Koox afrikaan ah oo ka tirsan Golaha Xuquuqul Insaanka Caalamiga ayaa maanta sheegtay in Soomaaliya aysan ahayn Dowlad Fashilantay, laakiin Beesha Caalamka ay tahay midda ku fashilantay inay taageerto Soomaaliya.
Diblomansi u dhashay Dalka Masar oo lagu magacaabo Camar Rashiid isla markaana u Matalay kooxda Afrikaanka ah kulankii Golaha Xuquuqul insaanka Caalamiga ee ku saabsanaa Soomaaliya ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay ku fashilantay Taageerida Soomaaliya.
Camar Rashiid ayaa ka dalbey Beesha Caalamka in ay Go’aansadaan sidii ay wadankan(Somalia) ee Afrikaanka ahi wakhti uun ugu soo noqon lahaa Caafimaadkiisii.
Diblomansiga u dhashay Dalka Masar ayaa uga digay Beesha Caalamka Cadaadiska ay ku hayso Soomaaliya gaar ahaan in ay Badalaan Hab dhaqankooda, wuxuuna intaa raaciyay haddii ay Beesha Caalamka sii wado arintaasi ay soomaaliya ka dhalan doonto Daalibaan kale.
Camar Rashiid wuxuu yiri “Waxaa jira arin dhib badan oo hadda ka jirta Soomaaliya, ma awoodid in aad Shacabka Soomaaliyeed ku tiraahdo iska ilooba Dhaqankiina iyo Shareecadda Islaamka ee aad rumeysantihiin, wax kasta waxay isku noqdeen Habeen iyo Maalin, sidaa awgeed arintaas waxay noqonaysaa Talaabo lagu abuurayo Dhibaato”.
Sidoo kale Khabiir arrimaha Bani-aadamiga u qaabilsan Q.M oo lagu magacaabo Hamsol Barry ayaa warbixin uu ka jeediyay kulanka Xuquudda Insaanka ee ka dhacay Magaalada Geneva ee Dalka Swaziland kaas oo si gaar ah diiradda loogu saarayay Soomaaliya waxaa uu xaaladda adaminimo ee Soomaaliya ku sifeeyay in ay tahay midda ugu liidata caalamka, wuxuuna intaa raaciyay in Dadka Soomaaliyeed ay dhibatadaas ku soo jireen muddo 20 sano kudhawaad ah.
Hamsol Barry ayaa waxaa uu sheegay in uu kalsooni ku qabo hadda in dadka Soomaaliyeed ay fursad siinayaan sidii Nabad looga dhalin lahaa dalkooda wuxuuna carrabka ku adkeeyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la taageero Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya wuxuuna Golaha Amaanka ku booriyay in ay qaataan go’aan ciidamo caaalami ah lagu gaynayo Soomaaliya.
Khabiirka ayaa sheegay in xaaladda Amaanku ay hadda ka soo raynayso uuna waqtiganu yahay fursad qaali ah oo looga faa’iidaysan karo ciidamo loo diro Soomaaliya maadaama ay xukuumadda cusub haysato taageero weyn oo xagga shacabka iyo qaba’ilka ah.

Related posts: