka Hadley Mowduuc ku saabsan, Firqooyinka Dariiqada Saxda ah ee Ahlu-sunah Wal-jamaaca ka leexdey ee lumey, waxa uuna ka soo sheegeeyay Xilligii ay soo bilowdeen oo ku beegneyn Dabayaaqadii Khilaafadii Cusmaan Binu Cafaan, Ilaahey ha ka raali noqdee, siina xoogeysteen Xilligii Khilaafada Cali Binu Abi-daalib, waxa uuna Sheekhu firaqdaas ku micneeyay kuwo Caksi ku ah Ijmaaca & Midnimada Umada ee Sharci ahaan ah Waajib Diini ah, waxa ayna ka dhasheen Khilaaf Umada soo kala dhex galey.
Dhanka kalase Sheekhu waxa uu is khilaafka Umada u qeybiyey labo, mid wanaagsan oo ku xiran Caqiidada iyo mid la diidey oo xiriir la leh Tacasubka(Nin Jacleysi).
Asbaabta.
Mar uu sheekhu ka hadlayey Sababaha ka danbeeya leexadka iyo gooni isu taaga Firaqda Jaamacadii Islaamka la leexatey waxa uu ku sheegay dhowr Arimood oo ay ka mid yihiin:-
1. In la Shaki geliyo oo la Qaloociyo Afkaarta Wanaagsan ee Shareecada Islaamku qabto ayna raaceen Ahlu-sunahu.
2. Raacida Kitaabka Ilaahey & Sunada Rasuulka CSW oo laga fogaadey.
3. Imaankooda oo aad u yaraadey.
Sheekh C/casiis ugu danbeytii waxa uu ka Hadley Khilaafka keenay inay abuurmaan Firaqda luntey, wuxuuna sheegay inay jiraan arimo salka Khilaafku ku hayo oo iyaga dhexdeedu isku qabteen, balse Ahlu-sunahu dhex dhexaad ka noqdeen iyaga oo ka raacaaya Kitaabka & Sunada Rasuulka CSW, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Cidda Khilaafada Muslimiinta u Xaq, leh, Sifaadka & Magacyada Ilaahey, Macnaha Imaanka, Qadaha iyo Qadarka, halka Cilmiga(Shareecada Islaamka) laga qaadanayo.
Daabaco





Fikrad ka dhiibo